SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gaadhi wayn oo ay leeyhiin ciidanka AMISOM oo Muqdhisho gudaheeda lagu bili-liqaystay.

Iftiinkacusub.com: Iyada oo tan iyo subaxii saaka ay magalada Muqdisho ay ka socdaan Mudaharaado aad u farabadani,kuwaasi oo ay ka cabanayaan gadiid layda yaryar ee ku shaqaysta Babuurta loo yaqaano Bajaajka,taasi oo ay cabashadoodu tahay dhinaca wada marinta iyo jadadka Muqdisho oo badankoodii xidhan yihiin.

Isla goobta ay mudaharaadadu ka dhacayeen ayaa waxaa sidoo kale lagu furfurtay gaadhi wayn oo ay lahayeen ciidanka nabad ilaalinta u jooga Somaliya.gadhigaasi oo dadkii kusoo qamaamay ay qof iyo wixii ay ka qaadan karayeen ama ay ka furan karayeen ay kala baxeen.

Arintaasi waxa ay cadayn u tahay nacaybka iyo diidmada aadka u wayn ee laga muujinayo cidaankaasi nabad ilaalinta u jooga Somaliya,iyada oo hadana ay yihiin kuwo kaliya ee iyagu suga abniga iyo kala daynbanta yar ee ay Dawladu ku fadhido.
 

No comments:

Post a Comment