SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Mufakir siyasadeed Cawil Cabdilaahi Xayd (Af-sarkaalleh) oo Hargaysa kusoo foolleh.

Iftiinkacusub.com: Hal-abuurnimada siyaasadu inta badan maaha wax la barto isla markaana Buug iyo Qalin loo qaato,balse waa wax loo dhasho oo caloosha Hooyada lagala soo baxo,kadibna lagu dabaqo hadba inta aad aqoon iyo waaya-aragnimo u leedahay arimaha ku horyaalla.

Dadka siyaasada u dhuundaloolaa waxa ay yidhaahdaan ,"siyaasadu waa hadba inta aad xasuusan tahay wixii kusoo maray,waxa hadda taagan ee ku horyaala iyo sida aad u saadaalinkarto waxa kugu soo socda ee Bari aad la kulmi doonta, intaasi waxaa dheer talawadaagta aad hadba la yeelato dadka aad aqoon iyo garasho ka filayso".

Mudane Cawil Cabdilaahi Xaydna oo inta badan qaarada Yurub iyo dalka Filandba looga yaqaano Suldaanka, ayaa waxa uu ka mid yahay dadka inta badan ku fiican odoroska iyo ka faloodka arimaha siyaasada,waxaanan is odhan karaa waxa uu ku jiraa dhalinta fara-kutiriska ah ee wax badan ka fahmi kara arimaha dalka.

Cawi Cabdilaahi waxa uu arimaha siyaasada kusoo dhex jiray tan iyo yaraantiisii,isaga oo si wax ku ool ah uga dhex muuqday markasta Xisbigii markaasi uu ka tirsanaa ee Kulmiye,kaasi oo la odhan karo ilaa hada waxa uu ka yahay dhalinta fara kutiriska ah ee uga ololaysa Dalka Filand gaar ahaan caasimada Helisinki.

Cawil Cabdilaahi wax yabaha aadka loogu xasuusto waxaa ka mida ,kaalintii firfir-coonayd ee uu ka qaatay xiligii doorashadii 2003, kaasi oo Muraaqib u ahaa xisbigii uu markaasi ka tirsanaa ee Kulmiye degmada Sabawanaag.

Cawil Cabdilaahi iyo rag odayaal ah ama xiligaasi ahaa madaxdii sare ee Dawladii Daahir Rayaale waxaa goobtaasi Sabawanaag ku dhex maray gacan ka hadal,kadib markii uu noqday nin ku hal-adag ilaalinta fikirka Kulmiye ee uu aamin san yahay ilaa hadda ,diidayna in wax wada xajood ah lagala yeesho waxyaabo uu markaasi u arkaayey in ay yihiin codad la Musuq-maasuqaayo taasi oo keentay in Cawil gacanta loo qaado.

Inkastoo Cawil Cabdilaahi uu wakhtiyada qaar ka mid ahaa dadkii ganacsiyada fiican ku lahaan jiray dalka South Afrika,hadana markaliya kamuu suulin hanka iyo hamada uu u hayo in uu siyaasada Somaliland kaalin mugle ka qaato.

Cawil Cabdilaahi inkastuu si gaar ahaneed ugu suntan yahay tan iyo wakhti aad u fog xisbiga Kulmiye,hadana Cawil waa nin inta badan saxiibow dhaw-dhaw la ah madax badan oo dalka ka talisa,sida kuwa xisbiyada Mucaaradka ah,waana nin ay u kala soocan tahay siyaasada iyo saxiibtinimadu.

Hadaba Cawil Af-Sarkaalle waxa uu wakhtigan xaadirka ah kusii jeedaa Somaliland gaar ahaan casimada Hargaysa,cawil oo aan wax badan ka waydiiyey sababaha keenay in uu wakhtigan Doorashooyinka la galaayo in uu safarkiisa ku beego ayaa waxa uu ii sheegay in uu Hargaysa u tagaayo arimo farabadan:

waxaanu yidhi:

""Waxaa suura gal ah haddii Ilahay xugmoo in aan Hargaysa ka degaayo 26/8/2017 ,sababaha aan u tagayaana waxa ay u badan yihiin laba arimood 1-mid khusaysa arimahayga gaarka ah sida reerkayga iwm iyo tan labaad oo ah in aan door laxaadleh aan ka qaato hawsha doorashooyinka inagu soo foolka leh,iyada oo aan ku dadaali doono sidii aan uga shaqayn lahaa in uu marlabaad doorashada dalka ku gulaysto xisbiga aan ka tirsanahay ee Kulmiye,kaasi oo aan ogsoonahay in uu dadka iyo dalkaba wax badan usoo qabtay iyo waliba aniga oo ku kalsoon Musharaxa xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Waxyaabaha kale ee aan Cawil wax ka waydiiyey waxaa ka mid ahaa, in uu isaga laftiisu wakhtigan xaadirka ah leeyahay han siyaasadeed ,isla markaana uu doonaayo in uu Lug iyo faras isugu taago sidii uu uga mid noqon lahaa madaxda Xisbiga Kulmiye?

waxaanu ku jawaabay:

""Haa wax ii diidayaa ma jiro in aan siyaasada ka dhex muuqdo,xaqna waan u leeyahay in aan ka mid noqdo dadka markaasi danaynaaya in ay horu mar gaadhsiyaan dalkooda,waan ogahay oo Xilqabashadu maaha wax sahlan,waana wax aakhiro iyo Ifkaba wax la iska waydiindoono,hadana iyada oo ay sidaasi tahay waxa aan rumaysnahay in aan dadkayga iyo dalkaygaba wax u qaban karo"".

Cawil Cabdilaahi ayaa waxa aan wax ka waydiiyey in ay jirto Xanta iyo hadal-hayna ugu jirta suuqa ee odhanaysa,"Cawil waxa uu damacsan yahay in uu Golayaasha Deegaanka ee Casimada Hargaysa in uu isusoo sharaxo, isla markaana safarkiisa hada waxa uu bar-bilaw u yahay sidii uu arimahaasi gogol xaadh ugu sii samayn lahaa,haday tahay dhanka deegaanka uu kasoo jeedo iyo haddii ay tahay dhinaca xisbigaba?

waxaanu ku jawaabay:

""Haa waa mid iga go'an waayo waxa aan arkayaa waxyaabo badan oo baylah ah oo ilaa hadda aan waxba laga qaban gaar ahaan Caasimada Hargaysa,runtiina maaha oo kaliya in aan anigu rabo amma aan jeclahay in aan Xildhibaan gole deegaan aan noqodo,balse waxa iyana dhankooda dabada iga riixaaya dadka deegaanka ee aan ka dhashay, kuwaasi oo ii arka in aan ahay nin Booskaasi qaban kara"".

Cawil Cabdilaahi Xayd (Af-Sarkaalle) runtii marka aad wax badan kala sheekaysato arimaha iyo siyaasada dalka ,waxa aad dareemaysaa in uu yahay nin markaasi ay ka go'an tahay in uu dadkiisa iyo dalkiisaba uu wax la qabto waxna uu la qaybsado.

Cawil Cabdilaahi Xayd ayaa waxa kaloo aan wax ka waydiiyey sida uu u arko wada hadalada Somaliland iyo Somaliya?

waxa uu iigu jawaabay:

Anigu waxa aan ahay dadka aamin san in wadahadal waxkasta lagu dhameeyo,hadii ay taasi socon waydana Somaliland waxa ay xaq u leedahay in ay dariiq kasta oo ay aqoonsi ku raadsanayso ay marto.

Hadaba Cawil Cabdilaahi ayaa waxa uu ahaa ninkii kaliya ee Raysalwasarahii Somaliya Cali Maxamed Geedi 2014 runta ugu sheegay Shir ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Somaliya ee Filand,Cawil ayaa hadaladii aadka u kululaa ee uu ku yidhi Raysal-wasaraha waxaa ka mid ahaa:

""Aniga Aabahay waxa uu ka mid ahaa dadkii u dhintay in ay Somaliyi midawdo,aniguna waxa aan ka mid ahay dadka u Ilmaynaayo rabana in ay Somaliyi kala go'do ,laba dawladoodna ay kala noqoto ,waxaana sabab u ah gardaradii iyo xasuuqii naxariisdarada ahaa ee Somaliland loo gaystay "";Cawil isaga oo Raysal wasaaraha fadhigaasi shirka Farta ku fiiqaaya ayaa waxa uu ku yidhi"mudane waxa aan kugula talin lahaa in aad tageertaan adiga iyo saxiibadaaba Bildhaantaa iyo Nuurkaa kasoo baxaaya Somaliland"".

Mar aan wax ka waydiiyey Cawil bal sida uu u arko Soomalida iyo Qurbaha,ayaa waxa uu ii sheegay in uu isagu shakhsiyan uu jeclaan lahaa in uu noloshiisa inta dhiman in uu dalkii Hooyo ku qaato,sababta oo ah ayuu yidhi,maaha Qurbahu kuwo si sahlan nolol iyo farxad looga abuuri karo,waxaanad markasta Qurbaha ku tahay Marti aan maamuslahayn.

Cawil Cabdilahi waxa kaloo uu leeyahay Tariikh nololeed aad u layaab badan oo qofkasta oo wax ka ogaadaa uu waxbadan ka faa'idaysan doono,taasi oo aan jeclahay in aanu wakhti dhaw soo bandhigi doono iyada oo qoraal ah.

Guntii iyo gabagabadii Cawil waxa uu wakhtigan xaadirka ah Shandadahu ugu xidh-xidhan yihiin safarkii dalkii hooyo ee Somaliland gaar ahaan caasimada Hargaysa,waxaanan filayaa in uu Cawil noqon doono nin markaasi kaalin laxaadleh kasoo qaata hawsha doorashooyinka ee dalka dhawaan ka bilaabmaysa.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

 

No comments:

Post a Comment