SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh:“Salaadda ayuu tukanayay markii qasab lagaga dajiyay Tareenkii uu saarnaa”

Iftiinkacusub.com: Qofkasta uu Muslim ah waxaa waajib ku ah in uu ku tukado xaaladkasta oo markaasi uu ku sugan yahay Salaada Ilahay,sida isaga oo Babuur ,Tareen ama Diyaarad saaran,waana waajib Ilahay uu ku leeyahay oo dharaarta Qiyaamo la waydiinaayo.

Nin Muslim ah oo ku nool magaalada Flen ee dalka Sweden ayaa go’aansaday in uu tukado Salaadi Ilahay kadib markii uu wakhtigii salaadu usoo galay ISAGA OO MARKAASI tAREEN SAARAN ;balse waxaa la kulmay marka uu salaadii badhtanka kaga jiro shaqalahii Tareenka,oo ka codsaday in uu keeno Tigidkii uu Tareenka kusoo raacay ,si loo hubiyo in uu sifa sharciya Tareenka ku saaran yahay iyo inkale,waana mid qofkasta oo Tareenka saaran waajib ku ah loogana baahan yahay.

Hadaba ninkii Muslimka ahaa madamaa uu Salaadku jiro,waxa uu ka dhaga-adaygay in uu gabadhii Tigidka waydiinaysay uu jawaabsiiyo,waana mid qofkasta oo Muslim ahi uu fahmi karo ,balse ku adkaan karta Dadka Gaalada ah qaarkood.

Gabadhii Tareenka ka shaqaynaysay markii uu ninkii wax jawaab ah uu siin waayey waxa ay si degdeg ah ula hadashay Booloska,iyada oo u sheegtay in uu Tareenka saaran yahay nin aan jeclayn in uu u jawaabo ama uu dhiibo Tikigkii uu Tareenka kusoo raacay.

Booliskii markii ay Tareenkii soo fuuleen, iyaga laftoodu waxa ay la kulmen ninkii oo aan wali salaadi dhamaysan,nacayb-shiiyo Diineed iyo garasho la'aan waxa ay tahayba ,Booliskii wakhti maysiinin ninkii uu Saladiisa ku dhamaysto,waxaanay si argagaxle uga dejiyeen Tareenkii.

Markii Tareenkii ninkii laga dejiyey,kadib ayaa waxa uu cadeeyey in sababta saxa ah ee uu Tigidka Tareenka u dhiibi waayey ,jawaab ku filana uu u siin waayey gabadha Tareenka ka shaqaynaysay in ay tahay ,isaga oo markaasi Salaad waajib ku ah qofkasta oo Muslim ah in uu ku guda jiray ,balse cudur daarkaasi agtooda ma uusan noqon mid ay ku qancaan,madamaa ay yihiin dad Gaalo ah amaba si gaar ahaneed isaga neceb Diinta Islaamka.

Ninkii Tareenka xooga lagaga dejiyey ,waxa uu sameeyey ayaamo ka bacdi ,in uu dacwad kusoo oogo Shirkada iyadu masuulka ka ah Tareenkii uu soo raacay,kaasi oo si khasab ah looga dejiyey isla markaana sharafta iyo karamada ay Salaada Ilahay leedahay meel loogaga dhacay.

Dadka iyagu u dooda waxyaaba loo yaqaano Cunsuriyada,ayaa waxa uu shirkadii iyadu masuulka ka ahayd Tareenka uu ka codsaday in ay soo bandhigaan qaabkii ay u dhacday mashaqada uu ninkan Muslimka ahi uu ka cabanaayo oo ah in Diintisii meel loogaga dhacay,taasina ay ka mid tahay Cunsuriyada iyo takoorka lagu hayo dadka Ajaaniibta ah ama Diinta Muslimka aaminsan.

Hadaba waxaa jirta su'aal ay iska waydiinayaan dad yawga qaarkood,taasi oo ah in ay dadka qaar ku doodayaan in ay fiicnaan lahayd in uu ninkani sugo wakhti ay u imanayaan dadka iyagu shaqaalaha ka ah Tareemada ee Tigidhada hubiya,kadibna marka Tigidhka laga hubiyo uu salaadiisa iska galo.

Balse taas cakiskeed ayaa dadka qaar kalana waxa ay ku doodayaan,in uu ninkani sax ku ahaa xiliga uu Salaada waajibka ku ah uu guda galay,sababta oo ay ayay ku doodayaan waxaa mararka qaar iska dhacda Tareemada gudahooda in ay kaa ragaan shaqalaha iyagu hubiya Tigidhada,taas awadeedna waxa uu ninkaasi xaq u lahaa in uu waajibka Ilahay saaray uu gutto si aanay Salaadu uga tegin.

Adiga akhriste sidee ayay kuula muuqataa arimahan noocan oo kala ah ee inta badan ka dhaca goobaha caynkaasi ah,ma isleedahay inna waxa khaldanaa ninkan Muslimka ah,misse waxa aad danbiga saaraysaa shaqalaha Tareemada?

Iftiinkacusub.com


No comments:

Post a Comment