SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Cabdiraxmaan Talyanle oo si dadban oo sharciya gudoomiyahii Baarlamaanka uga hadhay Baashe Maxamed Faarax.

Iftiinkacusub.com: Waxa aynu ka warqabnaa in muddo aan sidaasu u fogayn la isku maandhaafay muran ka dhashay tirintii codadka golaha Baarlamaanka,kadib markii si sharciga waafaqsan loo tiriyey looguna dhawaaqay,
walibana gacan-qaad iyo isu hanbalyaynina ay ka dhacday.

Hadabna si ay wax noqdeenba, waxaa xilli habeenimo ah si lama filaan ah shir aan looga baran u qabtay xubno kooban oo uu ka mid tahay Cabdiraxmaan Talyanle,kuwaasi oo sheegtay in hanbalyadii iyo boogaadintii madasha ka dhacday ay tahay igama-qudhunto igama gubato,taasi oo ay ku sababeeyeen iswaraysi dhexdooda ah kadibna ay i isku qanciyeen in codkii 39 ay iyagu heleen.

Hadaba arintaasi oo wakhti aan badnayn muran xoogan keentay,ayaa waxa aad moodaa in dhinaca Dawlada dhag looga dhigi waayey,iyada oo ay laf dhuun gashayna ay ku noqotay in ninkii hanbalyada iyo boogaadinta sameeyey in uu hadana habeen badhkii ku dhawaaqo wax ka gadisan go'aankii uu qaatay.

Hadaba waxa ayaaman soo if-baxaayey in ay jiraan wada hadalo siyaasi ah oo laga dhexwaday labada dhinac,taasi oo ku aadanayd in labada garab la wada hadalsiiyo si loo xaliyo murankaasi ku saabsan hogaanka Baarlamaanka Somaliland.

waxa aan shalay oo ay bishu ahayd 23/8/2017 aan ka daawaday Shaashada TV-yada iyada oo dib loo furay in la doorto Gudoomiye xigeenkii Golaha wakiilada,iyada oo markaasi sida uu gudoomiyaha Baarlamaanku uu sheegay ay dhamayeen Koraamkii dooranlahaa G/xigeenka oo dhan 43 xildhibaan ay fadhiyeen madasha.

Hadaba isla shalay hadii doorashada G/xigeenka la dooran lahaa waxa isna halkaasi ansax iyo sharci ku noqon lahaa G/Xigeen kasoo jeeda xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,taasi oo dhabar jab iyo cadho wayn ku noqon lahayd mucaaradka gaar ahaan xisbiga culayska wayn ee siyaasadeed leh ee Wadani.

Sida sharcigu dhigaayo waxaa isla madashaasi ka muuqday in ninkastaaba uu fadhiistay Kursigii iyo booskii uu sharciga ulahaa,Cabdiraxmaan Talyanle oo isagu ahaa ninkii ku doodaayey in uu yahay gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu markii uu madasha soo galay fadhiistay gursigisii Xildhibaanimo,taasi oo ku tusinaysa in uu aqbalay gudoomiye nimada Baashe Maxamed Faarax.

Sidii kale waxa uu Baashe fadhiyey kursigii looga talinaayey Baarlamaanka ,iyada oo ay markaasi wada fadhiyeen badi raggi ugu cuslaa mucaaradka Baarlamaanka,taasina waxa ay ku tusinaysaa in lagu kala calaf qaaday Kursigii baarlamaanka ee la isku hayey runtiina waa guul Siyasadeed oo Somaliland usoo hoyatay,taasi oo tilmaamaysay in isu talaasulku uu yahay midka ay kusoo nabad iyo caano maashay.

Su'aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay,maxay ayaa shirkii shalay loo baajiyey?waxa kaloo iyana iswaydiinleh ujeedada mucaaradka ee ugu wayni maxay ayay tahay?sababta ugu wayn ee ay Baarlamaanka u gilgileen maxay ayay ku salaysan tahay?

Hadii aan si fudud uga jawaabo su'aalahaasi,kuna horeeyo sababta shalay fasaxa loo galiyey Baarlamaanka, waxa aan isleeyahay ,waxa ay ogadeen kooxdii Mucaaradka ahayd in Baashe iyo kooxdiisii ay heleen kooram(dhamaystir) ay ku dooran karaan Gudoomiye xigeen,taas awadeedna hadii ay Fadhiga ay ka maqnaadaan ay badhida dhulka ku dhufanayaan,waana midda keentay in ay fadhiga soo xaadiraan iyada oo dadka oo dhami u wada jeedo,kadibna ay soo gudbiyaan codsi ah in fadhiga maanta dib loo dhigo,iyada oo ujeedada ka danbaysaana ay tahay in ay dadka dhexdhexaadinta arintan ka ah ay ku qanciyaan in kooto(si gaar ah) loo siiyo kursiga G/Xigeenka Baarlamaanka.

Waxa kaloo sifa sharciya uga soo baxday fadhigaasi,in gudoomiyahii Baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax loo sharciyeeyey in uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ,waxaana taasi kuu cadaynaysa in uu Cabdiraxmaan Talyanle barkii uu xarunta soo galay uu fadhiistay Kursigiisii xildhibaanimo,kadibna uu aqbalay isaga iyo saxibadiiba Amaradii iyo go'aamadii uu kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanku uu kasoo jeediyey halkii uu fadhiyey ee Baarlamaanka looga talinaayey.

Labada garab waxa kaliya ee iminka dhex yalaa waxa ay tahay G/xigeenka golaha Baarlamaanka,taasina waxa ay ila muuqataa in ay noqonayso mid cod lagu doorto kursigaasi iyada oo aan cidna si gaar ah loo siinaynin.

siyaasadu waa sibiq,sharci maaha waa la ikhiyaaneyey ,hadii aad siyaasi tahay waxa loo baahan yahay in foojignaantaadu ay aad u shaqayso,adiga oo dhinacyo badana wax ka eegaaya,ka digtoonow siyaasi in qoraal aad saxeexday aad tidhidhaahdo waa la igu qalday,taasi waxa ka turjumaysaa masuuliyad darada kugu jirta.

W/Q: Khadar Ibarhim Aar

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment