SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Caruusad ninkeeda ula soo baxday Bistoolad ,habeenkii arooska!

Caruusad reer Tennessee ayaa la xidhay ka dib markii booliiska Maraykanku uu sheegay in ay bistoolad ula baxday ninkeeda oo ay saacadu ka hor uun is guursadeen, iyadoo aan xataa iska bixinin dharkii arooska.

Kate Elizabeth Prichard, oo da'deedu ay tahay 25 jir ah ayaa xabsiga la dhigay iyadoo wali qabta dharkii arooska ee Taajka.

Waxaa lagu eedeeyay in ay bustooladda madaxa ka saartay ninkeeda ,ayna kaladhka shaabka qabatay.

Bustooladda ayaa la sheegay in aysan rasaas ku jirin, balse waxaa lagu eedeeyay in ay rasaas soo gashatay markii dambe ayna hawada ku tijaabisay, arrintaas ayaana sababtay in ay kala cararaan dadkii arkayay.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa arrintii sheegay waxaana goobtii soo gaadhay booliiska.

Waxa kaloo la sheegay in lamaanuhu ay khamri cabsanayeen ,markaaas ka dibna ay murmeen.

Kyle Evans oo ka tirsan booliiska Murfreesboro ayaa sheegay Isniintii in caruuska iyo caruusadduba aysan gacan siinin booliiska si ay baaritaan ugu sameeyaan waxa dhacay.

Prichard ayaa lagu eedeeyay tacdi qoys oo halis ah waxaanse markii dambe lagu siidaayay 15,000 oo doolar oo damiin ah.

source :BBC

No comments:

Post a Comment