SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Heshiis dhex maray Madaxdii hore ee Somaliya Xasan Sh Maxamuud iyo Sh sHariif Sh Axmed.

Iftiinkacusub.com: Waxaa in muddo ahba heshiis laga dhexwaday labada nin ee Madaxwaynayaasha kasao noqday Somaliya ,Xasan Sh Maxamuud iyo Sh SHariif Sh Axmed,heshiiskaasi oo ka dhacay dalka Ugaandha gaar ahaan magalada Kanbaala.
Heshiiskan oo isaga badnaa isa-saamax iyo walaalnimo ah ayaa hadana aan si dhab ah looga warhayn waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu daaran yahay,marka laga tago ka heshiintii xurgufahii siyasadeed ee soo kala dhex maray intii ay siyaasada labaduba ay ku jireen.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo iminka fadhigiisi yahay Dalka Tanzaaniya ayaa isagu waxa uu Kaanbaala u yimi si uu walaalkiisa kale ee Sh Shariif heshiis midha dhal ah uu ula galo,taasi oo wararka la helayaa ay sheegayaan in isu imaatinka labada dhinac ay qayb ka tahay dawlada Ugaandha oo iyadu wali aan la sheegin waxa ay heshiiskan ka damacsan tahay ama danta gaarka ah ee ugu jirta.

Xasan Sh Maxamuud waxa uu tartan doorasho uu la galay Sh Shariif sh Axmed kadibna waxa uu noqday in uu kaga guulaysto, waxaa iyaduna dhacday doorasho ay labaduba la galeen madaxwaynaha hada talada haya ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ,arimahaasi laftoodu waxa ay yihiin kuwo u baahan in ay labada madaxwayne ay si toosa uga wadahadlaan.

Guntii iyo gabagabadii lama yaqaano waxyabaha xaqiiqda ah ee uu daarnaa heshiiskaasi labada madaxwayne iyo cida rasmiga ah eee sita tooska ah ugu lugta lahayd,balse waxa aynu sugnaaba waxa uu noqonayaa in aynu ka dhur sugno heshiiskaasi iyo ujeedada rasmiga ah ee laga lahaa ,marka laga tago walaalnimada iyo is-cafinta guud.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment