SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xisbiga Wadani oo laba jibaaray,ololaha ay ugu jiraan Doorashada Somaliland.

Berbera :-Wefti aad u ballaadhan oo uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maanta socdaal ugu baxay goballada Sool iyo Sanaag oo maalmo ka dib ay ka bilaabmayso qaadashadii kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada

Xisbiga Wadani ayaa si weyn looggu soo dhaweeyey deegaanada Dacar-budh, Abdaal iyo Lafa-ruug iyada oo sida oo kale na ay halkaas ku soo dhaweeyeen wax-garad iyo taageerayaal tira badan oo ku soo biiray Xisbigaasi kuwaasi oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE.

Xisbiga Wadani ayaa waxa aad moodaa in uu dhanka ololaynta iyo Kaambaynka in uu kala siman yahay xisbiga Kulmiye oo isagu wakhtigan xaadirka ah Dawlada gacanta ku haya.

Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Abiib Tima-cad, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin aad u tira badan.

Weftigan, ayaa markii uu soo gaadhay Lafa-ruug, waxa ay halkaas xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyeen Wax-garad iyo taageerayaal tira badan oo ku soo biiray Xisbiga kuwaasi oo ka soo diga-rogtay KULMIYE iyada oo sida oo kale na ay halkaas cod dheer kaga sheegeen in ay si weyn u taageersan yihiin Xisbiga WADDANI.

Hadaba xisbigan Wadani ayaad moodaa in uu yahay mid ay taageradiisu ku socota sifa xawli ah,iyada oo Xisbigana uu ahaa xisbiyadii Somaliland laga aasaasay kii ugu cimriga yaraa dhanka siyaasada ,walay uu guudoomiytaha Xisbugu Cabdiraxmaan Cirro uu yahay ruug cadaa siyasadeed oo siyasada Somaliland wakhti badan kusoo jiray.
sawir
sawir
 

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment