SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Xabsiga loo taxaabay.

Iftiinkacusub.com 8/8/2017. Waxa warar sugani ay sheegayaan in Xildhibaan Salebaan Yuusuf Cali Koore Xabsiga loo taxaabay kadib markii fal gacan ka hadal ah kula kacay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Gacan ka hadalkaasi Salebaan ayaa waxaa loo filayaa in uu ka danbeeyo dorashadii ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Somaliland ee Hargaysa,taasi oo lagu dooranaayey Gudoomiyaha cusub ee jagada Baarlamaanka,kadib markii Cabdiraxman Cirro uu iskii isga casiley gudoomiyaha.

Hadaba waxaa ay wararka qaarkood ay sheegayaan in gacanka hadalkan iyo shaqaqadan kasoo cusboonaatay xaruntii barlamaanka ay tahay isfahamwaagii ka dhashay, kadib markoo koox xildhibaano ah oo kasoo jeeda Xisboga Mucaaradka ah ee Wadani ay sheegeen in ay iyagu ku guulaysteen doorashadii Barlamaanka,iyada oo hadii dhinaca kale laga eegana ay tahniyad u gubiyeen xiligii doorashada lagu kala calaf qaaday.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment