SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Intaydaan i Toogan ii ogolaada in aan xaajo gutto(saxaroodo)

Iftiinkacusub.com: Waxa aynu wakhti aad u farabadan daawanaa ama aynu maqalnaa in magalada Muqdisho iyo nawaxigeeda lagu dilo (toogto)dhalinyaro farabadan oo iyaga markaasi lagu helo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-shabaab,
gaar ahaan kuwooda wax Qarxiya ama wax dila.

Hadaba dadkaasi la tooganaayo ee Tiirka la taagaayo ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaro,kuwaasi oo ay dilkooda xukunto Maxkamada Milatariga madamaa aanay wakhtigan diyaar u ahayn Maxkamadahii Madaniga ahaa in ay kiisaska noocan ah in ay qaadaan nabad galyo darro jirta awadeed.

Qisadan waxaa iiga sheekeeyey mid ka mida Askartii goob jooga ahayd qof saxiib dhaw la ah:

Waxaa maalin maalmaha ka mida la keenay goobta inta badan dadka lagu toogto ee Magalada Muqdisho dhalinyaro tiradoodu ay tahay laba,kuwaasi oo markaasi ay maxkamadi ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay afkooda ka qirteen in ay ka danbeyeen dilka ruux Wariye ah .

Markii labadaasi dhalinyarada ah xabsigii ay ku jireen laga soo qaaday lana soo saaray Gaadhi Anbalaas ah iyada oo midkasta oo ka mid ah dhalintaasni Katiinad ama Silsilad loogu xidhay Gaadhiga meel ka mida ,ayaa waxa la keenay oo lasoo joojiyey goobtii uu dilkoodu ka dhacaayey oo ah meel u dhaw dugsiga tababarka ee Kaahiye.

Sida aad wax badan ka daawateen shaashadaha Tv-yada,qofkasta oo la tooganaayo marka gaadhiga lagu sido laga soo dejiyo waxa laga furaa Kadiinadaha ku xidhan,kadibna waxa dib loogu xidhaa ama lagu *dhuujiyaa Xadhig,iyada oo madaxana loo galinaayo Kiish ama maro cad,taasi oo looga jeedo in aanu qofku arkin xaalada markaasi uu ku sugan yahay ama fagaaraha lagu tooganaayo ka jirta.

Hadaba labadii dhalinyarada ahaa markii Gaadhigii ay saarnayeen laga soo dejiyey lagana furay Katiinadahii,loona diyarinaayo in markaasi la geeyo Tiirarkii lagu toogan lahaa iyaga oo xidh-xidhan,ayaa mid ka mida waxa uu askartii hawshaasi ku shaqada lahayd ka codsaday in ay u ogoladaan in uu xaajo guto(macnaha caloosha ayaa dhaqaaqday kadibna saxaro ayaa qabatay naxdintii) hadaba maxay ayaa dhacay?

Askarigii hawshaasi madaxda ka ahaa inta uu waxoogaa dhoolla cadeeyey ayaa waxa uu ku yidhi maxbuuskii dil sugaha ahaa "" Adeer hadda marka aanu qabriga ku gayno ayaad Aakhiro ku saxaroon doontaa ,halkan ifka waa ay kaaga dhamaatay mana jirto wax aanu kuu ogolanaynaa",intaasi wixii ka danbeeyeyna waxa loo dhaqaajiyey Tiirka lagu toogan lahaa kadibna waxaana lagu dhuftay Toban xabadood halkaasi ayanu ku qudh baxay.

Qisadani waa mid dhacday,ujeedada aan ka leeyahayna maaha in aan difaacaayo dadka qaraxyada iyo dilalka ku haya dadka Somaliyeed,qofkasta oo qof Muslim ah gardarro iyo Kibir ku dilana in la dilo oo tiirka la taago waa mid sax ah waanana  raacsanahay,balse waxaa fiican adiga oo wax dilaaya ama Tooganaaya in hadana ixsaanka iyo naxariista aadan ka tagin .

Nabigeenu csw waxa uu inagula dardaarmay in xaataa marka aynu xoolaha gawracayno aynu Mindida aynu wax ku qalayno aynu ka qarino,walibana aynu Mindida afaysano si aanay neefka la gawracaayo u silcin ama hore nafta uga qaadmi waayin.

Naxariistu heerkasta oo ay noloshu leedahay waa ay la socotaa,xataa Maydka dhulka yaala ee aynu dhaqayno ayaa la inoo sheegay in uu unooga baahan yahay tartiib iyo aayar in loo maydho si aynaan xuquuqdiisa ugu xad gudbin.

Ninkan dhalinta yarina waxa uu xaq u lahaa madamaa uu nool yahay oo aan wali la dilin xuquuqna uu leeyahay ,in arintan loo ogolaado iyada oo hareeraha laga joogo,waayo arintiisa dilka ah maaha mid horjoogsanaysa,isagana waxa ay u noqon lahayd samirsiis iyo niyadsamaan Daqiiqadaha uga hadhay MAWDKA AMA GEERIDA,dadka ka danbeeyaana waxa ay u arki lahayeen Askarta kuwo naxariis u muujinaaya.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment