SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Markab darxiis oo 104 maalmood Laydhku u bakhtiisnaa cabsida uu ka qabo Budhcad-Badeed Soomaliyeed.

Iftiinkacusub.com: Markab kuwa qaada dadka dalxiiska ah ayaa muddo 104 maalmood u socdaalayay Sydney iyo Dubai ,kadib markii lagu amray in Laydhka ama nalalka laga damiyo illaa laga gaadhayo xiliga waabariga, taasoo ay ku sababeyeen in ay hada barayaan biyaha khatarta badan ee budhcad badeedka Soomaalidu ay ka qadhabtaan,kuwaasi oo ku caan ah ayey yidhadeen afduubka Marakaakiibta.

Markabkan oo lagu magacaabo Princess ayaa siday dalxiisayaal gaadhaya 2000 oo qof kaasi oo ka soo qaaday magaalada Sydney ee dalka Australia, waxay ku jireen safar raaxo ah, hase ahaatee mar kaliya ayay soo wajahday cabsi iyo argagax aad u farabadani.

Hadaba markii lagu wargeliyay inay damiyaan Laydhka Markabka , isla markaana joojiyaan muusiga iyo cayaaraha ka dhex socda MARKABKA , inta lagu guda jiro 10 cisho ee la marayo biyaha Gacanka Cadan, Badweynta Hindiya, Canal Suez iyo Badda Carabeed oo ah goobo khatar ah isla markaana ay ka qadhabtaan ayey yidhadeen Budhcad Badeeda Soomalidu.

Dalxiisayaashan saarnaan Markabka ayaa lagu soo waramayaa in halkii qofba ay ku baxayso Lacag cadadkeedu uu dhan yahay $55,000 dollar, mudada ay ku jiraan safarkan raaxada ah.

Kaptanka Markabka ayaa ku wargelisay dalxiisayaasha inay qolalkooda dhexda ka soo xidhaan, marka uu gabalka dhacana la daminayo nalalka, lana xidhaayo makhaayadaha iyo goobaha lagu ciyaaro ee uu Markabku leeyahay.

Kabtan Gennaro Arma ayaa ka raali gelisay dalxiisayaasha rakaabka ah digniinta cabsida leh ee uu siiyay, maxaa yeelay ayey tidhi waxaa suura gal ah in weerar inagaga yimaado budhcada iyadu ka qadhaabatay dabadahan aynu marayno.

Hadaba akhristoow suura gal ma tahay in qoraalkan aynu ka faa'idaysano,fikirta iyo warbixinta ay dadka aduunka ku nooli ay inaga haystaan hadii aynu nahay dadka Soomaliyeed,mase isleedahay fikirkani waa mid khaldan oo aynaan lahayn ama been abuur la inagu samaynaayo.

Suura gal matahay in Budhcad badadeed aynaan ahayn balse ay budhcad badeed ay yihiin kuwa inta badan kusoo xad-gudbaha badaha dadka Soomalida,kadibna ka gaysta xalufinta iyo baabiinta badana Soomalida kuna daadiya qashinta iyo waxyaabaha ay wadamadooda iyo badahooda kalsoo fogadaan.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment