SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Waraysigii gabadhii Jinniga ahayde ee Reymaa. Qaybtii 7-aad.

Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa , wareysi dheer oo dhexmaray aqoonyahan Abukar Albadri iyo gabadha Jiniga ah ee magaceeda la yidhaahdo Reymaa, taas oo ka tirsan degganayaasha Magaalada Muqdisho ee jinniga ah, gaar ahaan kuwa xaafadda Liido ee degmada Cabdulcasiis.

Wareysiga qeybtiisa lixaad waxaa ay inoo mareysay aniga oo Reymaa weydiinay su’aal la xiriirtay shahwada gabdhaha jinniga ah in ay dhibaateyso ragga insiga ah iyo in kale, wareysiga qeybtiisa 7aad waxaan ku billaabeynaa isla su’aashii ugu danbeysay iyo jawaabteeda, waana sidan.

Su’aal: Gabdhaha jinniga ah iyaga shahwadooda ragga insiga ah ma dhibaateysaa?

Reymaa: Khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh………….. Uhuuuuuuuusha… Waxaad rabtaa in aan sida qaac libdhaya kuu dhex maro, sanka kaa galo, afka kaaga baxo, kaddibna dhegahaaga qaac ka keeno, sideed iigu dhihi kartaa gabdhaha jinniga shahwadooda way dhibaateysaa ragga insiga ah? Ma anigaa dhibaateynaya ninka aan jeclahay? Aaaaaaaaaaaah…. Zabaabuurta ha igu kicin!

Su’aal: Reymaa! Is deji, aniga su’aal uun baan kaa weydiiyey! Waxba kaama sheegin, ee lacala haddii gabar jinni ah ay gogol la gasho nin insi ah, kaddibna dheecaankoodu is gaaro maxay tahay cawaaqibta ku dheceysa ninka insiga ah ee shahwada gabadha jinniga ay korkiisa taabatay?

Reymaa: Gabadha jinniga ah shahwadeeda waa caadi, waayo suurad insi ayey ugu imaaneysaa ninka, laakiin marka ay suurad jinni ugu timaaddo ee ay isu galmoodaan markaas ayaa qofkaas nolol miyir qab ah ugu danbeysa, waayo tafaasiisheeda jinniga ayey ku dhex neefsaneysaa, maskaxdiisa, qalbigiisa iyo niyaddiisa ayey teeda ku dhex qabaneysaa, sidaas darteed ninkaas wuu qaalanayaa, adduunka uu joogay ee caadiga ahaa maahee mid kale ayuu galayaa. Laakiin haddii ay suurad insi ugu timaaddo, oo ayna jinni muslim ah tahay waa caadi wayna raaxeysanayaan, kaddibna caadi ayuu isaga joogayaa.

Su’aal: Runta ii sheeg maanta, hana igu xanaaqine, haddii aad muslim dhab ah tahay Maxaad adkaarta uga carartaa?

Reymaa: Aniga adkaarta kama carrao, Muslimna waan ahay, balse adkaarta uu insiga aqristo waxaa loogu talo galay inuu jinniga oo dhan isaga xijaabo kiisa Muslimka ah iyo kiisa gaalka ahba, waayo waa uun ka suurad duwan oo isaga aan arkeyn, marka adkaarta waa hadiyad uu ALLAAH siiyey insiga, gaar ahaan Muslimiinta, haddii ay si sax ah uga faa’iideystaan xitaa insiga ayaa isaga xijaabi kara insiga dulminaya, marka aniga adkaarta kama cararayo, balse marka uu qofku aqristo Ilaah ayaa qofkii asturaya oo wuu ka asturmayaa jinni oo dhan iyo shar oo dhan.

Su’aal: Gabdhaha jinniga ah ragga insiga ah miyey kufsadaan, sida ragga jinniga ah ay u kufsadaan gabdhaha insiga oo kale?

Reymaa: Haa! Way dhacdaa in ay kufsadaan, laakiin waxay u dhacdaa laba nooc. Midda koowaad habeenkii marka uu qofka hurdo, haddii uusan adkaar aqrisan waxaa dhici karta in uu riyo ku sameeyo galmo, taas oo ay shanfaroodlaha u yaqaanaan ‘Junuub’ markaas inta badan gabar jinni ah ayaa ku lug leh, sida kaliya ee looga gaashaaman karo waa adkaarta. Midda labaadna waa in ay gabadha jinniga ah si toos ah ugu tagto ninka insiga ah, kaddibna isaga oo soo jeeda ay ka qaraabato, iskamana celin karo, waxaana u badan 4 nooc oo ragga ka mid ah, sida kuwa aan dukan, tuugada ama burcadda, sixiroolayaasha iyo kuwa jinniga qaaciya ama shida qaarkood.

Su’aal: Ma iyaga oo arkayo ayey kufsaneysaa mise way is qarineysaa?

Reymaa: Ragga ma dukadayaasha ah iyo tuugada badanaa iyada oo is qarineysa ayey kufsaneysaa, waxaad arkeysaa nin soo jeeda oo naftiisa aan xakameyn karin oo inta dareenkiisa yara kaco ay shahwada soo dhaafeyso, mararka qaar isaga oo waddo maraayo ayey ku dhaceysaa, waayo meeshii ay ku aragto ayey ku kufsaneysaa, balse sixiroolayaasha, marka horeba iyaga iyo shayaadiinta ayaa ballamo gala, kaddibna iyaga iyo kuwa wax shida naftooda iyo tan reerkoodaba waxaa la wadaaga jinni iyo sheydaan.

Su’aal: Sixiroolayaasha iyo dadka jinniga la shaqeysta, sida kuwa mingis, booranaha, duulasha maxay tahay ballanta kala dhexeysa shayaadiinta iyo jinniga?

Reymaa: Runtii qofka sixiroole ma noqon karo isaga oo aan seddax shey sameyn. Kow in uu diinta ka baxo waaye inta uusan sixiroole noqon, labo waa in uu kaadidiida ku qubeystaa, kaddibna sheydaanka caabudaa, seddax waa in ay isaga iyo sheydaanka midba marka isku sameeyaan falaadxumo, seddaxdaas shey isaga oo aan sameyn sixirool ma noqon karo, waayo qofka waxba ma sixri karo haddii uusan sheydaanka la maleegeyn sixirka.

Kuwa jinka la shaqeysta sida booranaha, mingiska iyo duulasha, iyagana waxaa ay la shaqeystaan jinniyo aan muslim aheyn, sidaas darteed qofka marka koowaad waa inuu diinta Islaamka ka baxaa, jinnigaas gaalka ah wixii uu samey dhaho sameeyaa, qaarkood wuxuu ku amraa in ay kidaabka ku istaagaan, wayna sameeyaan, qaarkood wuxuu ku sameeyaa faraxumen, kaddibna wuxuu ku handadaa wixii uu ku sameeyey, qaarkoodna wuxuu la wadaagaa naagta ay qabaan, xitaa naagta ma diidi karto wayna og tahay, waayo marka ay qofkan noloshiisa ku soo biirto ayaa si tartiib tartiib ah loo handadayaa. Arrinta ugu yaabka badan waxay tahay, sixiroolayaasha iyo dadka jinniga la shaqeysta intaba raganimadooda waa eber, jinniga iyo sheydaanka ayaa marka hore ka baabi’iya oo isticmaala, kaddibna maadaama aysan diin shuqul ku laheyn marka uu naagtiisa u tagayo sheydaankii ayaa isaga dhex galaya oo naagta la macaamilaha iyadana waxaa ay arkeysaa muuqaalka ninka.

Qaarkoodna badanaa maba qabaan naag oo waxaa ay ka zineystaan naagaha ugu taga in ay jinka ka shidaan, iyo ragga sidoo kale jinka laga shido.

Su’aal: Naagaha ninka laga shido iyaga xaalkooda waa side?

Reymaa: Naagaha jinniga laga shido horta waxaa iska leh jinniga, sida naagtooda ayey joogto ula dhaqmaan, waxaa intaas u dheer in nimankan mushrikiinta ah ee jinniga shida ay faraxumneeyaan marka inta ay meeshooda ugu tagto kaddibna ay Meesha ku suuxdo. Kuwo yar oo quraanka iyo adkaarta ku dadaala ayaa jira oo ka badbaada, balse qoftii aaminta in jinni laga shidi karo sidaas ayey iimaankeedii Islaamnimada ku weysay. Saaxiriinta iyo kuwa jinka la shaqeysta waa gaalo mushrikiin ah oo dulli ah, Ilaahey wax inooguma daro.

Su’aal: Waxaa jira dad jinka quraan ku daweeya, kuwaas iyagana maxay tahay xaaladdooda?

Reymaa: Waa jiraan kuwo quraan si sax ah ugu daweeya, waxaa ka mid ah Sheekh Daa’uud oo maalintii aan arkay isaga oo wiil naag JAAN ah ka saaraya illaa hadda aan maalinna jirkiisa taaban waayey, waayo diinta ayuu u adeegsadaa in uu shayaadiinta ku gubo, dadkaas way jiraan sidaas jinniga ula dagaala, waana wax sax ah, balse dadka jinniga la shaqeysta intooda ugu badan waa Mushrikiin, waa gaalo, waana dad jinniga uu sharafti ka qaaday oo wasaqnimo tii ugu liidatay ku sameeyey, sheydaanka isaga oo aan ku dulleysan kula shaqeysan mayo, waayo ku aamini maayo oo cadowgiisa ayaad tahay intaba aad ALLAAH rumeysan tahay, si sheydaanka aad ula shaqeysan karto qofku waa inuu iimaankiisa iyo rumeynta ALLAAH ka baxaa oo sheydaanka caabudaa, sheydaanka isu dhiibaa oo fara xumeeyaa, sheydaanka u ogolaadaa inuu xaasaskiisa iyo caruurtiisa la isticmaalaa, marka uu saas u Sharaf dilo kaddib wuu u adeegayaa, waayo waxa ay ka wada shaqeynayaan waa dhibaatada ummadda, sida sixirka, iyo in ay jinniga wax ku daweeyaan oo qof xanuunsan jinni ugu yeeraan oo dhahaan qofkan daweey. Taasina waa shirki, Ilaahey ha inaga badbaadiyee.

Su’aal: Dadka u taga nimanka jinniga la shaqeysta iyo kuwa sixiroolayaasha ah maxaad kula talineysaa?

Reymaa: Waxaan leeyahay maanta waa adduunyo, waqtiga aad dhimaneyso ma ogid, qof sheydaan la shaqeysta ha u tagin, ha weydiisan inuu wax kuu qabto, saaxirna ha u tagin oo qof ii sixir ha dhihin, waayo isku denbi ayaad noqoneysaan, sida uu mushrik u yahay ayaad u noqoneysaa.

Waxaa hubaal ah dadka meelaha wax lagu qaaciyo ku xiran nolosha ayey ku fadeexoobaan, nolol ciriiri ayey ku jiraan, waxaana u sabab ah la macaamilka shayaadiinta. Gabdhaha sameeya in waxa la dhaho madiiddada nimankooda loogu aqriyo, markaas ay waxaas sameyneyso ayaa iimaankeedii dabadeeda ka baxayaa, kaddibna maalintaas kaddib waa qof sheydaan la macaamishay oo xarigii ALLAAH goysay, Ilaah ha naga badbaadiyo.

Waxaan kula talin lahaa insiga in ay iska jiraan afartan qeybood ee insiga ah.

1. Dadka wax uumiya ee jinniga u yeera, ee gabdhaha ka shida.

2. Kibaatgaablowga, iyo kuwa madiiddooyinka aqriya

3. Dub gurka, ama kuwa xoolaha dadka ka sixra

4. Sixiroolayaasha caadiga ah ee dadka sixra.

Waxaa ugu badan dumarka oo dadka sixiroolayaasha xiriirka la leh, iyaga ayaa adeegsada oo dhaha naagta ninkeyga qaba iga sixir, ninkeyga madiiddo iigu aqri, ninkeyga in uu I jecel yahay ii fiiri, ninkeyga inuu I qiyaameeyo ii fiiri.

Dhammaan waxa uu saaxirka gabdhaha u taga u sheego waa been, sidaas ay tahayna gabadhii wax weydiiso diinta waa ay ka baxday, waa mushrikad, Ilaahey ha u towbad keenaan intii horey u sameysay, inta aan sameynna ha iska jiraan in ay shirkigaas ku dhacaan.

Su’aal: Waxaad sheegtay in gabdhaha insiga ah uu jinniga uureeyo, haddii uu uureeyo imisa bilood ayey wadaan uurka?

Reymaa: Waqtiga ugu badan ee ay wadaan waa 6 illaa 7 bilood, canuga jinniga caadi uma dhasho oo wuu dhicisoobaa, marar dhif ah ayey dhacdaa inuu 7 bilood gaaro ama dhaafo oo dhameys ku dhasho, balse isaga oo meyd ah ayuu dhashaa, badanaana muuqaal laga cabsado oo mucjiso ah ayuu leeyahay.

Su’aal: Canugga uurka jinniga miyuu dhashaa caadiyan?

Reymaa: Maya wuu dhiciseeyaa inta badan, mararka qaar isaga oo muuqaallo laga naxo leh oo mucjiso oo kale ah ayuu dhiciseeyaa, xitaa naago la qabo oo jinku u dhuuntay ayey taas ku dhacdaa, waa haddii ay dadku hilmaamaan adkaarta iyo cibaadada ALLE.

Su’aal: Jinniga ma isa sixraa gudihiisa, mase dhacdaa in uu jinnigu sixro dadka ama insiga?

Reymaa: Jinniga wuu isa sixraa, wuu is lugooyaa, wuu isku tuntaa, balse waxaas dhan waxa sameynaayo waa jinka aan Muslimka aheyn iyo dhayaadiinta, waayo waxaa ay aaminsan yihiin xaasidnimo iyo isu awood sheegasho kaliya. Tan ah insiga miyuu sixraa jinka, haa jinni wuu sixraa insiga, waayo sixroolayaashaba waxaa ay adeegsanayaa oo sixirka u fulinayo waa jinni, sidaas darteed jinniga mararka qaar dadka wuu sixraa, qoysas dhisnaa ayuu isku diraa, inta badan gabdhaha ayuu biyaha ay cabbaan iyo cuntooyinka ay cunaan wax ugu daraa, markaas ayey ninka naceyb u qaddaa ama buuq joogto ah kala kulmaa, waxaana sabab u ah gabdhaha ayaa ugu badan dadka adkaarta hilmaama.

Jinniga wuxuu sixraa qofka uu fursad cibaado la’aan ah ku helo, qofka uu fursad iimaan la’aan ah ku helo, ama dadka iska niyadda wanaagsan balse qafladda isaga jira, kuwaas wuuna sixraa, wuuna ku xadgudbaa oo rag iyo dumarba wuu la dhaqmaan, iyaga oo aan ogeyn ayaa gabdhaha noocaas ah ee aan cibaadada iyo adkaarta badin uu jinni iska maamushaa, halka ragga kuwooda tuugada, taariku salaadka iyo kuwa aan adkaarta aqrisan ay dhibaato ka heysato oo ay noloshooda aan muuqan ay wasaqeyaan gabdho jinni ah oo gaalo ah, oo weliba saqajaamiin ah.

Su’aal: Ma jiraa hab looga badbaadi karo jinniga, shayaadiinta iyo sixiroolayaasha?

Reymaa: Hal hab kaliya ayaa looga badbaadi karaa, waa in uu qofku daa’imo Qur’aan iyo adkaar, haddii uu qofka intaas ka caajiso mar uusan waxba ka gaarin oo la galay ayuu shaleynayaa, haddii uu saaxir iyo sheydaan u tago si loo daweeyana cadaab aakhiro ayuu ku waarayaa.

Su’aal: Waxaa jira dad badan oo waalan, kuwo waalidkood ayaa meel ku xiray, kuwo jidadka ayey ku dhibaateysan yihiin, kuwo marna way ku dhuftaan, marna caadi ayey noqdaan, dadkaas xaaladooda maxaad ka leedahay?

Reymaa: U fiirso! Gabar walba oo waalan wax uun xun uun bey lugta kula jirtay, wiil walba oo washayna fal xun uun buu lugta kula jiray inta uusan waalan ka hor, haddii uu qofku doonayo in uusan waalan waa inuu qofku joogteeyaa ku xirnaanta ALLAAH, anaga jinnigaba way waashaan, way isa sixraan, wayna is dhibaateeyaan, way is ileystaan, laakiin waxaa lagu kala badbaadaa labo middood, in aad ALLAAH ku xiran tahay iyo in aad ALLAAH ka furatay oo aad ku was wax dhibaateynaya ku biirtid aakhirana cadaab u diyaar garowdid, labadaas waxaan ka aheyn waa qof naftiisa dayacay oo kadibna meelaha ku waashay, dadka daroogada cuna sheydaanka wuu la joogaa, markaas ay cunayaan, cabayaan ama dhuuqayaan, haddii uu rabo wuu waalayaa, haddii uu rabo wuu kufsanayaa, haddii uu rabo wuu ku dul kaadinayaa, kuwa qaar wuxuuba ka dhigtaa meel uu wasaqda ku daadiyo.

Su’aal: Jinniga iyo shayaadiinta cunto noocey cunaan?

Reymaa: Jinniga Muslimka ah waa jinni cuntooyin caadi ah cuna, sida insiga camal uun buu u nool yahay, balse jinniga gaalka ah, weliba mujrimka ah iyo shayaadiinta waxaa ay quutaan bullaacadaha, wayna ku faraxsan yihiin, urka, urgunka iyo laameerka maba dareemaan oo bullaacadaas ayey quutaan, waxaase ka liita midkaas bullaacadda quutay qof addoon u ah oo haddana aan is ogeyn. Sheydaanka kaadidiisa urteeda haddii insiga daaha looga qaadi lahaa qof noolaan lahaa ma leh, haddana dadka qaar saacad walba ayuu dhegaha, afka kaga kaadiyaa. Soo ma arkin dadka tubaakada cuna, way iska cunaan, kuwa shiishada dhuuqa soo ma arkin, urka shiishada dadbey caraf la tahay, gabdho ayaa noloshooda oo dhan intaas in ay dhuuqaan ku bedesha, ilbaxnimo u arka, kaddibna habeenkii marka ay shiishadda dhuuqdo ayuu marna kan la joogo ee insiga ah ka zineysanayaa, kaddibna shayaadiinta ka dhiganayaa gole ay ku ciyaaraan oo ku kaadiyaan. Ilaah baan ka magan galnay anaga iyo intii Muslim ah jinni iyo insiba in aan ka mid noqono dadkaas sidaas u liita.

Su’aal: Dadka qaar waxay ku doodayaan balwadda la iskama dhaafi karo oo way ku qabaneysaa, arrintaas ka warran?

Reymaa: Balwadda waxa kuu qurxinaayo waa sheydaan, waxa dareenka aad ka heleyso ku siinayana waa jinni mujrim ah, marka aad balwadda isticmaaleysidna way ku kufsadaan, wasaqnimo tii ugu danbeysay ayey kugu sameeyaan, marka haddii uu qofka sidaas ku qanacsan yahay oo uusan iska deyn Karin adduunyo qurun, aakhiro cadaab, noloshana Sharaf darro ayuu qofkaas ku waarayaa.

Su’aal: Dadka balwadda leh marka ay shayaadiinta kufsanayaan adiga ma arki kartaa?

Reymaa: Subxaana Malikul Qudduus! Ma arki kartaa maxaa waaye, waligey aniga oo aan lalabo u matagin waxaan matagay habeen aan fiirsanayay in gabar Soomaaliyeed oo inta shiishad ka dheregtay kaddibna ay 18 sheydaan iyo 4 jinni ay hal mar wada isticmaalayaan, mid isticmaalaya, mid ku dul saxaroonaya, mid ku dul kaadinaya, mid cantuuf ku tufaya, mid …. Wax aan la sheegi Karin ku sameynaya, iyadiina wey isak hamaansaneysaa, afkeeda wasaqda ka buuxda ee korkeeda ka wada urgumeysaa uma jeedo, miskiinta, anigii lalabbo ayaan is heyn waayey, umana tagi karin oo shayaadiinta iskuma faro gashanno anaga.

Su’aal: Ragga insiga ah ee ay jinniga kufsadaan ma rag jinni ah mise gabdho jinni ah, kuwee kufsada?

Reymaa: Markii ay arrin jinsi tahay gabdhaha jinniga ah ee mujrimiinta ah ayaa kufsadaan, balse marka ay gabdhaha jinniga ah ku ciyaarayaan, waxaa jira rag jinni ah oo ku sameynaya Sharaf dil iyo wasaqeyn, cantuuf iyo xaako jinni ayey madaxa, wejiga, afka iyo meel walba u saarayaan. Qofka belwedda leh haddii noloshiisa dhanka qarsoon banaanka la soo dhigi lahaa mar uun wax insi ah oo u dhowaada lama arki laheyn, aakhirana nolol taas ka liidata oo xun ayaa sugeysa.

Su’aal: Aniga ayaaba yalaalugooday e, bal tan halkan igaaga sin, waxaa jirtay arrin ku saabsaneyn saaxiibtaa Nujuum oo aad iiga sheekeysay, balse qabyo inoo aheyd, horta Nujuum "Koomihii" miyey ka soo baxday, ka warran xaalkeeda?

Reymaa: Nujuum weli way xanuunsaneysaa, laakiin "Koomihii" way ka soo baxday, balse inta toos u caafimaaday meysan billaabin shaqooyinkeedii.

Su’aal: Shaqadeedii maxay aheyd?

Reymaa: Nujuum waxay aheyd xogheynta guud ee gobalka Suufaadiin, waa gabar madax ah, waa gabar dhanka jinniga Sharaf badan ku leh, waa gabar wax badan u qabatay ummaddeeda, balse haatan waxay taallaa isbitaalka Meermeer ee mowjadaha Badweynta Hindiya ku yaalla, meel kulaasha Suufaadiin oo 200kms dhanka biyaha badweynta ah.

Su’aal: Geeridii Axmed markii ay dhacday waxaad ii sheegtay in ay xasuus qorkeeda ku qortay qormo kooban, inta aysan koomaha galin, qormadaasna waxaa ka mid ahaa geeraar yaab leh, bal haddii aad arrintaas inoo dhameystiri kartid waan bogaadin laheyn aniga iyo aqristayaasheyda aadka kuula socda?

Reymaa: Nujuum aad ayey uga naxday geerida Axmed, waayo waxay laheyd rajo iyo himilo fog, dhammaan gabdhaheena asxaabta ah ee jinniga Muslimiinta ah waxaan ka dhursugeynay in iyada iyo Axmed arrintooda ay hagaagto, waayo haddii uu Axmed aqbalo oo ay is guursadaan waxaa ay inoo noqon laheyd fursad, iyada ayaana safiir inoo noqon laheyd oo u soo mari laheyn wiilasha insiga ah guurkooda. Balse xanuun iyo haddimo ayey ku dhacday oo wiilkii ay nolosha isla billaabeen ee meel fiican wax u maraayeen waa laga dilay.

Buugeeda xusuus qorka waxay ku qortay qoraal kooban oo dhaar ah oo ay leedahay sidan:

"Xabiibkeyga rumaadow geeridu waa xaq, haddii aad dhimatay Ilaahey haku geeyo meel wanaagsan oo aad nu nasato, waxaan kaa ballan qaadayaa in aan kuu aari doono, iyo in aan waalidkaaga, walaalahaaga, asxaabtaadii gaarka aheyd iyo gabadhii aad jecleydba aan ka ilaalin doono in uu jinni ku xadgudbo, qalbigeyga sidii baad weli ugu weyn tahay, xusuustaada uun baan dunida ku waari doonaa, nolosha farxaddeeda waa inoo aakhiro iyo janadii udgooneyd. ALLAAH waxaan ka baryayaa inuu ahlul janno kaa dhigo, aniguna igu daro gabdhaha Xuurun Ceynta ah ee uu kuugu talo galay…aaamiin"

Intaas yar ee qoraalka markii ay Buugeeda xusuus qorka ku qortay kaddib waxaa ay raacisay geeraarka ay ku sheegeyso xanuunka sida uu u taabtay iyo waxa ay damacsan tahay in ay sameyso.

Geeraarkii inta aan ka xasuusto waa sidan:

Dhulkaa wada madoobaaday,

Dhirtaa wada ilmeynaysa,

Dheehii cirkaa guuray,

Dhogortii dadkaa suushay,

Dhamaan waa la wada ooyey,

 

Warku dhiillo weeyaane,

Dhamow Axmedow heedhe,

Dhimashadu xaq weeyaane

Dhabbihii janneed qaadday,

Dhererkiis hakuu gaabto,

 

Alla dhur xumaanteyda,

Dhibic yari nasiibkeyga,

Dhallanteedka nolosheyda,

Maxaa dhiilo ii yeershay,

oo dhaawac ii loogay,

 

Dhoolahayga murugeysan,

Qosolkayga Dhiileysan,

Xasuustayda dhumucdeeda,

Qalbigaygan kuu dhaartay,

Adiguu dhab kuu raacay,

 

Kuwa daadshay dhiigaaga,

Dhagartaada kuwa qaatay,

Anna dhidibka ii siibay,

Koley ay dhawr guyaad gaadho,

in aan dhaafin baa dhaar ah.

Su’aal: Dad badan waxaa ay is weydiin karaan Jinniga ma leeyahay Argagaxiso, ururro sida Alshabaab oo kale ma leeyahay, ururka Alshabaabse xubno jinni ah oo la shaqeysta ma leeyihiin?

Reymaa: Afuuuuufa! Su’aashan haddii aan jawaabteeda galo waan gubanayaa, waa in aan horta badda isku soo qaboojiyaa, ii sug…..

………..…. Fadlan …Jawaabta… kala soco qeybta 8aad wareysigan oo aan soo deyn doonno Jimcaha Soo socda. Ogow fikirkaaga waan soo dhoweyneynaa.

F.G. dad badan ayaa isoo waydiiyey wareysigan sida aan kula yeeshay Reymaa iyo in uu run yahy iyo in uu hal abuur yahay, asxaabey su’aalahaas waxaan kaga jawaabi doonaa wareysiga qeybta ugu danbeysa.

Qalinka Abukar Albadri.

 

No comments:

Post a Comment