SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Todoba Waxyaabood Iska Ilaali Cuntada Kadib.

Waxaa jira Todoba arrimood oo aan habboonayn inaad sameyso kadib markaad wax cuntid. Waxyabaasi waa qaar keeni kara caafimaad darro haddii aad sameyso wax yar kadib cuntada gaar ahaan xilliyada cuntada culus (sida quraacda, qadada ama cashada).

Ha cabbin SHAAH cutada kadib. Maxaa yeelay? Shaahu wuxu leeyahay Aysidh (acidic). Markaa haddii shaaha la cabbo cuntada dabadeed, waxaa dhacda in Borotiinka (proteins) aynu quudanno uu ku dhib ku noqdo dheefshiidka, waayo Borotiinka ayaa noqda mid qallafsan oo adag. Sida awgeed waxa wacan in ugu yaraan saacad cuntada kadib shaaha la cabbo.

Ha cunin khudaarta/midhaha (fruits) isla marka aad cuntayso kadib. Dhakhaatiirtu waxay dadka kula dardaarmaan inay khudaarta cunaan, waxayse had iyo jeer iloobaan in ay u sheegaan oo talada ay u raaciyaan waxyeelada caafimaad ee ay leedahay haddii cuntada kadib la cuno. Waxa habboon in khudradda la cuno cuntada horteed. Haddii khudradda (marka laga reebo Timirta iyo Muuska) la cuno kadib marka la cunteeyo waxay taasi gaas ku sameysaa caloosha . Sidaa daraadeed waxa habboon in khudaarta muddo saacad ah ama in ka badan laga dambaysiiyo cuntada.

ha cabbin SIGAAR kadib marka aad cuntayso. Shaki kuma jiro in sigaarku marwalba uu caafimaadka waxyeelo u leeyahay, laakiin haddii aad Sigaar cabto cuntada dabadeed, xabadda qudha ee sigaarka ahi waxay la waxyeelo tahay oo ay u dhigantaa 10 xabbadood oo sigaar ah. Sidaa awgeed haddii aad sigaar cabtid cuntada kadib waxa sii kordha oo laba jibbaarma halista aad ugu jirto inuu kugu dhici karo xanuunka Kansarku.

Ha SEEXAN cuntada dabadeed. Maxaa yeelay? Nafaqooyinkii ku jiray cuntadu ma helayaan dheefshiid wanaagsan. Haddii aad toos u tagto sariirta cuntada kadib, taasi waxay kuu keeni kartaa boog-calooleed (stomach ulcers) iyo infakshan xiidmaha ku dhaca (intestinal infections). Hurdada degdega ah ee xilligaa cuntada kadib waxay kaloo sababtaa miisaankaaga oo cuslaada ama buurni xad-dhaaf ah (Obesity). Wax kaloo aad samaysaba, ( ha ahaato inaad Tv-ga daawato, inaad wax akhristo ama inaad asxaabtaad la sheekaysataba), laakiin fadlan marna ha seexan (inta cuntadu kugu jabayso) ilaa 2 saacadood kadib

Duhurkii toggaa Herer haddaad qado ka soo tuurto Hurdo laguma taamee naftaa lala tacaalaaye.

Ha MAYDHANIN (ha Qubaysan) cuntada dabadeed, Waayo? haddii aad maydhato cuntada kadib, taasi waxay kordhisaa socodka dhiigga ee gacmaha iyo lugaha taasoo keenta inuu is dhimo socodka dhiigga ag-agaarka calooshu, kadibna uu daciifo habka dheefshiidku. Waxaa kale oo taasi sababi kartaa xannuunada ku dhaca wadnaha. Sida habbooni waa in maydhashada aad sugto muddo 30 daqiiqadood ah kadib marka aad cunteyso.

Ha iska dabcin ama ha furin SUUNKA cuntada dabadeed. Iska-dabcinta suunku waa astaan muujinaysa in aad dhereg xad-dhaaf ah sameysay, taasina wax fiican ma aha. Waxa habboon in marka horeba aad cunto in kugu filan oo aan u baahnay inaad marka dambe suunka iska furto. Iska dabcinta suunku waxay xiidmaha ku keenaysaa majiirid ama maroojin iyo xannibaad.

Ha sameyn DHAQDHAQAAQ badan cuntada dabadeed. Haddi aad samayso Dhaqdhaqaaq aad u badan, sida socod, orod iyo ciyaarta , waxay taasi sababaysaa in nafaqooyinkii uu xiidmuhu si fiican u nuugi kari waayo. Waxa dardaaran ah in ugu yaraan 30 daqiiqo aanad dhaqdhaqaaq noocaas ah sameynin. Waadse samayn kartaa socod ama jimicsi ugu yaran saacad kadib, waana arrin caafimaadka u fiican sidaasi.

Ilaahay baa qaddarka haya laakiin haddii aad iska ilaaliso ama ka fogaato 7daa Wax-yaalood ee aan soo sheegnay taasi waxay wax weyn ka taraysaa caafimaad qabkaaga.

Wabillahi Tawfiiq

Qalinkii: Cali Xaruuri

Rotterdam. Holland

Adam.32@live.nl

1 comment: