SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Magaca Caruurta dhalata loo bixiyaa waa hadba waxa u horeeya ee ay Indhahaagu arkaan!

Iftiinkacusub.com: Haddii aynu nahay dadka Muslimiinta ah ,waxa aynu ka wada warhaynaa in magaca loo bixiyo Ilmaha yar ee markaasi dhashay uu noqdo magac Ilmaha sharaftiisa iyo karamadiisa aan hoos u dhigayn,isla markaana ah magac fiican.

Hadaba ma og tahay akhristoow in dadka loo yaqaano Hindida cascas ee ku nool wadanka Amerika in ay caruurtooda dhashay ay u bixiyaan magac ka turjumaaya ,waxkasta oo markaasi ay indhahoodu qabtaan marka ay kasoo baxaan qolka Ilmaha yari uu ku dhashay.

Dadkaasi waxa ay caado u leeyhiin in ay magaca caruurtooda ay ka dhigaan shayga ugu horeeya ee ay arkaan marka ay dibada uga soo baxaan qolka uu ugu dhashay ilmaha yari,tusaale ahaan:haddii aad qolka Ilmahu uu ku dhashay marka aad dibada uga soo baxdo aad markaaba indha ku dhufato Mas meesha maraaya waxaa waajib kugu ah in aad Wiilkaasi ama Gabadhaasi aad u bixiso Mas.

Waxaaba taasi kasii daran ,haddii sidoo kale aad aragto Waraabe ama xaata wax laga naxo oo aan afka lasoo marin karin ,khasab waxaa kugu noqonaysa in Ilamaahaasi loo bixiyo shaygaasi ugu horeeya ee ay indhahagu qabteen.

Waxaa jira madaxbadan oo dhinaca siyaasada ah ama dhaqanka ah in loogu yeedho magacyo ay markaasi ka muuqato foolxumo aad u wayni,Tusaale ahaan waxaa jira hogaamiye aad looga yaqaano dadkaasi ahna hogaamiye dhaqameed ,ayaa waxa lagu magacaabaa "DIBIGA FADHIYA" taasi oo ku tusinaysa in hogaamiyahaasi wakhtigii uu dhashay shaygii ugu horeeyey ee la arkay uu ahaa Dibi(Lo) meel fadhida taasina ay keentay in magaciisii uu noqday Dibi fadhiya.

Balse ma og tahay in dadka qaar ku nool wadankaasi in magacoodu uu yahay "Roob da'aaya"sababta oo ah waxa markii uu dhashayba la arkay iyada oo uu Roob da'aayo.

Runtii arimaha noocan ahi waa kuwo aad loola yaabo,waxa aan mararka qaar maqli jiray run iyo been wax ay tahayba, in dadyawga Shiinaha marka caruurtooda dhalata magac loo bixinaayo waxaa laga saadaaliyaa magacaasi midka uu noqonaayo, sanqadha ama dhawaaqa uu sameeyo Koob ama shaykale oo markaasi dhulka lagu siidaayo, ;Tusaale ahaan :waxa aad soo qaadaysaa galaas aan markaasi jabayn kadibna waxa aad si ula-kac ah ugu sii daynaysaa Dhulka, adiga oo dhagaysanaaya dhawaaqa ama sawdka uu sameeyaa sida uu u eegyahay,kadibna hadii uu dhawaaqo noqdo yuunyaan ,waxa aad ilmahaasi u bixinaysaa Yuunyaan , hadii sidoo kale uu noqdo dhawaaqasi "yuuyuuyuu" isla magacu waxa uu noqonayaa "yuuyuuyuu" Allaahu aclam.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment