SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gudoomiyaha Guurtida oo wax aan suura gal ahayn ku tilmaamay dib u gocashada C/Raxmaan Talyanle.

Iftiinkacusub.com: Hargaysa Xildhibaan C/raxmaan Talyanle ayaa maanta kulan la yeeshay Gudoomiyaha aqalka Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,isga oo markaasi kulan kiisu ahaa sidii uu u kala dhexgalilahaa isaga iyo Baashe Maxamaed Faarax oo uu shalay ku hanbalyeeyey in uu isagu yahay gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland.

Kulankan ayaa u muuqday mid isagu salka ku haya dib ugocasho Cabdrixmaan Talyanle iyo saxiibadii ay ku qanci wayeen kadib markii ay sisda ay sheegeen ay heleen warar tibaaxayaa in ay iyagu ahayeen kuwii helay codadka dhan 39 cod .

Hadaba waxa ay sheegayaan wararka sida qarsoodiga ah loo helayaa in uu Gudoomiye Salabeen uu u sheegay in aanay suuragal ahayn wakhtigan xaadirka ah in uu dhexdhexaadin wax layidhaa uu ka sameeyo,arin shalay dhacday isla markaana laysu hanbalyeeyey iyada oo raali la iskala yehey.

Xalay ayaa uu Cabdiraxmaan Talyanle warbaahinta qar ka mida waxa uu u sheegay in uu isagu yahay Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland ,taasna ay ku timi ayuu yidhi Talyanle kadib markii ay soo baxday in uu isagu ahaa ninka helay 39 cod.

Arintan ayaa waxa la odhan karaa waxa ay dabada ku haysaa loolanka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadani

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment