SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shirkadda flydubai oo go'aan kasoo saartay dhacdadii Garoonka Cigaal Hargaysa.

Shirkadda flydubai ee duulimaadyada ku timaada garoonka Cigaal ee Hargeysa ayaa ka hadashay dhacdo jimcihii toddobaadkan ka dhacday madaarka Hargeysa oo diyaaradda lagaga reebay gabadh reer Somaliland ah
oo Ingiriiska ku sii jeeday taas oo sababtay muran iyo doodo badan.

Warsaxaafadeed ay shirkadu soo saartay waxay ku sheegtay in ahmiyada koowaad ee shirkadu tahay badbaadada rakaabka iyo shaqaalahooda, waxaanay sheegtay shirkadu in haweenayda rakaabka ahayd diiday kursi bedeladaad ah oo ay shaqaalaha diyaaradu siiyeen. Qoraalka oo ciwaan looga dhigay "Badbaadada rakaabkayaga iyo shaqaalahayaga ayaa ahmiyada koowaad ah, waxaanan rajaynaynaa in shaqaalaha iyo rakaabka loola dhaqmo si ixtiraam leh." ayaa wuxuu u dhignaa sidan "Waanu ka war qabnaa qaska duulimaadkii flydubai ee numberkiisu ahaa FZ 662 ee 25 August ee ahaa Hargeysa—Dubai.

Rakaabku wuxuu diiday bedelaadii kuraasida ee ay shaqaalahayaga tababarani u soo bandhigeen, Intaas ka bacdi may sii wadan duulimaadkeedii ahaa Dubai. Waxaanu ka raaligelinaynaa rakaabkii duulimaadkaas saarnaa wixii si aan ku tallo galay ahayn u dhacay ee sababay dib u dhaca.

Waxaanu ku samaynaynaa baadhis dheeraad ah dhammaan dhinacyada ay khusayso oo dhan."

Shirkadu waxay qoraalkeeda ku sheegtay in duulimaadka diyaaradaas uu dib u dhac ku yimid saacad iyo 39 soddon sikin.

Geesta kale gabadh lagu magacaabo Sally Saleh oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda flydubai ayaa qoraal ay soo dhigtay barta ay ku leedahay facebook, waxay kaga hadashay dhacdadaas. Gabadhan oo u muuqata inay ka mid ahayd shaqaalihii diyaaradda maalintaas la socday, ayaa waxay ay qoraalkeeda ku tidhi "Qof ilmo yar wata ayaa fadhiistay kursiga ku beegan kadinka xaaladaha degdegga ah loo isticmaalo ee baalka dushiisa. Sababo la xidhiidha bad-baadada rakaabka awgoodna lama ogola in hooyo ilmo yar sidata ama carruuri ay halkaas fadhiistaan. Haddii aanay doonayn (Rakaabku) in ay raacaan halbeegyada badbaadada, duulimaadku waxa uu xaq u leeyahay in uu diyaaradda ka dejiyo qof kasta oo diida in uu raaco badbaadada."

 

No comments:

Post a Comment