SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Waraysigii gabadhii Jinniga ahayde ee Reymaa. Qaybtii 4-aad.

Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa , wareysi dheer oo dhexmaray aqoonyahan Abukar Albadri iyo gabadha Jiniga ah ee magaceeda la yidhaahdo Reymaa, taas oo ka tirsan degganayaasha Magaalada Muqdisho ee jinniga ah, gaar ahaan kuwa xaafadda Liido ee degmada Cabdulcasiis.

Muqdisho – Wareysiga qeybtiisa seddaxaad waxaa uu inoo marayey aniga oo Reymaa weydiinay su’aal la xiriirtay nooca maamul dowladeed ee ay leeyihiin jinniga Soomaaliyeed, wareysiga qeybtiisa 4aad waxaan ku billaabeynaa isla su’aashii ugu danbeysay iyo jawaabteeda, waana sidan.

Su’aal: Soomaaliyada insiga ah waxaa ay leeyihiin Madaxweyne, Ra’iisal Baarlamaan iyo Ra’iisal wasaare, Soomaalida inniga ah ma nadaamkaas uun bey leeyihiin mise hab maamul kaas ka duwan?

Reymaa: Bulshada jinniga ah ee dalkan waxaa ay leedahay Mandaluul, Jundaluul iyo Maasdaluul. Waana hab ku dhisan seddax awoodood oo kala sarsareysa, midda koowaad ee Mandaluulka waa Golaha sare ee laga maamulo dalka, waxaana Mandaluulka ugu sarreeya Al-Sayid Hirqiyaa oo talada hayey kunkii sano ee la soo dhaafay. Junduluul oo ah awoodda ciidan ee jinniga Soomaaliyeed waxaa aasaasay Janaraal Shuu Shu 1500 sano ka hor, haatan xilli dhow oo 200 sano ka hor ah waxaa loo dhiibay Janaraal Shaamiluun, waana awoodda ciidanka jinniga ee Afrika ugu xoog badan.

Golaha Maasdaluul waxaa ay ka kooban yihiin xubnaha maamulka min heer Wasiir illaa guddoomiye degmo, dhammaantoodna waxaa ay ka kooban yihiin 11 Dhuuqe, 27 Jiite, 271 Rife.

Su’aal: Dhuuqe, Jiite iyo Rife maxaad ka waddaa?

Reymaa: Hahahahaha… Dhuuqe idinka waxaad dhahdaan Wasiir, Jiite waa guddoomiye yaasha gobalada 27-ka ah ee dalka, rifayaashana waa guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaa jira kuwo la dhaho leefayaasha, kuwaas oo idinka u taqaanaan agaasimeyaal ama maareeyayaal,

Su’aal: Jinnigu ma leeyahay dagaal oogayaal, mooryaan iyo ganacsato hubeysan?

Reymaa: Khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh! Mandaluulka iyo Jandaluulka way riiqayaan wixii edeb darro lagu arko, jundiga SunSaaq ee dalka ugu awood badan xaruntooda waxaa ay ku taallaa gobalka Ganaane, ciddii edeb darsata waxaa ay geynayaan xabsiga JamalJaan, dagaal oogena ma jiro, jinni isuma dilo sida shanfaroodlaha, xitaa ciidanka koofiyadleyda qori looma ogola.

Su’aal: Ciidanka koofiyadleyda waa kuwee?

Reymaa: Hahaha… idinka Booliis aad dhahdaan, anaga koofiyadley aan dhahnaa, hubkooda dhan waa koofiyado, naasquud ayey nagu waaleen.

Su’aal: Naasquud maxaad ka waddaa?

Reymaa: Shaxaad maad dhahdaan, haa waa shaxaad.

Su’aal: Reymaa aniga ayaad I waali rabtaa, su’aasha ugu danbeysa ee dhanka siyaasadda haddii aan ku weydiiyo, waxaad ii sheegtaa magaca guddoomiyaha gobalka Banaadir ee Jinniga Soomaaliyeed?

Reymaa: Dhuuqaha Gobalka Suufaadiin waxaa la yiraahdaa Jamaaludiin, waa nin khibrad badan oo waayeel ah, 2500 sano ayuu jiraa, 700 oo sanadood ayuu Suufaadiin Dhuuqe ka ahaa,. Markii uu talada qabaneyey magaalada Suufaadiin waxaa ay ku ekeyd inta u dhexeysa tuulada Daguuni oo idinka u taqaanaan Qalimow, iyo deegaanka Firdows loo yaqaano Gendershe.

Haatan Suufaadiin dhinaceeda koofureed waxaa ay gaareysaa deegaanka Ruusaatiin ee aad u taqaanaan Dhaay Tubaako, taas oo ah Baraawe gadaasheed, dhinaca waqooyina wuxuu gobalka Suufaadiin ku eg yahay Buulo-diin oo aad u taqaanaan Warsheekh.

Su’aal: Suufaadiin ma leedahay garoon diyaaradeed calami ah oo ay diyaaradaha ka duulaan, mise waxaad isticmaashaan kan Aadan Cadde?

Reymaa: Haa, garoonka caalamiga ah ee Suufaadiin wuxuu ku yaallaa xaafadda Masagoole ee u dhaw madaxtooyada Mandaluulka.

Su’aal: Waa halkee xaafadda Masagoole?

Reymaa: Waa Meesha aad u taqaanaan buulo fulay ee u dhexeysa Qoryooley iyo Buurhakaba.

Su’aal: Magaalada Suufaadiin ee anaga aan u naqaano Muqdisho ama Banaadir insi ahaan waxaa dadka deggan lagu qiyaasaa 2 illaa 3 milyan, bal dhankiina Suufaadiin imisa jinni ah ayaa deggan?

Reymaa: Guud ahaan dalka Soomaaliya jinniga ku nool waa 700 oo milyan, 240 milyan oo ka mid ah waxaa ay deggan yihiin Suufaadiin.

Su’aal: Haddii aan dhanka siyaasadda ka weecano, sideed u aragtaa in aad iiga sheekeyso sida uu jaceylka insiga u saameeyo jinniga iyo arrin insiga dhexdiisa caan ka ah oo ah in gabdhaha uu mar walba ka kor qayliyo wiil jinni ah.

Reymaa: Inta badan Gabadhana jinniga ah waxaa y jecel yihiin wiilasha insiga ah, siyaabo badan ayeyna ula dhaqmaan. Waa ay dhacdaa in gabar jinni ah oo aan muslim aheyn ay wiil insi ah noloshiisa la wadaagto, iyada oo aan u bandhigan. Inta badan dadka aan salaadaha dukan, kuwa aan Ilaah ku xirneyn ayey gabdhahaas jinniga ah daneeyaan oo ka qaraantaan.

Tan ugu daran waxaa ay tahay, gabdhaha jinniga ah ee Muslimka ah, ee aan dooneyn in ay qof insi ah khiyaameeyaan, kuwaas ayaa dhibaato badan kala kulma dhinaca xiriirka jaceyl ee ay la sameyn lahaayeen ragga shanfaroodlaha ah.

Tan ah gabdhaha laga dulqayliyo, waa sheeko, gabdhana Soomaalida ee shanfaroodlaha ah wiilkii ay ka helaan ayey dhahaan wuu iga dulqayliyey, waah ab xariifnimo ah oo ay ku sheegtaan in ay wiil jecel yihiin, weliba kuwa qooq billowga ah ayaa ugu badan.

Haddii qof laga kor qeylin karo maan aniga ka kor qeyliyo kan 30 sanadood aan jaceylkiisa dartiis u silcayo ee igu qasbay in aan Liido dego si aan gurigiisa ugu ag dhowaado, waxaas ma jiraan.

Su’aal: Mahadsanid! Midda kale waxaad hadda ka hor iiga sheekeysay dhibaato jaceyl ee ku dhacday gabar saaxiibtaa ah oo lagu magacaabo Nujuum Ruuxaani, taas oo wiil ay jecleyd oo insi ah u dirtay dhanbaal jaceyl oo aad u yaab badan,bal arrintaas iiga skeekey haddii aadan waxba ka qabin.

Reymaa: Huuuuuuuuuuuuuh! Khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh Kharabtun Kharabaanun khusss Khussssa.

Su’aal: Waan ka xumahay Reymaa, Please! Uguma talo galin in aan kaa xanaajiyo, Reymaa Please!

Reymaa: Aaaaaaaaaaah! Ma kugu xanaaqin aniga, balse waxaan ku dhowaaday in aan dawaqo. Saaxiibtey Nujuum Ruuxaani weli moowjadaha dushooda ayey ligan tahay, waxaan ula jeedaa Koomo ayey ku jirtaa ama way suuxsan tahay, maalintii wiilkii ay jecleyd ee shanfaroodlaha ahaa uu qaraxa ku dhintay ayey koomo gashay waaye.

Su’aal: Hadda ka hor waxaad ii sheegtay in dhanbaal aad u cajiib ah ay Nujuum u qortay wiilkaas ay jecleyd ee Alshabaab ku dhintay, dhanbaalkaas ma inoo aqrin kartaa?

Reymaa: Dhanbaalkaas wuxuu ahaa mid aad uga tarjumayey dareenka saaxiitey, haddii uu insi dareen leeyahayna runta way ugu sheegtay. Wiilka ay jecleyd wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah, qurux badan, mar dhaw jaamacad dhameeyey, weli aan guursan, shaqo dowladda ka helay, oo ay ku hanweyneyd in ay kasbato inta uusan guursan gabar Shanfaroodle ah, wax yaabo badan ayey sameysay si ay kalsoonidiisa u kasbato, dhanbaallo badan ayey u dirtay, balse midkii ugu horreeyey ayaa ugu cajiibsanaa.

Su’aal: Inta aadan ii aqrin dhanbaalka waxa ku qornaa wax iiga sheeg wax yaabaha ay sameysay si ay isaga ugu kasbato?

Reymaa: Saaxiibtey waa ay is tusi jirtay wiilka, bishiiba dhawr habeen ayey riyo inta ugu timaado waqti kula qaadan jirtay, waqti waxaan ula jeedaa caadi ah, isagana riyo caadi ah ahaan uun buu arrintaas u qadarin jiray arrintaas, waxaase yaab ku reebi jirtay inuu mar walba riyada ku arki jiray hal gabar oo kaliya, taas oo uusan soojeed weligiis muuqaalkeeda ku arkin.

Asxaabtiisa ayuu uga sheekeyn jiray in habeen walba uu gabar aad u qurux badan riyada ku arko soojeedse uusan weli kula kulmin, iyadana marka uu ka sheekeynayo riyooyinkaas cajiibka waa ay iska dhegeysan jirtay, mararka qaar aniga xitaa Nujuum waan isa soo raaci jirnay si aan u dhegeysano marka uu saaxiibaddiis uga sheekeynayo riyadii xalay, waana ku raaxeysan jirnay.

Saaxiibtey wax yaabaha ay sameyn jirtay waxaa ka mid ahaa in ay geed guriga ku yaal ku soo degi jirtay iyada oo isu soo ekeysiisay shinbir, isagana shinbiraha wuu jeclaa, sidoo kale waxaa jirtay bisad gurigooda joogtay oo uu jeclaa, saaxiibtey inta bisada banaanka ku mashquuliso ayey isu ekeysiin jirtay bisaddii uu jeclaa, markaas ayey isaga oo fadhiya lugihiisa hoostooda marmari jirtay, jirkiisana isku xoqi jirtay, isagana dhabarka iyo qoorta ayuu u salaaxayey isaga oo mooda inuu bisaddii guriga joogtay ay tahay, taasi waxaa ay aheyd sida kaliya ee ay waqtiga tooska ah kula qaadato saaxiibtey.

Dhibaatada xanuunka leh ee dhacday waxaa ay tahay, markii uu wiilkii billaabey inuu gareysto in ay noloshiisa qeyb ka tahay gabar jinni ah, weliba uu billaabay inuu soo yara dabco oo aamino, uuna ka dhursugayey in uu kulmo gabadhan riyada uu ku bartay ayuu wiilkii qarax ku dhintay.

Saaxiibtey waxaa ay dooneysay in aysan qalbigiisa dhaawicin oo sida aniga iyo adiga hadda isu arkeyno cabsi la’aan heerkaas in ay isla gaaraan, markaas ayey dooneysay in ay billowdo in ay toos noloshiisa uga mid noqoto.

Nasiib darro, noloshaas quruxda badan ee ifafaalaheeda sida quruxda badan u soo muuqanayey waxaa cimrigeeda soo gaabiyey Alshabaab oo aan cidna nolol u ogoleyn.

Su’aal: Adiga uu mahadsan hadda ma ii aqrin kartaa dhanbaalkii 1aad ee ay Nujuum u dirtay Axmed inta uusan dhiman?

Reymaa: Haa! Dhanbaalka waxaa ay cinwaan uga dhigtay sidan:

RAXMAD, HIMAD & JACEYL!

"Kani waa dhanbaal kaaga yaabsan doona si walba, waayo waxaa aad ka heshay qolkaa dhexdiisa uun, mana ogid cidda kuu soo diray. In kastoo aadan aqoon haddana waxaa kuu soo diray qalbi uu wadnihiisa ka sameysan yahay luulka badweynta, dhiigiisa uu yahay malabka shinida, dheeha iyo cadkiisuna ay yihiin xariir janaad, qalbigaas oo ay buux dhaafiyeen Raxmad, himad iyo Jaceyl adiga uun kugu sabri kara.

Durba maskaxdaada waxaa ay billowday hawl ah in aad is weydiiso "Tolow yaa dhanbaalkan kuu soo diray", waxa aadna gedgeddineysaa warqadda adiga oo raadinaya magaca qofta soo dirtay.

Waan ka xumahay in aan sidaas kuu mashquuliyo, waxaan aad uga jeclaan lahaa in aad magaceyga durba ka aragto billowga dhanbaalka, kuna faraxdo, balse haatan magaceyga kuma qorna dhanbaalkan, sidaas darteedna waxaan kaa codsan lahaa in aad farriinta aqriso si aad u fahamto, magaca gadaal danbe ayaad ka ogaan doontaa.

Qofta dhanbaalka kuu soo dirtay waa qof farxaddaada aad u jecel, waa qof ku himiloota in ay farxaddaas dhalinteeda qeyb weyn ku yeelato, waa qof marka aad socoto laafyahaaga daawata si ay niyadda ugu dejiso, waa qof marka aad fadhiisato sheedda kaa qooraansata si ay kaaga ilbuuxsato, waa qof marka aad jiifto ku dul timaadda si kuu wehliso.

Neecaw kalgacal oo aad u macaan ayaan kugu seyriyaa marar badan, saxansaxo ka soo gufaaceysa qalbigeyga waaxyihiisa ayaan kugu harqiyaa, dhididka waxaan kaaga masaxda cad aan ka soo jaray bartamaha wadnaheyga, marka aad hurdada ku daasho oo aad is yara geddineyso waxaan kaa caawiyaa gaddoomidda, marka aad hamaansato adiga oo hurda masar aad u udgoon ayaa afka kuugu aadiyaa si aan kaaga ilaaliya saxarka.

Marka aad dhex gasho badweynta hurdada, inta aan barkintaada agteeda soo fadhiisto ayaan mar ku daawadaa, mar ku afuufaa si aan kuu qaboojiyo, mar waan ku yara salaaxaa si uu jirkaaga u dareemo nafis iyo raaxo, mararka qaarna waxaan kuu shidaa music aad u deggan iyo hees oo dabacsan oo macaan, intaas kaddibna waxaan isku hawlaa sidii aad dhex gali laheyd riyo macaanteeda, quruxdeeda ilqabowsigeeda adiga mooyee uusan qof kale ka sheekeyn karin.

Taas waxaa ii dheer, marka aad hurdada ka soo kacdo oo aad dooneyso in aad sariirta ka degto waxaan seexdaa dhulka meesha aad lugaha dhigeyso si aan kaaga ilaaliyo adeyga marmarka (mutuneelka) dhulka, marka aad sariirka ka degeyso dhabarkeyga ayaad ku istaagtaa, waa sababtaas darteed sababta aad lugaha uga dareento raaxada tirade badan.

Xusuusnow mar walba oo ay xaaddaadu istaagto in ay qof ku jeceli agtaada taagan tahay oo neecaaw qabowna ay kugu afuufeysa. Mararka qaar aniga oo is leh leyr qabow uun ku yara afuuf ayey faruuryaheygu si kama' ah ay u taabtaan wejigaaga, markaas ayey xaaddaadu wada istaagtaa, waan naxaa oo waxaan is iraahdaa armuu toosaa, hadda waan faexaa waayo anigana xaadeydu waa ay is taagtaa.

Hawl aan qabto waxaan ugu jeclahay taabashada garbahaaga adiga oo aan i ogeyn, lagaba yaabee in aadan ii ogolaan laheyn in aan korkaaga taabto haddii aad i ogaan laheyd, waayo wax xiriir ah oo toos ah inagama dhexeeyaan, balse waxaan dareemaa in faraheyga iyo qalbigaaga uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo. Taas waxaa caddeyn u ah markii ay faraheyga taabtaan jirkaaga durba qalbigaaga jawaabtiisa ayaan ka arkaa jirkaaga dushiisa.

Inta oo hadal ah waxaan kuugu qoray in aan kuu caddeeyo in aan ahay naf si dhab ah kuu jecel. Waxaan u hilow qabaa la joogistaada, waxaan u hammuun qabaa taabashada jirkaaga, hadde waa taabashada jirkaaga, hadde waa jirka oo idil. Faraheyga, hadde waa faraha oo idil e, waxaa ay ku han weyn yihiin in ay kormeer hawleed ku soo maraan dhammaan oogadaada, min tin illaa cirib, bog iyo dhabar, illaa baaca hoose loo dhaadhaco.

Ma ogi sida aan Eebe weyne ugu mahadnaqi lahaa haddii aan arki lahaa bushimaheyga oo dhunkana meel walba oo jirkaaga ka mid ah, sankeyga oo hadba tartiib ugu sii siqaya meermeertooyinka jirkaaga ee uduga badan. Intan oo dhan waxaan doonayaa in ay dhacaan adiga oo igu faraxsan, adiga oo ii dhoolacadeynaya, adiga oo inta aad gacanteyda qabatid, ii soo dhowaatid, hab i siisid kaddibna igu qabatid laabtaada, illaa aan ka dareemo in labadeena jir ay isugu dhegayaa sida labada fidqe ee shaatiga marka la feereynayo.

Diirrimaadka aad dareemi lahaa marka aad laabtaada igu qabato waxaa ka dhalan lahaa tamar ay iftiinkeeda shidan karaan dhammaan mucaashaqiinta, si ay habeenka mugdiga ah u helaan fursad ay ku aqristaan dhanbaallada jaceylkooda.

Daqiiqad walba waxaa ay iila mid tahay maalin, maalintuna waxaa ay iiga dhigan tahay sanad, mar walbana waxaan ku rajo weyn ahay in aad dhankeyga soo qooraansan doontid oo aad qalbigaaga iga siin doontid boos aan kaga noolaado, xitaa haddii booskaasi yahay mid la eg taako dhererkeed.

Riyadeyda waxaa ay dhab u rumoobi laheyd haddii aan arki lahaa mar qura aniga oo hoostaada dhabacaada adiguna aad indho raxmad leh igu eegeysid, gacantaada midig ah dhabarkeyga hoos ka soo heyso, bidixdaadana ay horaadkeyga saran tahay, bushimahaaga ay gaaf wareegayaan qoorteyda, sankaaga caaraddiisa ay si hal haleel iigu afuufeyso saxansaxo janaad.

Ugu danbeyntii, ha is mashquulin, hana is weydiin sida aad iigu soo jawaabi laheyd. Haddii aad jawaab isiineyso waxaad raacdaa habkan. Habeenka ugu horreeya ee aad riyada ku aragto gabar xiran dhar waxa jaalle ah oo ku sawiran yahay wadne guduudan, lanbarka ku qoran cillaanka gabadhaas aad riyada ku arki doonto gabadha gacanteeda uun ku qor derbiga musqusha, qofna ha u sheegin sababta aad lanbarkaas Meesha ugu qortay.

Waxaan kuugu soo gebagebeynayaa Farxad iyo jaceyl, aniga oo aad kuugu himad qaba."

Abuukarow dhanbaalkii 1aad ee saaxiibtey Nujuum halkaas ayuu ku eg yahay.

Su’aal: Horta aad ayaad u mahadsan tahay, runtiina dhanbaalkan wuxuu i galiyey qushuuc, wiilkii muxuu sameeyey, miyuu u soo jawaabay saaxiibtaa?

Reymaa: Eeen! ………..…

....... Fadlan …Jawaabta… kala soco qeybta 5aad wareysigan oo aan soo deyn doonno Axadda Soo socota.

F.G. dad baban ayaa isoo waydiiyey wareysigan sida aan kula yeeshay Reymaa iyo in uu run yahy iyo in uu hal abuur yahay, asxaabey su’aalahaas waxaan kala jawaabi doonaa wareysiga qeybta ugu danbeysa.

Haddii aad heyso talo, fikir ama dhaliil ku soo hagaaji abukar.albadri@gmail.com

No comments:

Post a Comment