SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Uhuru Kenyata Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtinimada Kenya Iyo Codadka Uu Ku Soo Baxay

Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay natiijadii doorashada Kenya waxaanay sheegiin in uu ku guulaystay madaxweyne Uhuru Kenyatta,oo ah madaxwaynaha wakhtigan xaadirka ah xukuma Kenya.

Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay

Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudida doorashada iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa sheegay inaanay wax dacwad ah u

gudbin doonin maxkamada.

Mucaaridku Waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan cadeymo muujinayo in wax isdaba marin jirto. Laakiin maysan sheegin waxa ay sameyn doonaan.

Mucaaradka ayaa horey u sheegay in loo dhacay hannaanka Guddiga Doorashada, waxna laga badalay natiijada.

Waa kuma Madaxweyne Uhuru Kenyatta?

Mr Kenyatta oo ah 55 sano jir ayaa markiisii ugu danbeysay xilkan hayn doono shanta sano ee soo socoto.

Mr Kenyatta, oo ka soo jeeda qowmiyadda Kikuyu, iyo mucaaradkisii hore William Ruto oo ka soo jeeda qowmiyadda Kalenjin ayaa lagu eedeeyay inay huriyeen rabshado u dhexeeyay labada qowmiyadood.

Dacwadahan waxay la xidhiidhaan rabshadihii dhacay doorashada qabsoontay sanadkii 2007-dii kuwaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, boqolaal kun oo qofna ay guryahooda ka carareen. Waxaa dacwad ka dhan ah loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee ICC.

Kiiska maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ayaa la baabi'yay kadib markii loo waayay cadaymo iyo markii ay dhinteen goobjoogayaashii muhimka ahaa ama la waayay. Laakiin dhaawacyadii qowmiyadeed ee hore ee dib loo furay wali si dhamaystiran looma tiiraanyo bixin.


No comments:

Post a Comment