SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaableh:Tuulo sabab la'aan u gubata kadibna sabab la'aan is bakhtiisa.

Dadka ku nool tuule taariikhi ah oo lagu magacaabo Sandaala oo ku yaalla dalka Masar ayaa waxaa u qaadan-waa ku noqday dhacdo tuulahooda dhowaan ku soo korodhay oo ah in, tiro guryaha magaalada ahi si kedis ah oo sabab aan la sheegi karin leh ay hadhka cad u gubtaan, kadibna iskood haddana isaga bakhtiyaan.

Tuulahan ayaa marka uu gubto ee dadka tuuluhu la hadlaan waaxda dab-dembiska si ay u bakhtiiyaan, ayaa inta aanu dab-damisku iman uu dabku si yaab leh oo aan sababteeda la fahmi karin iskii ugu demayo, haddana marka ay kooxaha dab-damiska iyo gaadiidkoodu noqdo uu dabku dib u bilaabanayo.

Waxa kale oo mucjiso ah in dabkan oo si xoog badan u holcayaa haddana aanu marnaba gubayn wax ka badan qoryo tiro yar iyo waxyaabo aan qiimo lahayn oo ka mid ah alaabta iyo dhismaha guryaha gubanaya. Arrintan dambe ayaana ah ta cabsida ugu weyn iyo argagax ku haysa dadka deggen tuulahan ku yaalla degmada Kafar Sheekh oo ku taalla cidhifka woqooyi ee dalka Masar.

Tuulaha Sandaala dadka deggen waxaa lagu qiyaasaa 25 kun oo ruux, waana tuule taariikhi ah oo la deggenaa tan iyo casrigii dawladdii roomaaniyiinta. Maxamed Cabdillaahi oo ka tirsan deegaanka tuulahan, ayaa mar uu u warramay wargeyska Misrul Yawm oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay waxa uu sheegay in dabkani uu yahay mid yaab badan, oo mucjiso ah, si kedis ah ayaa uu isaga bilaabanayaa, waa dab aad u weyn, waxba ma gubayo, haddana iskii ayaa uu si kedis ah mar keliya u wada demayaa, iyada oo aanay cid kale farogelin.

Waxaa si gaar ah uga yaabiyey sida uu dabkani isaga ilaalinayo qolyaha dabdemiska oo marka ay yimaaddaan uu bakhtiyayo marka ay tagaanna dib u holcayo.

Maxamed oo la weydiiyey sababta dabkan waxa uu isagu u malaynayo ayaa sheegay fikrad isaga iyo dad badan oo tuulaha deggeni aaminsan yihiin oo ah in uu jiro, ‘Qof isku dayey in uu raadiyo oo xado aataar qaddiimi ah oo tuulahan yaalla, kadibna uu jin gaar ahaan Cafaariidda aataartan ilaashanayaa ay kaga jawaabeen dabkan’ Maxamed waxa uu sheegay in culimada tuuluhu isu timid si ay jinka u furdaamiyaan laakiin ay ku guulaysan waayeen. Ugu dambayntii waxa uu sheegay in dadka tuuluhu ay xaalad cabsi badan ku nool yihiin, wadnahana farta kaga hayaan in dabku uu sii bato iyo in jinka aataarta ilaashanayaa (Sida ay aaminsan yihiin) uu weerarro aargoosi ah ku soo qaado.

No comments:

Post a Comment