SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sadax dhalinyaro Somaliyeed oo lagu dilay South Afrika, kadib markii lagu gubay xarumahoodii ganacsi.

Arbaco, 02/8/2017 Saddex qof oo dhallinyaro Soomaali ah ayaa 48-dii saac ee lasoo dhaafay lagu dilay dalka Koonfur-Africa, sida ganacsato ku nool dalkaasi ay u sheegeen,iyaga oo dhamantood lagu gubay goobahoodii ganacsi.

Dhallinyarada la dilay ayaa ku ganacsan jirtay Magaalladda Limbobo ee dalkaasi.

"Saddexda qof ee geeryooday waxaa lagu gubay goobahooda ganacsi, iyaga oo markaasi ku dhexjira,hadda Booliiska ayaa meydadka dhalintaasi baadhitaan ku samaynaaya. sidaasi waxaa sheegay mid kamid ah ganacsatada.

Dhinaca kale Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo wareysatay mid kamid ah dadka ku nool dalkaasi ayaa waxaa uu yidhi "Dhallinyaradii la dilay Waxaa ka mid ah Alla ha u naxariistee Cali C/llahi Caymow iyo Cali Maxmuud, dukaamadooda ayaa loogu tagay, laguna gubey, meydadkooda hadda waxaa gacanta ku haya booliska oo sheegaya in ay baadhayaan, balse ilaa iyo hadda wax jawaab rasi ah lagama hayo".

Sidoo kale 19-ka bishii July, laba qof oo ganacsato Soomaali ah ayaa lagu dilay agagaarka Magaalladda Johannesburg ee dalka Koofur afrika.

Muwaadiniinta Soomaalidda ah ee dalkaasi lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacabi jiray, IHN Nuur Cusmaan Nuur iyo Maxamed Xuseen Gacal.

IHN Nuur Cusmaan , ayaa waxaa goob ganacsi uu ku lahaa agagaarka Magaalladda Johannesburg ee dalka Koofur afrika. Sidoo kale IHN Cismaan ayaa waxaa isagana lagu dilay degaan u dhow xadka Koofur Afrika uu la wadaago wadanka Musanbiig.

Budhcada Koonfur Afrikanka ayaa inta badan waxa ay cadaystaan dilka dadka Somalida ah,iyaga oo siyaabo kala duwan u beegsada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga u jooga dalkaasi.

Soomaalida ku sugan dalka Koonfur Afrika oo mar walbo cabsi ku joog ahaa ayaa aad uga baqaya in dhibaato kale ay soo gaadha .

No comments:

Post a Comment