SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saladiinta Beesha Arab oo markii u horaysay si wadajira Warqad-Furan u qoray Madaxwaynaha Somaliland.

Sallaadiinta waaweyn ee beellaha Arab Ayaa warqad furan oo ay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u direen kaga codsaday in uu maareeyo culays dhaqaalle oo haysta Dugsiga saree
ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo dhawaan laga hirgeliyey xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, hase yeeshee wali codsigaa Salaaddiinta kamuu soo jawaabin Madaxweynaha Somaliland, iyaddoo Fasaxii Sanad-dugsiyeedkunna uu dhammaaday oo maalinta berito ah ay dib u furmi doonnaan Dugsiyadda Waxbarashadda Somaliland.

Warqad xambaarsan farriin isugu jirta hambalyo, bogaadin iyo codsi oo ay bishan badhtankeedii soo saareen Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi iyo Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi kuwaasi oo ku socodsiiyey madaxweyne Siilaanyo waxaa ay sidoo kale uga mahad naqeen horumarka waxbarasho eeay xukuumaddiisu ka hirgelisay dalka muddadii lixda sanno ahayd ee uu hoggaankadalka hayay, kuwaas oo ay xuseen in markii ugu horreysay ay ardayda somaliland fursad u yeesheen in ay geedi socodka tacliintooda kala socdaan manhaj waxbarasho oo qaranku leeyahay isla markaana xukuumaddu iskeed u daabacday halka waagii hore ay hay’ado ajanabi ahi gacanta ku hayeen daabacaadiisa.

Madaxdhaqameedku waxaa ay warqadda ay madaxweynaha u direen si gaar ah ugu tilmaameen in horumarka waxbarasho ee dalka ay xukuumaddiisu ka hirgelisay ay kamid yihiin dugsiyo sare oo u soo kordhay deegaannada degmooyinka Axmed-dhagax iyo 31-ka May eemagaallada Hargeysa kuwaas oo ka hor hoggaamintiisa lahaa hal dugsi sare oo kaliya, balse immika ay saddex yihiin, waxaanay hirgelinta dugsiyaddaas sare ay hoosta ka xarriiqeen in ay door shariif ah ka qaateen wasiirradii u kala dembeeyey wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere).

Nuxurka Warqadda Lagu Socodsiiyey Madaxweynaha ee ay salaadiinta beellaha Arab Saxeexeen oo nuqul kamid ah ay warbaahintu heshay waxaa sidoo kale lagu ladhay tallooyin fursad siinaya ardayda reer Hargeysa oo ay tilmaameen in ay u jeellan yihiin dugsi farsamo gacmeed ah oo Hargeysa laga hirgeliyo taas suurto gelinteedana ay soo jeediyeen in xarunta dugsigii hore loo odhan jiray Xalanne oo haatan hay’ad Ajanabi ahi gacanta ku hayso laga dhigo dugsi farsamo gacmeed ah.

Qoddobka gundhiga u ahaa warqaddan ayaa salaadiintu madaxweynaha kaga codsadeen in xukuumaddiisu maarayso culay maalliyadeed oo madax dhaqameed ahaan iyo deegaan ahaanba ka haystay sidii uu dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Cagihiisa isugu taagi lahaa, kaasi oo duruufaha la deriska ah dugsigaasi uu kaw ka yahay kharashaad dhaqaalle oo ku baxa basaska qaada ardayda ee geeya xarunta dugsiga oo masaafo durugsan u jira magaallada. Sidoo kale macalimiinta wax ka dhigta dugsigaasi ooh aba yaraatee aan gunnayntoodu meel ku tiirsanayn oou baahan in iyagana la maareeyo.

Warqaddaasi oo laba bog ka koobnaydna waxa ay u dhignayd sidan:

Salaadiinta beellaha Arab

Ku: Madaxweynaha qaranka JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Og: Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici)

Ujeeddo: Codsi Taageero Dugsi

Mudane Madaxweyne;

Ugu horeyn waxaanu kugu bogaadinaynaa horumarka dhinaca waxbarashada ah ee ay xukuumaddaadu ka hirgelisay guud ahaanba dalka, waxaa kale oo aanu kugu hambalyaynaynaa in ay xukuumaddaadu ku dhiirratay hirgelinta manhaj qaran oo aynuiskeen ugu madax banaannahay.

Waa guul taariikhi ah waana markii ugu horreysay eeayanu gacanteena ku daabacanno manhajka dalkeena, taas oo marki hore ay hay’ado ajenabi ahi daabacaadiisa gacanta innoogu hayeen. Waxa xaqiiqo ah in arrintaasi ay faa’iido weyn abuurtay, ardaydeenniina heshay buugaag qiimo jaban oo ay wax ka bartaan.

Si gaar ah md. Madaxweyne waxaanu kuugu hambalyaynaynaa horumarka waxbarashada dugsiyada dawliga ah ee xukuumaddaasu ka hirgelisay deegaanka Axmed-dhagax iyo 31-ka May ee Hargeysa, intii aan xukuumaddaadu dhalan, waxaa deegaankaas kajiray hal dugsi oo sare (Maxamed Axmed Ibraahim ‘Daybi-gurey’), waxaase lixdii sanno ee aad dalka hoggaaminaysay soo kordhay dugsiyada sare ee Quulle Aadan Dool, iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, waxa aanusi gaar ah horumarkaa ugu bogaadinaynaa wasiirradii u kala dembeeyey wasaaradda waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne.

Haddaba, Dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo furmay sanad-dugsiyeedkan 2016/17, waxaa uula kowsaday duruufo u gaar ah oo uukaga duwan yahay dugsiyada kal e ee dalka. Duruufahaas waxaa ugu mudan n uu dugsigu ku yaallo meel aad u durugsan oo ugu yaraan 8km u jirta magaallada iyo inaanay jirin macalimiiin u gunnaysan haba yaraatee.

Mudaddii uu dugsigani furnaa waxa kharash badani ku baxaa basaska ardayda qaada iyo gunnada macalimiinta, kuwaas oo u baahan in gacan dawladeedlagu maareeyo. Annagana madax-dhaqameed ahaan iyo dadweyne ahaanba waxaa naga go’an in aanuarrin iyo adduunba ka gaysanno sidii dugsigu cagihiisa isugu taagi lahaa.

Sidaasi darteed Md. Madaxweyne, waxa aanu si sharaf iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa in adiga oo duruufahaas kor ku xusan tixgelinaya aad si hagar la’aan ah wax noogala qabatao qoddobadan:

1. In la gunneeyo dhammaan macalimiinta dugsiga wax ka dhiga, si looga maarmo kharashka macalimiinta ku baxa.

2. In Madaxweyne ahaan aad dugsiga u iibisid ugu yaraan afar bas oo ardayda qaada, maadaama immika kharash joogto ahi ku baxo basaska ardayda qaada.

3. In dugsiga hore loo odhan jiray Xalane ee laga furay dugsiga Turkiga ah laga dhigo dugsi farsamo gacmeed, oo dhalinyarada dalka u abuura xirfado ay ku shaqaystaan, maadaama oo shaqo abuurka dhalinyaradu muhiimad weyn u leeyahay dalkeena.

Ugu dembeyn Md. Madaxweyne Waxanu rejo badan ka qabnaa inaad codsigayaga tixgelin gaar ah siin doonto, waxaanu eebe kaaga baryaynaa inuucimriga, caqliga iyo caafimaadkaba kuu barakeeyo, waxqabadka hagar la’aanta ah ee aad ummada u samaysayna uu abaalmarinteeda kusiiyo.

Allaa Mahad Leh

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi

Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi

Waa markii u horreysay ee madax dhaqameed reer Somaliland ahi ay arrimo waxbarasho iyo sidii loo horumarin lahaa tallooyin ka soo jeediyaan isla markaana xukuumadda ka codsadaan in la guffeeyo baahiyo ka mid ah kuwa haysta ardaydu.

source:Hadhwanaagnews.

No comments:

Post a Comment