SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Doorashadii Kenya oo ila hadda si fiican u socota.

Iftiinkacusub.com: 8/8/2017 Doorashooyinkii ka bilaabmay gudaha dalka Kenya maanta ayaa ilaa hada waxa ay u socdaan sidii loogu talagalay,iyada oo aanay jirin wax dhibaato ku ah doorashada oo ilaa hada lasoo sheegayaa.

Sawiro laga soo qaaday goobaha doorashada ayaa waxa laga dheehan karaa in ay yihiin kuwo ku tusinaaya in ay dorashadu ilaa hada u socoto sidii loo baahnaa ,iyada oo goobkasta lagu arkaayo dad waynaha codaynta dhiibanaaya oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u dooran lahayeen masuulka ay ugu talagaleen in ay dalkooda madaxwayne uga dhigaan.

Doorasha oo ilaa hada u socota sidoo loogu talagalay,ayaa hadana waxyaabaha cabsida dheeraadka ah keenaaya waxaa ka mid ah,xiliga tirinta codadka oo inta badan Kenya lagu yaqaan muran iyo iska horimaatin ka dhasha dhinaca codadka sida hore uga dhacday sanadkii 2007-dii.

Labada madaxwayne ee wakhtigan xaadirka ah tartanka doorashadu ay dhextaalo ayaa waxa ay kala yihiin ,Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ,kuwaasi oo la odhan karo waa kuwo si aad ah isaga soo horjeeda dhanka loolanta doorashada.

Waxyaabaha iyaguna doorashada socota ku lamaan ayaa waxaa ka mida in iyada oo lagu jiro safafkii codaynta,hadana ay dhexsocoto wacdi dadka loosoo jeedinaayo in ay si taxadarleh codadkooda u dhiibtaan,iyo waliba iyaga oo dadka lagu wargalinaayo in xiliga tirinta aanay samayn wax rabshado ama iska hor imaad ah.


Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment