SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waligaa miyaad aragtay Kalluun Lugo iyo Gacmo leh?

Iftiinkacusub.com: Abuurta Ilahay waa mid ka yabinaysay Aadanaha ,markasta waxa aad arkaysaa  waxa aadan hore u aqoonin oo Dunida ku cusub. Kaluunka looyaqaano Alkzolotal ama Cirfiiidkii Biyaha ayaa ah nooc ka mid ah kalluunka.

kaasoo leh Lugo iyo gacmo layaab leh waxaanu awood u leeyahay inuu salka hoose ee badda uu ku socdo isaga oo aan dabaalan.

Noocan ka midka ah kalluunka ee Layaabka leh ayaa waxaa ku socda Dabar go'aad u wayn isla markaana xawli ah ,waxaanu ka mid yahay Bahda loo yaqaan berri biyoodka.

Xilligan tiro yar oo ka mid ah noocan kalluunka ahi waxa uu ku nool yahay Haro ku taalla badhtamaha dalka Mexico, waxaanu leeyahya midabo kala duwan.

arrinkan ayaana noqday mid saxaafada caalamka ay aad u hadal hayaan beryahan dambe, maadaama aan hore loo arki jirin noocan kalluunka ka midka ah isla markaana leh lugaha iyo gacmaha.

No comments:

Post a Comment