SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Nin Masaajid u dhisay istus iyo ismaqashiis camalkisiina uu buray!

Iftiinkacusun.com: Tuulo yar oo ku taala wadamada Muslimiinta mid ka mida,ayaa dadkii deganaa waxa ay wayeen Masjid ay Salaadaha Ilahay ku tukadaan,Tuuladaasi oo aan waligeed yeelan Masaajid ay dadku ku tukadaan xiliga saladaha isuguna yimadan.

Dadkii Tuulada deganaa waxa ay baadidoon u galeen cid markaasi Masaajidka u dhista,wakhti dheer ka bacdi waxa ay heleen dad aad u farabadan oo balan qaaday in ay si wadajir ah Ilaahay dartii Masaajidka u wada dhisayaan.

Hadaba intii aan dhismaha Masaajidka aan la bilaabin,ayaa waxaa isna kusoo biiray dadkii danaynaayey in ay Masajidka dhisaan nin maalqabeen ah oo ka mida dadka Tuulada degan.

Ninkii Maalqabeenka ahaa waxa isugu wada yeedhay dadkii iyagu balan qaaday in ay Masaajidka si wada jir ah u dhisaan,waxaanu ku wargeliyey in uu damacsan yahay in uu Masajidka kaligii dhisi doono,isla markaana aanu diyaar u ahayn in cid kala ay kala qayb-qaadato,sababta oo ah ayuu yidhi"" ma rabo in ajarka iyo xasanadka cidina ila qaybsato""!

Dadkii tuulada deganaa fikirka oo ninkaasi malqabeenka ahi uu soo jeediyey waxa uu noqday mid ay ku farxaan, waayo iyaga waxa ay dani ugu jirtaa oo kaliya in ay helaan Masaajid ay Ilahay dartii ugu cibaadaystaan, mana kala jecla in Masajidka hal qof uu kaligii dhiso iyo in si wada jir ah loo dhiso.

Ninkii maalqabeenka ahaa waxa uu dhisay Masaajidkii,waxa uu galiyey lacag aad u farabadan,waxaanu Tuuladii ka dhisay Masaajid aad u qurux badan oo dhamaan dadkii ku Tukaday ay ku wada farxeen.

Hadaba ninkan maalqabeenka ah ee Masaajidka dhisay,waxa uu Masaajidka korkiisa ku dhajiyey Boodhwayn oo uu ku qoran yahay magaciisa oo sadaxan, iyo waliba isagu far waaweeyn ku xardhay qoraal ula jeedadiisu ay tahay, in uu dadka ogaysiiyo in dhismaha Masaajidka uu kaligii dhisay , cidina aanay kala qayb qaadanin.

Boodhkaasi oo si layaableh magaciisa iyo aastaantiisu uga muuqato ayaa waxa lagu dhejiyey meel qofkasta oo Masaajidka soo galaaya ama dariiqa marayaaba uu arkaayo;Tuuladiina waxa ay noqotay mid markaasi leh Masaajid lagu tukado xiliga Saladaha Ilahay.

Hadaba habeen habeenada ka mida ayaa isaga oo Hurdo ku jira ninkii maalqabeenka ahaa ee Masjidka dhisay,ayaa waxa uu ku riyooday iyada oo Boodhkii masjidka sudhnaa ee magaciisu ku qornaa inta magaciisee laga masaxay lagu qoray maagac qof Dumara oo aanu markaasi garanayn.

Markii waagu baryey ayaa waxa uu si degdeg ah u tegay Masaajidkii,waxaanu arkay isla magacii uu Riyada ku arkay xalay oo Masaajidkii kor sudhan ;waxaa kaloo ay Indhahiisu ka jeedsan wayeen sida quruxda badan ee Farta loogu xardhay magaca Haweenayda Boodhka lagu qoray.

Ninkii maalqabeenka ahaa yaab iyo amakaag ayaa ku dhacay,isla habeenkii labaad iyana waxaa u timi isla riyadii oo kale,waxaa si caddaana loo tusay in magaciisii laga masaxay Boodhkii Masjedka,laguna qoray magac qof dumar ah.

Maalintii danbe ninkii maalqabeenka ahaa,waxa uu ka kacay Masaajidka gudahisii ,waxaanu dadkii waydiiyey cidda magaciisii ka masaxday Masaajidka ee ku qortay magacan qofka dumarka ah,balse muu helin cid siisa jawab uu ku qanco ,qofkastaana waxa uu ku yidhi,waxa aanu moodaynay in aad adigu magacan ku qortay Masjidka.

Waxa uu u yeedhay shaqalahiisii qaar ka mida waxaanu ku yidhi,waxa aad radisaan ama aad bafisan qofka iska leh magacan sadaxan ee Masaajidka lagu qoray,marka aad soo heshaana ii keena bal aan waraystee.

Waxa la tegay Suuqyada Tuulada iyo bananadeedaba,waxaa la baafiyey qof isagu leh sadaxda magac ee Masaajidka korkiisa lagu qoray, kadibna waxaa la soo helay Haweenay maskiinad ah oo iyadu leh Sadaxda magac ee lagu qoray Boodhka Masajidka,waxaana loo keenay markiiba ninkii maalqabeenka ahaa ee Masajidka dhisay.

Markii haweenaydii loo keenay ninkii maalqabeenka ahaa ,ayaa waxa uu arkay in ay tahay Haweenay aad u da'wayn walibana ay ka muuqato diif iyo darxumo farabadani , kadibna waxa uu waydiiyey in ay iyadu tahay mida leh sadaxda magac ee Masajidka korkiisa lagu Xardhay.

Haweenaydii waxa ay ku jawaabtay,"anigu sadaxdaa magac ee aad radinayseen waa la iyidhaa, balse ma garankaro sababta magacayga loogu qoray Masaajidka Ilahay korjiisa".

Waxa kaloo uu maalqabeenkii waydiiyey haweenaydii waxa ay ka shaqayso,waxaanay u sheegtay in ay tahay mid danyar ah oo aan lahayn wax caruur ah iyo dhaqaale ay ku noolato:Waxa kaloo uu waydiiyey in ay jirto wax hantiya oo ay ku darsatay dhismaha Masajidka?waxaanay u sheegtay in aanay jirin haba yaraatee in ay wax maal ah ay ku darsatay masajidka,hadii laga tagi waayo ayey tidhi,waxa aan arkay maalin maalmaha ka mida Fardaha Masajidka u shaqeeya ee soo qaada qalabka dhismaha mid ka mida oo Haraad iyo Biyo la'aan socon waayey,kadibna inta aan kaxeeyey ayaan soo waraabiyey Masaajidkana waan kusoo celiyey.

Ninkii maalqabeenka ahaa waxa uu ku yidhi hawenaydii""camalkaa Ilahay dartii ayaad u samaysay kadibna Ilahay waa uu kaa aqbalay, balse anigu Masjidka waxa aan sameeyey camal istusnimo ah Ilahayna igama aqbalin.

Ninkii maalqabeenka ahaa waxa uu go'aan saday in magaca Haweenayda aan marnaba Masaajidka laga masaxi doonin,Masjidkuna magaca kaliya ee loo aqoonsan doonaa uu yahay keedasi ,isaga oo haweenaydiina u balan qaaday in uu wax tari doono.

Akhristayaal waxa aynu qisadan ka faa'idaysanaynaa in camalkasta oo aad Ilahay dartii u samaysaa haba yaradee in aad ajar iyo xasanaad badan aad ka helayso,balse camalkasta oo aan Ilahay dartii loo samayn haba badnaadee aan wax ajar iyo xasanaada aan laga helayn.

Ilahay waxa aynu ka baryaynaa in uu camalkasta oo aynu samaynayno uu ka dhigo mid aynu ajar iyo wanaag ka korodhsano.

Amiin Aamiin.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment