SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Siddee Lagu Bartaa Xisaabta?Xisaabta lama xafido balse waa la fahmaa.

Sida ay dad badan aaminsanyihiin Xisaabtu waa maado aad u adag, marka aad fiiriso dugsiyada wax laga barto waxaad ogooneeysaa in ardayda barato maadadaan ay aad u yartahay. Waxaan jeclahay in aan halkaan ku soo koobo waxa ka dhigay maadada Xisaabta maada adag.

Waxaa ay ardayda inta badan aaminsanyihiin in ay Xisaabtu adagtahay, hadii aad wax ka aaminsantahay in ay adagyihiin lagama yaabo in ay kuu fududaadaan.

Xisaabtu waxa ay u baahantahay waqti badan, taas oo ay ardaydu ka wahsadaan

Waxa ay u baahantahay macalin qibrad dheeraad ah u leh barideeda si ay ardadu u fahmaan.

Hadaba Xisaabtu ma’ahan sida laga aaminsan yahay ee waa maado aad u fudud waayo waxa ay u baahan tahay oo kaliya in aad fahamto ma’ahan sida maadooyinka kale ee u baahan in aad xifdiso. Mida kala waa in aad fahamtaa Qaacidooyinka lagu xaliyo xisaabaadka, aadna isticmaasho waxa loo yaqaan Trial by error oo ah in aan isku daydaa su’aal kastaa, waxaa laga yaabaa in aad hesho jawaabta. Waxaa kale oo loo baahanyahay in aad sameeyso ugu yaraan maalin kastaa shan su’aalood oo tobikyo kala duwan ah.

Had iyo jeer markii aad ka shaqeeyneyso su’aalo Xisaab ah ha sameyn kaligaa oo la kaasho ardayda kale ee aad isleedahay waa ay kaa badiyaan Xisaabta. Markii aad sameeyneyso Xisaabta waaa in aad koow ka soo bilowdaa tobigyada yar yar aadna si weyn u fahamtaa, waxaa jiro mawduucyo yar yar una ah aasaas tobigyo waaweyn. Tobigyada yar yar waxaa ka mid ah Jabjabka, isku darida, kala jarida, isku dhufashada iyo qeybta.

Waxaad xasuusnaata mar walbo in ay Xisaabtu tahay faraha maadooyinka oo dhan hadii aadan barana waxaa kugu adkaan doonta maadooyinka kale oo dhan. Xisaabtu meel walbaa waa ay ku jirtaa, xitaa marka aad baraneyso cimiga xukunka ee diinta Islaamka waa in aad aqoon u leedahay maadadaan, waxaa lagaaga baahanyahay in aad xisaabiso howlaha sida dhaxalka iyo qeeybo kaloo badan.

Waxaad ogaataa hadii aadan oqoonin Xisaab in ay ardaydu kaa aaminsanyihiin in aad tahay arday aanan dadaalin waxbarashadiisuna hooseeyso.

Tukesomalism.com

No comments:

Post a Comment