SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Muddo dhan 14 sano ayay xabsi ugu jireen danbi aanay galin.

Iftiinkacusub.com: Dunida waxaa jira dadyaw farabadan oo danbiyo aanay galin xabsiyo iyo xadhig ku muta,taasi oo keentay in dhamaan noloshooda oo dhan ay ku qataan Xabsiga ama Jeelka,halkaasna ay ku wayaan dhamaan Mustaqbalkii ay layaheen.

Maxkamad ku taalla Shiinaha ayaa 1.3 Milyan oo doolar waxa ay magdhow ahaan u siisay afar maxbuus oo hore si khalad ah loogu xukumay Dil toogasho ah,kadib markii lagu soo oogay in ay Dileen nin ganacsade ah.

Tariikhdu markii ay ahayd 2003 ayaa dadkan lagu xukumay Dil ,iyada oo loo haysto nin Dukaanley ah oo markaasi la filaayey in ay iyagu dileen,kadibna ay xaaskiisiina kufsadeen;balse wakhtiyar ka bacdi ayaa dilkii xabsi-daa'im loogu badaley.

Dadka u xidhnaa kiiskaasi ayaa dhamaa 4 qof, kuwaasi oo ku jiray xabsi gadhayaaya 14 sano,balse wakhti dheer ka bacdi ayaa qof kale waxa uu cadaystay in uu isagu ahaa kii dilkan iyo Kufsigaba isagu fuliyey,taasi oo dhalisay in garsoorka dalkaasi ay dhacdo in lagu kalsoonaan waayo.

Hadaba ragan ayaa la sheegayaa in ay Boolisku ku khasbeen in ay danbiyadan qirtaan,hadii kale ay la kulmayaan ciqaab intan ka badan.

Dalka shiinaha ayaa wakhtigii danbe waxa ay tiraba 30 kiis kasareen xabsiyada, kadib markii ay ogaadeen in ay siyaabo khaldan u xidhan yihiin.

Hadaba waxaa dhici karta in arimahan iyo kuwo ka xunba ay in dhulka Soomalida ay ka jiraan,taasi oo u baahan in garsoorka dalku uu markasta iska xilsaaro,si aanay dad badani aanay ugu dhicin dulmi iyo xabsiyo aanay xaq u lahayn.

Guntii iyo gaba-gabadii ,Ma dhici kartaa in qof soomaliya oo muddo aad u badan xabsi ugu xidhnaa danbi aanu markaasi galin ,in ay dawladu magdhaw iyo raali galin ka bixiso xabsigiisaasi,ma se jirtaa in aynu arimahaasi dhaqan iyo caado u leenahay?

Iftiinkacusub.com

 

No comments:

Post a Comment