SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Madaxwaynahii hore ee Somaliya Xasan Sh Maxamuud oo sheegay in aanu waligii Xaaskiisa gacan u qaadin(dilin).

Iftiinkacusub.com: Inta badan Dumarka oo gacanta loo qaado ama la dilo maaha wax fiican,hadana iyada oo ay sidaasi tahay rag badan ayaa laga yaabaa in ay cado iyo dhaqan ka dhigtaan in markasta ay dumarkooda ama xaasaskooda ay gacanta u qaadaan.

Waxa in badan la arkaa ama jirtaba in aad aragto Gabadh ama Haweenay uu ninkeedii gacan u qaaday kadibna uu gaadhsiiyey dhawacyo aad u halis ah,balse layaabku waxa uu yahay in aad hadana aragto iyada oo Haweenaydii dhawaca loo gaystay oo si kalgacal iyo niyad samaana kula joogta ninkii.

Akhriste waxaa su'aal aad u layaab badan la waydiiyey Madaxwaynahii hore ee Somaliya Xasan Sh Maxamuud,su'aashaasi oo ahayd " noo sheeg hadyadii u danbaysay ee aad Xaaskaaga siiso?su'aashaasi waxa uu madaxwaynahu kaga jawaabau isaga oo aad ugu faraxsan sidan:

"horta waligay xaaskayga gacan umaan qaadin,xasaskayga lama diriro"waxa kaloo uu madaxwaynahu intaasi ku daray"inkastoo laba qof oo ay nololi ka dhaxayso ay fikir ahaan kala duwananayaan,hadana kala duwanashahaasi wada tashi iyo isu-caqli celin ayay ku dhamataa",waana mida keentay ayuu madaxwaynahu yidhi in uu Guurkaygu uu noqdo mid waara.

Madaxwaynaha oo hadana ka jawaabaaya ,su'aashii ahayd"hadyadii ugu danbaysay ee uu xaaskiisa siiyo ,ayaa waxa uu madaxwaynahu kaga jawaabay:

"aniga iyo xaajiyadii wali waan isla jirnaa waananu wada joognaa",waxa uu madaxwaynahu si kaftan ah u yidhi"maxaan hadyad siiyaa anigii ayaaba maalinkasta agjooga,hadyada aniga iga wayn oo aan siiyaa maxay tahay aniga ayaaba la joogee".

Runtii arimaha noocan ahi waa kuwo aad loogu farxo,waxaanay ku tusinayaan in ay jiraan madax ama masuuliyiin iyagu kasoo baxay waajibkii saxa ahaa ee lagu lahaa,waxaanan kula talin lahaa naftayda iyo tiinaba in lagu daydo Madaxda noocaasi ah.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.


No comments:

Post a Comment