SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Waraysigii gabadhii Jinniga ahayde ee Reymaa. Qaybtii 6-aad.

Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa , wareysi dheer oo dhexmaray aqoonyahan Abukar Albadri iyo gabadha Jiniga ah ee magaceeda la yidhaahdo Reymaa, taas oo ka tirsan degganayaasha Magaalada Muqdisho ee jinniga ah, gaar ahaan kuwa xaafadda Liido ee degmada Cabdulcasiis.

Wareysiga qeybtiisii shanaad waxaa uu inoo marayey aniga oo Reymaa weydiinay su’aal la xiriirtay muuqaalkeeda jinniga ah, wareysiga qeybtiisa 6aad waxaan ku billaabeynaa isla su’aashii ugu danbeysay iyo jawaabteeda, waana sidan.

Su’aal: Reymaa! Muuqaalkaagii dhanka jinniga ah ee i tustay wuxuu ahaa seddax nooc oo kala duduwan oo qaarkood argagax badan i galiyeen, aad ayaan kaaga cabsaday markii aad dhawrka nooc isugu key bedeshay, hadda waxaan jeclaan lahaa in aad dadka asxaabteyda ah u kala qeexdo ama u sharraxdo muuqaalladaas?

Reymaa: Xuuuuuuuuuuuuuuuuuux … Zuuuka …. Zuuuka… Zuuuka… waxba ha iga cabsan, waa qoslooyaa uun e. Haa, waan u sharraxayaa. Waan sharaxayaa in kastoo aan ka baqayo in sidii aad u fiigtay oo kale ay dadka wareysiga aqrin doonana in ay u fiigaan.

Muuqaalka koowaad ee aan isu kaa tusay habka buluugga iyo jaalaha ee u ekaa Zabiibaanka, wuxuu ahaa muuqaal aan leeyahay 16 lugood, haddii aad arkeysay dhinac walba waxaan ka lahaa 7 lugood, horeyna waxaan ku lahaa labo lugood oo u siman sida dadka oo kale.

Nuucaas sabiibaanka ah, waa nooc gabadha jinniga ah ay qeybta danbe ka tahay sida quraansho weyn oo kale, balse leh horaad bani’aadam oo kale, gadaal waxaan u leeyahay qeyb weyn oo xiitaanisa, ama lugaha dhaqaaqooda la guurguurta, waa calooshii oo dabada danbe igaaga taalla, lugaha 16ka ah, waa is dhaaf, 8 ka mid ah waxaa ay leeyihiin min hal xagal, 8 ka mid ahna waxaa ay leeyihiin min 2 xaglood. Marka aan soconayo waxaan u socon karaa sida caaro caarada, ama xarshaashada xeebta joogta ee hadba dhinac u orodda. Dhinac walba ayaan u dhaqaaqi karaa aniga.

Muuqaalkii kale ee aan ahaa maska jebisadda oo kale waa kan aan ugu naxdinta badanahay, sababta aan 6 ilbiriqsi kaliya isu kaa tusay waxaa ay aheyd in aanan ku dhibaateyn, waayo xasuustii caadiga aheyd ee aan kugula joogay ayaa iga tageysa kaddibna waan ku dhibaateyn karaa, balse inta aysan maskaxdeyda noqon tan jebisada jinniga ayaan is bedela.

Nooca ugu danbeeyey ee aan horeyna wejiga gabadha ka lahaa, gadaalna muuqaalka bisadda ka lahaa waa mid iska dhex dhexaad ah, kaas waan kugu cabsi gelin karay balse kuguma dhibaateyn karin, sababta aan 20 ilbirigsi u taagnaa hortaada aniga bisad-dadeed ah sidaas ayey aheyd.

Midda aan 16-ka lugood leeyahay waa marka aan ugu qurux badanahay xagga jinniga, suuraddaas aniga oo leh haddii aan soo hor maro meel ay dhalinyaro jinni joogto dhammaantood way suuxsuuxayaan saameynta ay ku yeelato quruxdeyda darteed.

Su’aal: Indhahaagan hadda caadiga ah markii aad lugaha badan laheyn kor kor ayey u jeexnaayeen, dhegahaaga sida baaldi oo kale ayey u sameysnaayeen, wax badan oo dahab u egna way ka raaraaraceen, waxa booyadda la eg ee barida danbe kaaga yaallayna gudahooda mindhicirada iyo wax ku jira way ii muuqdeen, runtiina muuqaal cabsi leh ayuu igu ahaa aniga, sidee buu muuqaalkaas u noqon karaa wax qurxoon oo aad qof ku soo jiidato?

Reymaa: Jinniga iyo Insiga isku aragti ma ahan, inta badan jinniga muuqaalka insiga way la yaabaan oo wuxuu la yahay suurad foolxun, waxayna u yaqaanaan geed-dhuleed, jinniga dadka muuqaalkiisa wuu la yaabaa, wuxuuna ugu yeeraa Dalaame ama geed-dhuleed, waayo dadka marka ay socdaan way garbo ridaan oo way dal dalaamaan, sidaas darteedna qosol iyo qaraaxo ayey jinku galaan marka ay arkaan insi socda.

Tan ah muuqaalkeyga in laga cabsado, insi ayaa iga cabsanaayee jinni kale haddii uu i arki lahaa waxay la noqon laheyd qurux mucjiso ah. Gabdhaha jinniga ah way iga maseyraan marka aan 16ka lugood leeyahay. Wiilasha jinnigana dhareerka ayaa ka dhamaan lahaa, qaar ayaa suuxaan markii an isha igu dhuftaan.

Su’aal: Markii aad muuqaalkaaga bedbedeleysay urta hawadana way is beddeleysay, markii aad maska aheyd waaban dhiman gaaray urta darteen, markii aad 16ka lugood laheydna wax baa si si kaaga soo gufaacayey, waxaan maxay ahaayeen?

Reymaa: Markii aan maska jebisada u ekaa waxaa iga soo uraayey suntan maska ee Mariirada ama mariidka la dhaho, waa waabaay, haddii aanan ilbiriqsiyo kaddib is beddeli laheyn maadan adkeysateen, markii aan 16ka lugood lahaa waxaa iga soo gufaacayey xoogaa biri-fidsi ah, waayo gadaal ayaan ka yara daacay, …Zuuuka … Zuuuka… Zuuuka … idinka dhuuso ayaad dhahdaan, marka waan iska biri fidsaday.

Su’aal: Jinniga barafuun iyo waxyaabaha la isku qurxiyo sida (Make Up) ma marsadaan, adigana ma marsataa?

Reymaa: Barafuun ma qabno jinni haddii aan nahay, waayo barafuunka shiir jinni waxba kama beddeli karo, shiirka ninka jinniga ah haddii insiga loo bandhigi lahaa way wada dhiman lahaayeen, suntan Nukliyeerka wuu ka daran yahay, tan ah is qurxinta waan is qurxinaa, waayo jinku wuxuu leeyahay webiyada midabada, kuwaas ayaan ka soo dheeh-qaadanaa. Aniga markii aan insi isu ekeysiiyo is qurxin iskuma sameeyo, balse markii aan muuqaalkeyga jinniga ah leeyahay waxaan inta badan galaa wabiyada Asfar iyo Ajmal, kuwaas ayaan leenahay. Ogow jinni kasta ma gali karo webiyadaas, halkii mar gabadha jinni ah ay gasho waxaa laga qaadaa 2,000,000 oo Quuri. Quuri waa lacagta jinniga magaceeda, 1000kii Quuri waa 20,000 shilinka Soomaaliga, balse meel lagu sarrifo ma leh.

Su’aal: Darraad waxaad ii sheegtay in aad jirtay xafladda meherka saaxiibtaa Baadi’uun, waxaad ii sheegtaa jinniga sida uu isu mehersado?

Reymaa: Jinniga way is mehersadaan, balse mehersiga ka hor waa la is mijin xirtaa, yacni gabadha waxaa ay gashaneysaa jijin sheegeysa in ay saaxiib leedahay, jijintaas waa in ay u keentaa wiilka jinni ee ay saaxiibka noqdeen hooyadiis, iyada iskama soo gashan karto, iskamana siibi karto. Markii la mijin xiro kaddib ee xiriirkooda xoogeysto, jaceylkoodii indhaha ku jiray ayaa wuxuu u gudbayaa dhabarka, gaar ahaan halka ay iska galaan labada garab ee dhabarka ah, markaas gabadha waa la luqun xiraa, waxaa loo xiraa kuul sheegeysa in wiilkii loo mijin xiray uu jaceylkiisii ka raariday dhabarkeeda, taas oo macnaheedu tahay in ay gaartay heer ay masuuliyad qaadi karto, kaddib waxaa ay u gudbaan marxalad la xis-xiiro, madaxa qeybta maskaxda ku aaddan ayaa tinta laga xiiraa, kaddibna kugta dhexe ayaa xoogaa lagu reebaa, intaas la reebayna waa la titcaa, qeybaha labada dhinac kaga hartay tintana waa la dabaa, kaddibna tintii yareyd ee titcaneyd ayaa sideedii loo daayaa, tii dabneydna waa la seexiyaa.

Marxaladda ku xigta waa Qalbi-waraabin, gabadha qalbigeeda ayey u fureysaa wiilka, kaddib wuxuu bilaabayaa in uu ku shubo burhaantiisa, markaas waxaa ay qaadaneysaa muddo in geedkii uu qalbigeeda ku tallaalay uu soo fixo, kaddibna inta laamo dhalo, caleemo yeesho, kaddibna magool ayuu noqonayaa.

Markii ay laamaha geedka magoolaan, waxaa gabadha wejiga loogu xiraa shab yar oo sharaxaad ah, kaas oo muujinaya in ay heer xoodaamo ah (Romantic) ku dhow dahay, waxaana u xiraya wiilka aabihiisa. Ugu danbeyn, marka geedka qalbiga uu ubaxyo soo fiixo, waxaa gabadha horaadadeeda la geliyaa saab dahab ah, kaas oo ka difaacaya in ay siigo ku dhacdo, waayo waa halkii uu ka imaan lahaa dalaga uu ku noolaanayo canugii la dhalo.

Marka heerkaas la soo gaaro, gabadhu way gal siibaneysaa, way qolof dhacsaneysaa, qoloftaas waxay kaga tageysaa guriga wiilka hooyadiis irrideeda, kaddibna qoloftaas ayey gashanayaan taabuuk, ama sanduuq, taasi macnaheedu waa in ay gabadhii hanteen. Markaas ayey aqiyaar soo dirayaan ciddii galkii gabdha heysatay.

Marka koowaad ee la is arko waxaa reerkii ay galkii ku wareejinayaan ugaaska reerka gabadha ay ka soo jeeddo, cid walba ugaas ayey leeyihiin, mararka qaar xitaa gabadha iyo wiilka isku ugaas ayey noqon karaan, balse waa in xuubkii gabadha ka dhacay ee ciddan taabuugga gashatay ay ugaaska ku wareejiyaan, kaddib ugaaska ayaa go’aaminaya inta xoolo ee gabadha laga dhiibayo, sooryada, goorta la guri geynayo, meherkeeda, duraamadeeda, tisqaadkeeda, sacmaalkeeda, saandhabadkeeda iyo weji furkeeda.

Markii ay intaas bixiyaan reerkii gabadha doonayey, gabadha waxaa la soo saarayaa gaari faras duulaya, kaddibna waxaa la keenayaa gurigii uu diyaarsaday wiilka.

Markaas jinnigii uu dhan oo meeshaas lagu casuumay ayaa gabadhii muddo bil ah u tumaya oo u mashxaranaya.

Inta ay mashxaradda socoto, gabadha jinka ah cunto lama siiyo, waayo waxaa la doonayaa in ay tabar beesho, oo wiilka jinka ah marka qolka loo geeyo aysan iska celin karin, sababta oo ah jinka raaxadooda xagga gogosha waa xanuun, gabadhii xubinteedii waxaa ay ku taallaa xabadkeedii, wiilka jinka ahna wuxuu xubintiisa ku leeyahay labada lug ee hore dhexdooda, marka isku aaddidii ayaa dhib ah, gabadhiina ma adkeysan karto, si loogu qasbo nin aysan wiilka diidin ayaa bil dhan loo gaajeysiinayaa, biyo kaliya ayey cabbeysaa.

Su’aal: Haddii qof insi ah uu gabar jinni ah doonayo in uu guursado ma inta aad sheegtay ayaa laga doonayaa?

Reymaa: Maya! Waayo ugaaska jinka qof insi ah in uu gabar jinni ah xiriir la wadaago ma ogola, waalidiinta jinnigana sidoo kale, balse gabdhaha jinniga ah ayaa ka hela wiilasha insiga ah, waayo way ka raaxo macaan yihiin wiilasha jinniga ah, sidaas darteed gabdha jinniga ah waxaa ay ku qasbanaaneysaa in ay ninka insiga ah bilaa shuruud ogolaato, wax dhaqaale ama shuruud ahna kuma xireyso, haddii ay shuruudo ku xirtana waa kuwo xiriirkooda quseeya ee ma ahan kuwo dhanka arrimaha dhaqanka ama dhaqaalaha quseeya.

Jinniga dhaqankiisa xaga arooska waa adag yahay, waana dhib badan yahay, sidaas darteed gabadha jinni ee doonaysa in ay wiil insi ah raaxo la wadaagto billaa shuruud ayey is dhiibeysaa, kaliya xiriirkooda iyo sida uu ku sii jiri karo shuruudo ku saabsan ayaa laga yaabaa in ay la timaaddo.

Su’aal: Gabdhaha insiga inta badan waa bikro inta aan la aroosin ka hor, waana la gudaa oo waa la toltolaa in kastoo qaar sunno gud ahi jiraan, idinka gabdhihiina jinniga ah ma la idin gudaa?

Reymaa: Haah, gudniinka jinniga ayaa daran, gabadha jinniga ah haddii aan la gudin maba loo noolaan karo, wixii noolba way kufsan laheyd, waayo dareerayaasha rabitaanka kordhiya ee jirka gabadha jinniga ku jira waxaa ay 2 milyan oo jeer ka badan yihiin kuwa gabadha insiga ah, teeda kale insiga xishood ayaa reeba, jinni xishood ma qabo, ereygaa xitaa luuqaddeena kuma jiro, markii aan insiga bartay uun baan bartay ereygaas, waana wax wanaagsan in la xishoodo.

Tan kale ee ah gabadha jinniga ah haddii aan la gudin kuma dhacayo dheecaanka haduufaanka, yacni haduufaanku waa wax u dhigma sida dhiigga caadada, haddii uusan haduufaan ku dhicinna lama mijo xiran karo, qalbigeedana laguma sameyn karo qalbi-waraabin, sidaas darteed jinniga waa la gudaa, anigana waan gudanahay.

Su’aal: Gabdhaha insiga ah waxaa laga dhiibaa yarad, waxaa jirta sooryo, gabadha meher ayey leedahay, waxaana lagu dhiibaa xoolo sida Geel, Lo’ ama Fardo iyo wixii la mid ah, lacagna waa lagu dhiibaa, idinka kuwiina maxaa laga bixiyaa, maxaase lagu bixiyaa!?

Reymaa: Sooryadu way jirtaa, waan idinkala mid nahay, meherka gabadhana sidoo kale, waxaan idin dheernahay wax la yiraahdo duraamadeeda (ama shar xijaab), tisqaadkeeda (hantida ay ku noolaaneyso waligeed), sacmaalkeeda (Dahabkeeda iyo dhagxaanta qaali ah, sida luulka, Qalinka, Dheymanka), saandhabadkeeda (Guri ay ku damaashaaddo) weji furkeeda (Guriga ay ku noolaaneyso) iyo wax yaabo kale oo badan.

wiilka jinniga ah waa inuu bixiyaa gabadha dharkii, kabihii, dahabkii, dhaqaalihii 1000 sano ay ku noolaan laheyd inta uusan guriga geysan.

Su’aal: Marka uu intaas dhiibo kaddib, ma biil ayaa laga rabayaa?

Reymaa: Maya, waxa uu dhiibay ayuu gabadha kula noolaanayaa, noloshiisa inta ka dhiman wax kale ma weydiin karto, hal mar ayaa hantida dhan iyada la siiyaa, balse wixii uu shaqeysto ee kale waxaa lahaanaya ilmihiisa.

Su’aal: Yaa isku kiin mehriya, ma culumaa’udiin ayaad leedihiin?

Reymaa: Haah! Waxaan leenahay culumaa’udiin, waxaan leenahay odayaal iyo waxgarad, waxaan leenahay hoggaan dhaqameedyo aad u yaqaana dhaqanka jinniga, dhibaatadu waxay tahay xishoodka ayaa ku yar, balse kuwa culumaa’udiinka ah waa dad diinta ku dheggan oo aan xumaan ku kicin, balse odayaal dhaqameedka, waxgaradka iyo kuwo kaleba xishood ma leh.

Su’aal: Waxaa tiri xishood ma jiro, ereygana afkeena kuma jiro, walba ceeb ma jirtaa ee ereygaas ceeb ma idinkugu jiraa luuqadda?

Reymaa: Maya! Sababta oo ah insiga agtiisa waxaa ceeb ka ah in wax la xado, in la zineysto, in been la sheego, waxaasna jinniga agtiisa caadi ayey ka yihiin, kuwa Muslimka ay ayaa diin ahaan isaga ilaaliya, balse kii sameeya laguma ceebeeyo. Jinniga noloshiisa waa mid xishood ka dheer oo waxa ceebta ah ay caadi u yihiin. Jinni aan wax xadi Karin waxaaba loo arkaa inuusan karti laheyn, balse waxaa ay ku fiican yihiin tuug saqajaan ma jiro, wax waaweyn oo caqliga ka weyn ayaa la kala xadaa.

Su’aal: Caadiyan jinniga imisa xaas ayuu guursadaa?

Reymaa: Qaarba waa si, kuwa muslimka ah 4 ayey guursadaan, balse kuwa gaalada ah waxaad arkeysaa kuwo boqolaal xaas qaba, kumanaan kun oo carruur ah leh, hantidooda aan la xisaabi karin, qaar boqolaal naag qaba oo faqiir ahna way jiraan.

Su’aal: Naagaha jinniga ma kala maseyraan?

Reymaa: Maseyr iyo is cadaaweysi ayey nafta isaga qaadaan, naagaha jinniga ee la isla qabo isma arki karaan, way is dilaan, way isa sixraan, way isa sumeeyaan, way is qumiyeystaan, way is xasdaan, dhibaato badan ayey isu geystaan, sababta dhimashada naagaha la qabo ee jinniga ay u badan tahay waa saas. Insiga waxaa ay inagaga fiican yihiin way maseyraan balse xadgudubka intaas la eg iskuma sameeyaan, jinniga nolol isuma ogola mar haddii la isla guursado, insiga ayaa ka dulqaad badan, kana daacadsan.

Su’aal: Jinniga magac bixintiisa muxuu ku saleeyaa? Gabdhaha magacyo qurxoon ayaa loo bixiyaa e?

Reymaa: Magacyada gabdhaha waxaa ay ku saleysan yihiin diin, dhaqan, muruq-maal, dhaqaale, sumcad iwm. Tusaale magaceyga Reymaa macnihiisa waa boqorad, ama amiirad, waayo waan kuu sheegay aabahey wuxuu yahay, iyo booska uu ka joogo Qabiilka Si’lat, Nujuum waxaa loogu bixiyey saaxiibtey aadna way u qurxoontahay, waana qof soo jiidasho leh, walaashey Ru’yatul Ceyn magaceeda ayaad ka garan kartaa, gabar la yiraahdo Reytuu ayaa jirta. Laakiin ragga waxaa lagu saleeyaa cabsi iyo xoog. Tusaale waxaalkey waxaa la dhahaa Jahsuul, macnaheedu waa burburiye, mid kale waxaa la dhahaa Reylaag, macnaheedu waa kii dabeysha dadka ku afuufaayey, waxaa adeerkey la dhahaa Haahuul, waa mid aad u xoog badan oo laga cabsado.

Su’aal: Jinniga ma is kufsadaa, ragga jinniga ah ma kufsadaan gabdhaha jinniga ah?

Reymaa: Haah, wiilasha jinniga ah way kufsadaan gabdhaha jinniga ah, gaar ahaan kuwa aan wiilal laga baqo la dhalan, waxaa kale oo ay kufsadaan gabdhaha insiga ah, gaar ahaan kuwa aamina in jinni uu la jiro. Balse jinniga waxaa uu aad uga qaraabtaa naagaha insiga ah ee belwedda leh. Naagaha jaadka cuna, kuwa aan dukan, kuwa shiishada dhuuqa, iyo kuwa biirta caba, shayadiinta iyo jinniga way isku bedbedelaan.

Waxaan hayaa video-yo badan oo naagahaas qayila ee marka ay xumaanta galaan uu jiniga kufsado laga duubay, islaamaha qayila shayaadiinta waxaa ay ku sameeyaan fuxshi badan, iyaga oo aan dareemeyn, meel walba ayuu kaga kaadiyaa, kaddibna wuu ka muraadsadaa, kaddibna waxay leedahay jirka dhan baa i burbursan, muxuu jirka u burburiwaayey, waayo mararka qaar 100 jinni ah baa isku dhaafeysa, sheydaankana intuu meel u fadhiisto atuu ku qoslayaa sida ay jinniyeyaasha u kufsanayaan.

Su’aal: Jinniga siduu isu salaamaa?

Reymaa:Jinniga Muslimka ah wuxuu isku salaamaa Salaanta Islaamka ‘Asalaamu Caleykum’ jinniga gaalada ahna wuxuu isku salaamaa suulka oo la taago, kaddibna waxay is dhahaan "Sussa…Caac… kiikah… hiiha’

Laakiin jinniga dhalinyarada ah waxay isku salaamaan "Tiisha… Zeketaa…Dhiidhah…" gabdhaha aad ayey u jecel yihiin in lagu salaamo "Tiisha.." kaddibna isha dhag loo siiyo.

Su’aal: Waxaad sheegtay in jinniga kufsado naagaha jaadka cuna iyo kuwa shiishada caba, jinga ma kusafadaa gabdhaha uu ka kor hadlo?

Reymaa: Badanaa gabdhaha uu jinka ka kor hadlo waa been, waayo gabar salad dukaneysa jin kama kor hadli karo, laakiin gabdhaha go’aanka jilicsan ama kartida yar, markii ay wiil jeclaadaan waxay dhahaan wuu iga kor hadlay. Haddii uu wiil gabar ka kor hadlayo waa in gabadha aamusnaataa, korkeeda cod wiil laga maqlaa, balse iyada ayaa daldalmeysa, kaddibna waxaa loo niyeysanayaa in uu wiil ka dhex hadlayo, waxaas wax jira ma ahan. Arrinta ay ma kufsadaa haa, jinni naag maba galo, haddii uu galana wuu kufsadaa, waaba cadadiisa. Sababta uu gabdhaha jinka u galo waxaa ka mid ah gabdha oo quruxdeeda u bandhigeysa dadka jidka jooga, kaddibna jinnigiina jidka wax buu ka joogaa, dadka ayaan u jeedin mooyee wuu dhooban yahay jinniga. Marka ay gabar quruxdeeda soo bandhigto oo soo jiidasho u yeesho 10kii indhood ee ku dhacda 3 ka mid ah waa il jinni, il qumayo ama il xasad ama il nacab, indhahaas ay soo qaadatay ee ay iyada soo jiidatay ayuu jinniga ka raacayaa, kaddibna nolosheedii dhan ayuu seejinayaa.

Gabar reerkooda gabar u ah oo aan weligeed wiil insi ah u galmood ayaa waxay lumineysaa bikradeeda mana fahamsana waxa ku dhacay, sababta oo ah jinnigii ayaa janadii yareyd ee lugaheeda u dhexeysa mar hore ka qaraabtay, jinniyada qaar joogto ayeyba ka dhigtaan. Marka gabdhaha aaminsan in jinni la jiro, inta iska dhaafaan quraafaadka ha cuskadaan quraanka, wallaahi haddii kale canug jinni oo wecel ah ayey dhalayaan iyaga oo aan ogeyn goorta ay uur qaadday.

Su’aal: Ma dhacdaa in jinni uu gabar uureeyo?

Reymaa: Haah! Soo ma arkin gabar aan weligeed wiil lugaheeda u kala furin, oo haddana uur ku soo baxayo, waayo jinnigii ayeysan iska naareyn, markaas ayuu sida uu doono ka yeelanayaa.

Gabdhaha qaar baa waxay ku leeyihiin wuu ila socdaayoo marka la I guursado ayaa wixiisa la siinayaa, yaa ku guursanaya jinnigii ayaaba gabarnimadaadii ku seejiyaye, horaadadii buu ka jiidjiidayaa, markaas ayaad arkeysaa gabadhii yareyd oo rajabeeto xiran, duf ku baxe kuwa aadan u jeedin ee ku rifaya iska celi, quraanka iyo wardiga ku dheg, markaas jirkaaga nadiif ayuu kuu ahaanayaa, haddii kale cad uu jinni ka soo daalay ayaad inta lagu aroos nin la hor tageysaa.

Su’aal: Waa arrin yaab leh, sidey gabadha ku ogaan kartaa in jinni uu kufsanaayo?

Reymaa: Waxay ku ogaan kartaa culees buu saarayaa, sidii ninka caadiga ah buu jirkeeda u walaaqayaa, oo isugu dul ruxaayaa, balse ma arki karto, haddiiba ay aragto lugaheeda oo dhabanaayo ama jareynaayo, ama jiririco tiro badan, ama in humaag been ah dul imaanayo waa in ay adkaarta boobsiisaa. Jinniga ma tiiro badna, hawshiisa wuxuu ku kala tuuranayaa 2 daqiiqo, balse shahwadiis aad ayey wasaq u tahay, waana sun oo gabadha jirkeeda foolxumo ayey ka dhigeysaa, bikradeeda way ka jabeysaa oo in ay bikradii jabtay iyadaba way arkeysaa, dhididkeedana wuu soo urayaa mar haddii shahwad jinni ay korkeeda ku dhacdo. Marka gabdhaha ha is gaaraan.

Su’aal: Gabdhaha jinniga ah iyaga ragga insiga ah miyay kufsadaan?

Reymaa: Khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh………….. Dhadhadhadha……..Uhuuuuuuuuwha……..…. Fadlan …Jawaabta… kala soco qeybta 7aad wareysigan oo aan soo deyn doonno jimcaha soo socda inshaa ALLAAH. Ogow fikirkaaga waan soo dhoweyneynaa.

F.G. dad baban ayaa isoo waydiiyey wareysigan sida aan kula yeeshay Reymaa iyo in uu run yahy iyo in uu hal abuur yahay, asxaabey su’aalahaas waxaan kala jawaabi doonaa wareysiga qeybta ugu danbeysa.

No comments:

Post a Comment