SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dab qabsaday Dhismayaasha Dunida ugu dhaadheer ee ku yaal Dubay .

Jimce,04/8/2017, Dab aad xooggan ayaa waxa uu qabsaday dhismo aad u dheer oo ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waana markii labaad ee dabkani uu qabsado mudo labo sano gudahood ah.

Dabaqan uu dabku qabsaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Torch Tower, waxaana uu ka koobanyahay tiro dhan 79 dabaq, iyada oo shaqada uu bilaabay tariikhdu markii ay ahayd 2011-kii.

Waxa uu ahaa dabaqani xiligaasi midkii ugu dheeraa Aduunka,inkastoo wakhtigan xaadirka ah ay tiraba 6 dhisme oo kale ay kor uga dhaadheer yihiin.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa cadaynaaya in uu dabku uu yahay mid aan yarayn ,mararka qaarna laba arkaayey Qiiqa iyo holaca ka baxaaya dhismahaasi.

Xukuumadda ayaa waxa ay warbaahinta ka sheegtay in ay dhamaan wixii dad ku jiray ay ka daadguraysay isla markaana aanay cidina wax ku noqonin,taasoo markii danbana dabkii la xakameeyey si anu ugu fafin meelo kale.

Ma jirto ilaa hadda, lamana hayo wixii sababay in dhismahani uu dabku qabsado ama uu Gubto,sidoo lalana lama soo sheegin cid wax ku noqotay ama ku dhaawacantay, sida ay Twitterka ku soo qoray xafiiska warbaahinta ee Dubai;iyada oo uu wali socdo hawlgalkii lagu bakhtiinaayey dabka.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment