SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maanso cusub oo la magac baxday ALLE KA CABSI ,waxaa maansadan tiriyey Abwaankii waynaa ee Yuusuf Rooble Xirsi(Sandoon)

Iftiinkacusub.com: Madamaa aynu nahay dad Muslim ah,waxaa fiican in aynu waxbadan iska wacdina waxna isaga sheegno khaladaadka faraha badan ee aynu galayno inta aynu Aduunka joogno,
iyo inaga oo markasta ilaabayna ama hilmaansanba in ay Jirto Aakhiro iyo xisaabtii Alleh in ay danbayso.

Maansadan la magac maxday Alla ka cabsi,waxaa tiriyey Abwankeenii waynaa ee qaaliga ahaa Yuusuf Roobleh Xirsi (Sandoon) Abwaanku waxa uu maansadan inagu tusayaa faa'iida darada ay Dunidu leedahay hadii laga leexdo jidkii iyo toobiyahii uu Rabbi u jeexay;taasi oo hadii ay dhacdo lagu naar mudanayo.

Waxa kaloo uu Abwaanku inagu baraarujinayaa in aynaan noqon kuwo nolosha Aduunka oo kaliya isu dhiiba,balse aynu xasuusnaano nolosha danbe iyo Aakhro oo iyadu ah halka kaliya oo Aadanaha deegaanka iyo degalka u noqonaysa.

Waatan maansadii "Alle ka Cabsi.

Caalamu shahaadiyo khalqigan kaa cajabinaaya

Cilmi kuugu filan Eebbahay kuu calaamadiye

Aayado caddanaa horyaal caalamkoo idile

Cawskuba marbuu doog ahaa midab cagaarweyne

Cajeb-buu lahaa muuq indhuu ku cokanaadaane

Isagaba caddaanbaa u xigey doorshey curubtiiye

Cawlaanta iyo daadashadu cimilo weeyaane

Cimri noole wuu madhanayaa waayahaa cuna'e

Wakhti cararayaa nolosha sida oon la celinayne

Caabiru-sabiil baynu nahay galab carraabaaye

Inaan cidi ku waarayn Adduun laga carceeraayo

Cisha noolba maydbaa qabriga lagu cabbeeyaaye

Oo ciidda lagu boobayaa lagu cadaadshaaye

Ruux kugu casiisaa turaab lagu cayuuqaaye

Cidladaana kaga soo tagaa ciirsi kii xigaye

Cibro qaadashiyo kuugu filan waano tii culuse

Ninkii cuud lahaa iyo ninkii nolosha caarcaaray

Caydh iyo ninkii maal-lahaa ceelalyo u simane

Inuu ka cokanaadiyo inuu naar dab ka cantuugo

Ninba ceelki uu sii qotuu ka cabidoonaye

Cindallaahi buu ugu tagaa camalladiisiiye

Cusaatka iyo gaalada dhammaan caasi iyo daallin

Ciddii madax adkayd ee xaquba uu cajebinwaayey

Ciyaarta iyo dheeldheel kuwii cabaska jeesjeesay

Cadaab daran ayuu caadilkay kaga cadgoostaaye

Ciqaabtoodu waa naar cuntuu kaga cabaadshaaye

Ciilkaambigoodiyo shallaay cidhib xumaantooda

Allahayoow i celibuu yidhaa aan ku caabudo'e

Maya baa codkuu yidhi jawaab looga celiyaaye

Rabbigii qofkii caabudee kana cabsoonaayey

Cibaadada Ilaahay qofkii khayr u cararaayey

Cisi sharafle maamuus ayaa lagu casuumaaye

Jannaduu camiray ee Raxmaan gelin cibaadkiisa

Laa caynun ra'at lagu cabbiray caynad lagu sheego

Dhegna cidi ka maqal oon codiyo sawt cayimay sheegin

Arrin aan caqligu keeni karin cidina suuraynin

Iyo xuurun ciintii hablaa qurux la ciiraayaa

Cuqba daar ayuu cidhib-samaan kula caweeyaaye

Cadho malaha ciishood cidhiidh dhibiyo ciirciire

Cillad iyo xanuun cudur ma jiro kaa cakirayaaye

Calafkiisu waa kaa addoon Diinta caashaqaye

Allaah ka cabso khayr waad cayimi laabta kuu cula'e.

Maansadan sida aan kor kusoo sheegnay, waxaa tiriyey Abwaan Yuusuf Rooble Xirsi (Sandoon)

No comments:

Post a Comment