SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Madaxwayne ku faanay in aanu waligiis xanuusanin!!

Maaha wax lagu faano in aadan waligaa xanuusanin ,sababta oo ah Xanuunada qaarkood waxa ay isaga iman karaan si aadan filaynin,khasab maaha in aad xanuunkasta iska ilaalin karto,balse waxaa meesha ku jirta in uu qofka ka taxadari karo waxkasta oo uu isleeyahay xanuun ama Cudur ayay kuu kenayaan.

Madaxwaynaha dalka Ugaandha ayaa waxa uu ku faanayaa in aanu waligiis xanuusanin,taasi oo dad badan ka yaabisay,balse waxa uu cadaynayaa sababta keentay in aanu waligiis xanuusanin.

Waxa uu yidhi:

"Weligaa miyaad maqashay Musaveni ayaa xanuunsaday oo Cisbtitaal yaalla, 31kii sano ee la soo dhaafay? Maxaa yeelay waxaan raacaa xeelado caafimaad, taas oo ugu dambeystii caawiso ka hor tagga cuduradaas. Qeyb badan oo cuduradaas ka mid ah waa laga hor tagi karaa". Ayuu yidhi, Madaxweynaha Dalka Uganda.

Hadalkan ayaa dad badan ula muuqda mid layaab ah, marka la eego tirada Madaxweynayaasha ee xanuunsaday sanadkan oo kaliya.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa muddo dheer London u jooga daweynta xanuun aan nuuciisa wali la shaacin.

Madaxweynayaasha Angola, Zimbabwe, Benin iyo Algeria ayaa safarro caafimaad ugu baxay dalka dibaddiisa sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo talada dalkaasi qabtay 1980kii ayay mucaaradku ku dhaliilaan in uu dalka ka maamulo "Sariirtiisa Cisbitaalka dusheeda", kadib markuu saddex jeer uu safar caafimaad ku tagay dalka Singapore, sanadkan oo kaliya.

 

No comments:

Post a Comment