SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Suuqa ugu wayn Gaarisa oo hada Dab la qabad siiyey.

Khamiis 10/8/2017, Wararka laga helaayo magalada Gaarisa oo ku taala gobolka Waqooyi bari ee Kenya,ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay dad aad u cadhaysani ay dab qabad siiyeen suuqii ay lahayd magaladaasi Gaarisa kaasi oo loo yaqaanay Suuq Mugdi.

Suuqan ayaa ilaa hada waxaa lagu soo waramayaa in ay kusii fidayaan dabka la qabad siiyey,iyada oo dab damiska magalada ay la tacalayaan sidii dabkaasi loo bakhtiin lahaa,iyada oo ay soo buux dhafiyeen ganacsatadii halkaasi hantida ku lahayd.

Dabkan ayaa waxa uu imanayaa kadib markii dadka Somalida ahi ay maqleen ,gudida doorashada oo soo saartay shakhsiyaadka kusoo baxay doorashada ,waxaana ka mida in ninka layidhaa Cali Bunow Qorane loo doortay gudoomiyaha Degmada Gaarisa.

Cali Bunow ayaa waxa uu ka tirsan yahay xisbiga tallada dalka haya ee layiodhaa Jubilee, sidoo kale waxaa soo baxay xubno kale oo ka tirsan isla xisbiga.
sawir
 

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment