SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Waraysigii gabadhii Jinniga ahayde ee Reymaa. Qaybtii 2-aad.

Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa , wareysi dheer oo dhexmaray aqoonyahan Abukar Albadri iyo gabadha Jiniga ah ee magaceeda la yidhaahdo Reymaa, taas oo ka tirsan degganayaasha Magaalada Muqdisho ee jinniga ah, gaar ahaan kuwa xaafadda Liido ee degmada Cabdulcasiis.

Wareysiga qeybtiisa koowaad waxaa uu inoo marayey aniga oo Reymaa weydiinay su’aal la xiriirtay in ay sharaxdo sida ay insiga uga raaxo wanaagsan yihiin jinniga. Qeybta labaad waxaa ay inooga billaabaneysaa isla su'aashaas iyo jawaabteeda, waana sidan.

Su’aal: Bal ii faahfaahi sidee bey raaxada insiga uga wanaagsan tahay midda jinniga? Adigana labada raaxo ma wada dhadhamisay, midda jinniga iyo midda insigaba?

Reymaa: Abuurista jinniga iyo insiga ayaa asal u ah sababta ay xaga raaxada ugu kala wanaagsan yihiin. Tusaale insiga jirkiisa oo dhan waa raaxo, jinniga jirkiisa raaxo ma leh illaa uu insi isu ekeysiiyo, xubin walbana oo insiga jirkiisa ka mid ah waxaa ay ka qeyb qaadataa xaraaradda la xiriirta raaxadda inta ay labada qof isxoodaaminayaan, balse jinniga sidaas ma ahan, dareenka xoodaamiska ma leh jinniga.

Haddii aan tusaale ku siiyo jinniga waxaa uu leeyahay gacmo ka duwan kuwa insiga. Insiga gacmihiisa waxaa ay leeyihiin 5 farood oo mid walba xubno laalaabma ay leedahay, far walbaana kaligeed ayey sida ay doonto u dhaqdhaqaaqi kartaa, balse jinniga wuxuu leeyahay 3 farood oo isku dheggan, xubno ay ka laabmaanna aan laheyn.

Sidaas darteed ninka jinniga ah, gacmihiisa si kasta oo uu ugu taataabto naagta jinniga ah jirkeeda wax raaxo ah kama dareemeyso, waayo waa iyada oo alwaax lagugu taataabanaayo oo kale, waxaana u sabab ah in ay yihiin 3 farood oo isku dheggan, wax xibno ahna aan laheyn oo isku simman, adeygna ah.

Balse insiga, farihiisa baa midba goonideeda u dhaqaaqeysaa, jirkii bey taataababeysaa, waa ay jilicsan yihiin oo jirka way u roon yihiin, kaddibna farahaasi siyaabaha kala geddisan u dhaqdhaqaaqaya waxaa ay taabashadooda jirka ku abuuraysaa dareen labada qof isu soo jiida. Tusaale haddii aad farahaaga inta dhab isku wada siiyo qof jirkiisa ku taabato dareen ay bixinayaa lama mid ahan marka faraha oo jilicsan ay jirka si hal haleel ah u salaaxayaan. Mar walba oo ay shanta farood wada dhaqaaqayaan dareen iyo xaraarad ayaa ka abuurma, waana nimco uu ALLAAH insiga ku maneystay.

Ha ila yaabin haddii aan xoogaa xaajada marada ka qaado. Faraha ninka ragga ah qeyb weyn ayey ka qaataan dareenka gabadha haddii faraha lagu salaaxo qeybaha dareen wadka, gaar ahaanna canbarka, horaadada iyo hareeraha xuddunta.

Su’aal: Adiga waxan oo dhan aad sharaxeyso sideed ku ogaatay, maaddaama aadan weli guursan?

Reymaa: Aniga 30 sano ayaan daawanayey Soomaali habeenkii reerkooda dhaqaneysa. Carruur badan oo jidadka iiga hor timaadda ayaan marqaati u ahaan habeenkii hooyadood ay caloosheed galeen, xaaladda jinniga waan iska ogahay, waayo aniga ayaa ka dhashay, waan la socdaa, sababta aan nin insi ah u jeclaaday waa raaxadaas tirade badan ee aan sheedda uun ka daawado darteed.Runta haddii aan kuu sheego gabdhaha jinniga ah aad ayey u daawadaan marka ay insiga isu hawoodaan, weliba gabdhaha jinniga ah aad ayey u ooyaan oo u ilmeeyaan marka ay daawanayaan xaasaska insiga ah ee gogoshooda ku dhex dhaqmaya oo isla faraxsan.

Su’aal: Gacmaha garanay, lugaha ka warran? Ma jiraan xubno kale oo insiga iyo jinniga ku kala duwan yihiin oo sabab u ah farqiga raaxada?

Reymaa: Haa! Waxaa ka mid ah lugaha, jinniga lugihiisa kuwa ugu qurxoon waa qoobka fardaha, waa kuweygan oo kale, hadda weliba aniga oo insi isugu kaa ekeysiiyey ayaanan lugaheyga doorin karin, meesha kaliya ee qofka jinka ah laga eego waa lugaha, si kasta oo uu isugu ekeysiiyo dadka lugaha ba doorsoomayaan.

Teeda kale, jinniga, marka laga reebo kuwa ka dhashay qabiilka Si’lat iyo Baallis inta kale lugahooda waa lugo sida dugaagta oo kale ah, waxaa ay leeyihiin cijiyaha libaaxa oo kale, in ay wax mudaan ama ay wax gooyaan mooyee laguma raaxeysan karo.

Su’aal: Qof yaab leh ayaad tahay, anigii insiga ahaa ayaad igaaga aqoon badan tahay wax yaabo badan oo aad halkan ku sheegtay oo la xiriira farqiga raaxada ee jinka iyo insiga u dhexeeya. Bal waxaad ii sheegtaa adiga waligaa raaxo ma dhadhamisay?

Reymaa: Maya! Aniga xagga nolosha jinniga wali waan yar ahay, 175 sano oo kaliya ayaan jiraan, waa in aan 210 sano aan gaaraa si uu nin jinni ah ii damaacin karo, balse marka loo eego insiga qof weyn oo raaxada ka bixi karta ayaan ahaan lahaa haddii uu nasiibka intuu I saacido aan heli lahaa nin insi ah oo aan iga dideyn oo I guursada. Hase yeeshee raaxadda insiga ayaan daawashadeeda ka dhergay oo kana maqsuuday, waayo dadka iyaga oo aan ii jeedin ayaan inta dariishada u fuulo ka daawadaa, kuwa deggan guryaha suuliga ku dhex leh qolalka jiifka iyo kuwa hoteelada deggan waxaan u fadhiistaa irridda suulliga qolka ku dhex taalla, tartiibteyda ayaan iska daawadaa, teleefoonkeyga ayaan ku duubtaa, balse waa teleefoon jinni oo jinni uun baa daawan kara. Haddii aan xoogaa qalbi xanuun ah dareemo marka ay raaxadooda dhiindhiinka mareyso waan isaga yara jeestaa, haddana waan iska soo milicsadaa. Mararka qaar inta ay aacuudu billeystaan ayaan cararaa oo suulliga ayaan galaa, shanqarta iyo neeftuurka ayaan halkaas ka dhegeystaa, iyadaba eber ayey dhaantaa.

Su’aal: Balaayo ayaa ka dhacdaye, oo waa la ceeboobay haddiiba aad dadka duubeysaane, walba ma jiraan dad aadan arki karin?

Reymaa: Haa! waxaa jira dad badan oo mar walba adkaarta aqrista, kuwaas waa naga xaaraan in aan cawradooda aragno, balse dadka caadiga ah ee aan bisinka inta badan xasuusan waan iska daawanaa, waana duubaa markii aan doono.

Su’aal: Waxaa la sheegaa in jinniga ay hawsha raaxada kala qeyb galaan dadka marka ay bisinka hilmamaan, warkaas ma jiraa?

Reymaa: Haa, balse jinniga oo dhan ma ahan, waa ibliiska iyo qabiiladiisa sida Sheydaanka, Mariidka, Shiqiga iwm. Weliba sheydaanka waa xaasid, qofka bisinka hilmaamo cantuuftiisa ayuu ku tuftufaa, wasaq ayuu ku dhex daadiyaa labada qof, ur aysan muuqaalkiisa u jeedin ayuu dhexdooda ka abuuraa, ninka xaniinyaha ayuu ka jiidjiidaa si uu u himad jabiyo, gabadhana dhidid sheydaan oo uraayo ayuu sanka u mariyaa, si ay u moodo in ninka dhididkiisa uu soo uraayo.

Su’aal: Waxaa ay dad badan jecel yihiin in ay ogaadaan sida aan isku barangay, bal inta aanan u gudbin qeybta ku saabsan sida aan labadeena isku barangay, waana ku tusay dhawr farriimood oo ay dad badan arrintaas igu soo weydiiyeen, marka hore waxaad ii sheegtaa ma jirtaa wax aadan xusin oo ah farqiga raaxada jinniga iyo insiga oo aad ku dareyso inta aynaan ka gudbin?

Reymaa: Haa, tusaale Dumarka jinniga marka ay suuraddooda caadiga ah ee jinniga leeyihiin xubinta ratanka waxaa ay kaga taallaa xabadka kore, ninka jinniga ahna waa sida ninka insiga ah o kale, sidaa darteed ninka jinniga ah gabadha xaaskiisa ah marka uu doonayo in uu ka xaajo gutto waa in uu xabadka ka fuulo, taasina waa dhibaato, waayo gabadha jinniga ah jirkeeda waa qafiif, culeyska ninka jinniga ahna ma xamili karto, sidaas darteed iyada oo suuxsan uun buu ninka jinka ah ka muraadsadaa, markii uu ka tago cabbaar kaddib ayey soo miirsataa.

Intaas waxaa dheer jinniga afkiisa carrab ma leh, carrab dhan ma leh, wuxuu leeyahay sakluul, sakluulku waa laf sida qaaddo camal ah oo cuntada uu afka gashado u qaada dhanka dalqada, waana sida birta oo kale oo uma jilicsana sida carrabka insiga. Haddii inta faruuryaha qofka kale lagu taabto wax ma xaxanteyn karto sakluulka, sidaa darteed ninka jinniga ah naagtiisa ma baasheyn karo, faruuryo ma leh oo afkiisa waa sida eyga oo kale. Raaxada ninka jinniga ah waa mid dhunkasho iyo baasho la’aan ah, middasna in aysan macne laheyn adiga ayaa ka marqaati ah oo qudhaada xaasle ayaad tahay, marka insiga waa in uu ALLAAH ugu shukriya nicmadaas weyn uu ku galladeystay.

Su’aal: Waaw! Maankeyga ayaad gadi rabtaa adiga, waxan oo dhan sideed ku ogaatay?

Reymaa: Weli wax badan ma aan baran, waayo waan yarahay, balse marka aan gaaro 500 oo sano, oo aan jinni iyo insiba raaxo la wadaago, markaas in aad i wareysato ayaa fiicnaan laheyd. Haddii aan kuu sheego xogahan sida aan ku ogaaday, aniga ayaa jinni ka dhashay, xogta jinniga waan ogahay, insigana muddo sanado badan ah ayaan guryo badan oo kuwooda ah tagayey oo arkayey sida ay u dhaqmaan iyo sida ay u raaxeystaan.

Su’aal: Reymaa! Dad badan ayaa isoo weydiiyey Abukar Albadriyow sideed isku barateen gabadhan Reymaa ah, hadda ka horna waad iga diidday arrintaas in aan dadka la wadaago, bal hadda adiga tixgelinaya codsiyada dadka asxaabteyda ah wax yar uga taabo isbarashadeenii sida ay ku timid maadaama ay asxaabta aad u xiiseynayaan arrintan?

Reymaa: Aniga horey ayaan kuugu she

egay in aan kugu soo bartay Bandhigii buugaagta ee sanadkii hore ka dhacay Muqdisho, markii aan arkay in dad badan kugu mashquulsan ayaan anigana cinwaankaaga qortay, adiga oo dad u sheegaayo ayaan iska qortay, geed tallaalka hoolka u dhaw ayaan saarnaa markaas.Gabar aan gurigeeda wax ka degganaa, balse iyada aan i ogeyn, ayaa meesha joogtay, gabadhaas ayaan iska soo raacay, maadaama ay si qurux badan u lebisneyd, waxaan mooday in ay subaxaas ninkeeda u socotay, waxaa qabo nin xildhibaan ah oo madaxtooyo seexan jiray. Balse sida aan u soo daba socday uun bey ina keentay Hoteelka City Palace oo ku yaallay meel aan ka fogeyn xeebta Liido ee aan deggan nahay. Markiiba Facebook ayaan kugu soo darsaday, waad iga aqbashay. Muddo ayey igu qaadatay in aan kula soo hadlo, waayo waxaan ka baqayey in aad i aamini weyso, laakiin waxaan ka yaabay indha adeygaaga.

Reymaa: Ma xasuusataa su’aashii ugu horeysay ee aad i weydiisay Abukarow?

Albadri: Maya! I xasuusi

Reymaa: Waxaad igu tiri "Waa qofma?" anigana waxaan kugu dhahay "waa gabar" kaddibna waxaad igu tiri "Ma ku aqaanaa?" waxaan kuugu jawaabay "Maya" kaddib waxaad igu tiri "kheyr sheeg"

Su’aal: Waan fahmay! Adiga dadka caadiga ah ee insiga ah Facebook maku darsataa oo asxaab kale maku leedahay, jinnigase baraha bulshada ma isticmaalaa?

Reymaa: Haa! 2000 ka badan asxaab ah ayaa iigu jirta. Jinni Facebook wuu ka buuxaa, haddii aanan Facebook ku jirin sideen ku ogaadaa meesha uu habeenkaas kheyr ka jiro. Kuwa Love iyo sawirro ber-ka-islaan ah isu diraaya ayaan farriimahooda gaadgaadaa, markaas ayaan meesha ay joogaan ugu tagaa, waan iska daawadaa marka ay hawshooda qabsanayaan, intaas ayaa ii dan ah.

Su’aal: Hadalkaaga soo looma fahmi karo cabsi gelin, Soomaaliya meel ka baxsan waligaa qof ma u raacday?

Reymaa: Maya, Muqdisho iyo Soomaaliya meelo ka mid ah waligey ma dhaafin. Haddii aan fogaado Hargeysa ama Boosaaso ayaan ku soo luga baxsadaa, habeenkii marka uu nus gaaro waan ka soo laabtaa.

Su’aal: Jinniga aaladaha internet-ka ma isticmaalaa, teknoologiyad isaga soo saartayse ma leeyahay?

Reymaa: Jinniga dhanka awoodaha dabiiciga ah ayuu ku dheereeyaa, balse tan wax soo saarka dhanka Teknoolojiyada kuma dheereeyo, balse wuu isticmaalaa. Tusaale jinniga dad caadi ah oo Muslim iyo Gaal leh, Soomaali iyo ajnabi leh ayey isla shaqeystaan, noloshu waa isfaham kaliya, sidaas darteed teknoolojiyada ayey isla adeegsadaan, jinni ayaa si caadi ah farriin loogu diraa iimeyl "email" ah, isagana wuu ka soo jawaabaa, waa caadi waxaas.

Su’aal: Wareysigeena wuu inoo socon doonaa, balse waxaan doonayaa in aan wax kaa codsado haddii aad iga aqbasho?

Reymaa: Iga codso haddii aysan i miirtaabaneyn.

Su’aal: Dad badan oo asxaabteyda ka mid ah ama wareysigan aqrin doona waxay jeclaan lahaayeen in aan muuqaalkaaga uga sheekeeyo, haddeer waxaad i hor fadhidaa adiga oo leh muuqaalkii gabar insi ah, balse lugahaaga uun baa qoobkii fardaha oo kale u sameysan, suurto gal ma tahay in aan ku arko adiga oo leh muuqaalkaaga jinniga ah ee dabiiciga ah? Igana ballan qaad in aadan I dhibaateyney!

Reymaa: khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh Guguguwahuga! Xeeeeex xiiiiiiiix xuuuush!

Su’aal: Yaa ALLAAH! Reymaa iga raalli noqo, Please! Please! Fadlan raali noqo! Jawiga caadi ku soo celi please!

Reymaa: Su’aalaha qaar iska ilaali, si aanan kuugu talo galin in ay dhibaato kuu gaarto ma rabi. Hadda waxaad ku sigatay in ay iirmadeyda ku saaqdo.

Su’aal: iirmo waa maxay?

Reymaa: Marka aan xanaaqo indhaheyga waxaa ka imaanaya iftiin buluug ah, kaddibna mid jaalle ah, sida haddaba aad arkeysay, haddii iftiinkaas indhaha uu guduud noqon lahaa kaddibna aan ku soo eegi lahaa waad guban laheyd.

Su’aal: Ka gudub taas, wareysigeenii ayaan wadaneynaaye hadda caadi ma tahay?

Reymaa: Haa! Ka soco.

Su’aal: Waxaad ii sheegtay in jinniga ay 3 farood leeyihiin, haddeer oo aad insi isu ekeysiisay waxaad leedahay 4 farood kaliya, taas maxaa u sabab ah, ma ii fasiri kartaa?

Reymaa: Hadda jirkeyga meelo badan ayuu kaga duwan yahay insiga, lugaha waa qoob fardeed oo kale, faraheyga waa 4 farood gacan walba iyo lug walba, ilkaheygana waa 3 kor ah, 3 hoos ah, iyo 4 goos oo kaliya oo hoos ah, balse qof aanan aniga dareensiin ma arki karo.

Su’aal: Kursigan aan kuu dhigay si caadi ah uguma fadhidid, caadi uma fadhiisan kartid miyaa, adiga dhan waad dhaqdhaqaaqeysaa, si uun baad u fudfuddahay, maxaa u sabab ah?

Reymaa: Jirkeyga wuxuu ka sameysan yahay 400 oo moollo-xubneed, halkii mar ee aan boodo waxaan ku duulli karaa xawaare 1500 oo meyl daqiiqaddii ah, adiga oo halka ila fadhiya ayaan inta Hargeysa tago, kismaayo tago haddana 5 daqiiqo gudahood kuugu soo laaban karaa, marka jirku wuxuu leeyahay cufjiid dabiici ah oo u diidaya in uu meel ku nagaado.

Su’aal: Waxaan ku weydiinayaa su’aal adag, jinniga wuxuu ku darsamaa insiga, wuuna waalaa, taas beddelkeeda insiga miyuu ku darsami karaa jinni, mase idin waalli karaa qof insi ah sida aad idinkuba u waashaan insiga?

Reymaa: Maya, dadka qaar waxaa jira inta sixirka bartaan, kaddibna jinniga ku shaqeysta, kuwaas in kastoo ay dembi adag ku dhacaan xag diin ahaan haddana jinniga way ku shaqeystaan wayna ka awood badan yihiin, weyna dhacdaa in insiga gaar ahaan kuwa jinka dhaawa ama dadka ka daweeya ay awood u leeyihiin in ay jinka arkaan oo dilaan, balse inta ku darsamaan ma waali karaan, awooddaas insiga lama siin.

Su’aal: Ma u fasaxanahay in aan wax kaa weydiiyo, siyaasadda, dhaqaalaha, diinta iyo hantidda ay leeyihiin jinniga?

Reymaa: Haa, balse su’aalahaaga ha asluubeysnaadaan.

Su’aal: Inta aanan ku weydii su’aalahaas haddii aan dabeecadaha jinniga wax kaa weydiiyo horta jinnida miyuu cunaa hilibka insiga, yacni dadka ma dilaa, haddiise uu dilo oo cuno waa noocee jinnigaas bal si ay aqristayaasha isaga ilaaliyaan?

Reymaa: Huuuuuuuuuuuuh! Haah! Jinniga qaar wuu dilaa dadka, dhiigga ayuu ka nuugaa, wuuna cunaa hilibka dadka, balse kulli jinniga ma wada ahan, tusaale jinniga la yiraahdo Quullu waa kan ugu halissan, aad ayuu dadka u ugaarsadaa, wuxuu isu ekeysiiyaa bahal sidan libaax, marka uu qofka dilo kaddib lama arko, dhiigga ayuu qofka ka nuugaa, beerka ayuu kala baxaa, ama wadnaha. Jinniga Hinnaa sidoo kale waa halis, Jaanka dadka wuu gubaa isagana, kaddibna wuu cunaa, wuxuuna ka soo raacaa qabuuraha habeenkii, balse qabiilkeyga Si’lat hilib dhan ma cunno.

Ibliiska iyo sheydaanka iyaga awood ay qof insi ah wax ku yeelaan ma leh, balse waxay awood u leeyihiin in ay qofka fidneeyaan. Qalbigaaga oo adigii lahaa lagaa qariyey ayey iyaga daalacan karaan oo wixii ay doonaan ayey kuugu sheegi karaan qalbiga.

Su’aal: Insiga waxaa ay leeyihiin hanti aad u badan, waxaa ku jira maalqabeenno waaweyn oo muslim iyo gaalba leh, idinka jinni haddii aad tihiin ma leedihiin maalqabeenno?

Reymaa: Haa, dadka anaga ayaa ka maalqabeensan. Jinniga maadaama uu aad u dhaldhalo

wuu tiro badan yahay, dadka adduunka ku nool wuu ku 10 laabmaa, balse jinniga maalqabeenada ah waa malyuumaad, qaar baa buuro dahab ah leh, qaar baa dal dhan kaligood leh oo inta la nool ay addooman u yihiin, qaar baa suuqyada lagu iibiyo waxyaabaha xun xun oo ay u xiran yahay oo kaligood leh, marka maalqabeenadeena ma yara.

Su’aal: Adiga hantida aad leedahay intey la ektahay?

Reymaa: Waa su’aal wanaagsan… Wareysiga qeybtiisa seddaxaad ayaan jawaabtan ku billaabeynaaye nabadey…. Fadlan ….. La soco qeybta 3aad

Haddii aad heyso talo, fikir ama dhaliil ku soo hagaaji abukar.albadri@gmail.com

No comments:

Post a Comment