SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh:Lafaha dadka dhinta oo Koobab wax lagu cabbo laga sameeyo.

Iftiinkacusub.com: Bina'Aadamku sidiisaba xurmo iyo xaq ayuu leeyahay haduu nool yahay iyo hadii uu dhintaba,waana mida aynu kaga soocanahay ama kaga duwanahay Xayawaanka,kuwaasoo inta ay nool yihiin iyo haday dhintaanba ay inoo banaantahay in aynu intifaacsano.

Diintu waa waxa kaliya ee Aadanahu uu ku kala hormarsan yahay.Haddii aad tahay qof Muslim ah runtii waa ay kugu adkaanaysaa in aad qof Mayd ah oo dhintay aad jidhkiisa intifaacsato.

Nabigeena suuban ee Muxamaed SCW waxa uu inoo sheegay in qofka dhintaa xataa aanu xaq u lahayn in Qabrigiisa ama Xabaashiisa la-kor'fadhiisto,waayo waa Gurigiisii uu Dunida korkeeda ku lahaa Xabaashu.

Wadanka Meksiko waxa uu ka mid tahay wadamada ugu badan ee aamin san Diin ahaan in ay dadkooda dhintay aanay xabaalin balse ay gubaan ama ay dab qabadsiiyaan,kadibna Lafaha dadka lagubay inta la ridqo oo warshad la galiyo in laga sameeyo Koobabka wax lagu cabbo.

Waxa kaloo iyana jira in Koobabkaasi laga sameeyey Lafaha dadku ay yihiin kuwo ugu qaalisan dalkaasi looguna jecel yahay, waana mida maanta wadankaasi ka dhigtay in ay dhamaan dadku jeclaystaan in ay wax ku cabaan Kobaabkaasi Maytida lafahooda laga sameeyey.

Waxa kaloo iyana intaasi dheer, in qoysaska iyo dadka laga dhintaa ay warqado usoo qortaan shirkadaha iyagu ku shaqada leh ridiqa iyo burburinta lafaha,kuwaasi oo ka codsanaaya in ay doonayaan in qof ka dhintay ay Maydkiisa qaataan kadibna ay gubaan lafahiisana ay ka sameeyaan Koobabkaasi aynu soo sheegnay.

Shirkadaha iyo dadka iyagu ku shaqada leh burbirinbta iyo ridiqa Lafaha,ayaa waxa ay inta badan dadka ku wacyi galiyaan in qofkasta oo ka dhintay ay iyagu kafaalo qadayaan hawshiisa gubniinka Maydka,taasi oo ay ka faa'iidayaan Lafaha kasoo hadha Hilibka qofka Maydka ah ee bislaaday.

Waxyabaha kalee iyagu layaabka leh ayaa waxa ka mida,in hadii aad adugu qofka kaa dhintay maydkiisa aad iskaa u gubto ,kadibna Lafaha kasoo hadhay aad shirkada Koobabka samaysa aad u keento adiga oo raba in ay kaa iibsadaan, waxa ay ku xidhan tahay qiimaha lacagta aad rabto in lagaa siisto ,hadba inta Garaam ee uu noqdo Lafaha aad sidataa marka la ridqo.

Dadka iyagu wadankaasi caanka ka ah ayaa iyagu marka ay dhintaan Lafahoodu ka qaalisan yahay dadka caadiga ah,waxaana dhacda in Lafaha dadka caanka ah si gaar ah loo iibiyo Koobabka ama Weelka laga sameeya iyada oo la siinaayo Lacag qaali ah.

Hadaba akhriste sidee ayaad u arki lahayd hadii Koobka ama Bilaydhka aad wax ku cunayso laga samayn lahaa Lafahii maydkii Aabaha, Hooyadaa ama qofkasta oo aad markaasi garanayso,saw argagax iyo niyad jab kugumay samayseen.

Ilahay waxa aynu ku mahadinaynaa in uu inaga dhigay dad Muslim ah,kuwaasi oo xurmo iyo ixtiraam u haya dadkooda dhintay,isla markaana in Maydak la ridqo Lafahiisa iskaa daaye aan ogolayn in wakhtiga Maydka la dhaqaayo in Lafahiisa la waxyeeleeyo ama la jabiyo.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.


No comments:

Post a Comment