SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh:Nin jecel in uu markasta Afka ku hayo Ubax!

Ankara Muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cali Risa Kaaraan ayaa muddo 59 sano ah ay caado u ahayd in uu afka ku sito laan ubax ah, isaga oo uga dan leh in uu debnaha ku illowsiiyo af ku hayntii sigaarka oo uu iska daayey markii ay da’diisu 29 sano jirka ahayd.

Kaaraan oo ku nool tuule lagu magacaabo Karmiit oo ka tirsan degmada Awrhaan Qaasi ee woqooyiga-galbeed ee dalka Turkiga imika da’diisu waa 86 sano jir, muddo hadda laga joogo 59 sano ayaanu go’aansaday in uu iska daayo sigaarka, kadib markii loo sheegay in uu raad taban ku yeelanayo caafimaadkiisa.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Al-Ikhlaas ayaa lagu sheegay in Kaaraan ay marar badan ku adkaatay in uu iska daayo sigaarka oo uu maalintii nuugi jiray / cabbi jiray qiyaas ah 40 xabbo oo sigaar ah waana sababta uu markan u caadaystay in uu mar kasta afka oo dibnaha dhexdooda ah ku hayo laan yar oo ubax ah.

Kaaraan oo u warramay wakaaladda Ikhlaas oo ka warramayey halka uu ka keeno ubaxa uu mar kasta afka ku hayo ayaa sheegay in uu xilli kasta jiilaal iyo xagaa ubaxa soo go’a uu iibsado oo inta badan xidhmada laga siiyo lacag in yar ka badan 2 doolar, kadibna uu hadba laan afka gashado isaga oo laantaas muddo toddobaad ah afka ku sita, kadibna beddela. Kaaraan waxa uu sheegay in caadadan uu jecel yahay oo aanu joojin doonin illaa uu god galo.

Sigaar nuugistu waxa ay ka mid tahay caadooyinka aadka ugu dhex faafsan dadka Turkiga ah, sahamin caalamiya oo la sameeyey sannadkii 2015 kuna waxa ay sheegtay in heerka sigaar nuugista dunidu uu sii kordhayo oo tusaale ahaan 25 kii sano ee u dambeeyey ay dadka sigaarka cabba ee dunidu kordheen boqolkiiba 7, iyada oo weliba ay sahamintu caddaysay in kala badh dadkaasi ay dhaqso ugu dhintaan xaalado caafimaad oo sigaar nuugista la xidhiidha.

Xigasho.gEESKA.

No comments:

Post a Comment