SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso dhab ah: Nin jacaylka uu u qabo Xaaskiisa iska saaray Qanjidhkii Taranka!

Iftiinkacusub.com: Waxa aan ahaa nin dhalinyaro ah oo shaqaysta,waxa aan ku noolaa wadamada qurbaha khaasatan kuwa Gaalada,waxa aan in badan ku fakari jiray in aan Guursado gabadh aan markaasi si dhab ah u jeclaa.

Guurka gabadhaasi waxa uu iga qaatay wakhti aad u badan ,waxa aan ku bixiyey dhamaan wixii dhaqaale aan u heli karaayey oo ay iyadu ugu xujaysay ,khasabna ay ka dhigtay la'aanteed in aanay jirin wax Aroos ah oo dhacaaya.

Ilahay mahadi ha ka gaadhee anigu kharashkastaaba ha iga baxee waxa aan ahaa mid ku faraxsan guurka aan gabadhaasi la galay,waayo waxa ii muuqday markaasi farxada iyo nolosha aan markaasi islahaa waad ka helaysaa.

Runtii kumaan khasaarin,waxaanu kala helnay farxad iyo rayn-rayn tii u danbaysay,waxa aanu noqonay qoys dhankasta ka dhisan oo aanay markaasi wax shido ah iyo balaayo midna anaay dhex oolon ,waana wax Ilahay lagu mahadiyo.

Inkastoo xaasku waxooga iga xanuusatay ,hadana xanuunkaasi ma uusan noqon mid caqabad iyo dhibaato ku keeno geedi socodkii gurigii aanu yagleelnay,muddo ka bacdina waxaa noo dhashay Ilahay mahadi ha ka gaadhee Ilmahii u horeeyey oo ah Gabadh.

Wixii ka danbeeyay dhalashadii gabadhii yarayd ee noo dhalatay ,xaaskaygii waxa ay noqotay mid marba marka ka danbaysa uu kusoo siyaado xanuun anaan markaasi garanayn meesha uu ka imanaayo iyo waxa keenaaya inta Ilahay ka sokaysa.

Dhakhtar kasta oo aanu markaasi u tagnaa waxa uu nagula taliyaa in ay Xaaskaygu dhasha joojiso ,oo aanay mardanbe dhalin ,wixii gabadha hada noo dhalatay ka danbeeya,taladaasi oo dhakhaatiirtu ay si adag noo siiyeen.

Anigu waa aan ka xumaaday waayo waxa aan jeclaa in xaaskayga aan jeclahay ay caruur badan ii dhasho,balse hadana marnaba kamaan soo horjeedsan talooyinka isdaba jooga ah ee ay nasiinayeen dhakhaatiirtu ,waayo waxaa ku jira cafimaadka xaaskayga.

Arintaasi tala bixinta dhakhaatiirta Xaaskaygu waa ay ku gacan saydhay,waxanay go'aan satay in aanay u joojin dhasha iyada oo markaasi ka fikiraysa baahida caruureed ee aanu u baahanahay;anigu se dhankayga aad ayaan uga soo horjeestay aniga oo markasta muhiimada siinaaya cafiidka xaaskayga aan jeclahay.

Qaddarta Ilahay Xaaskaygii mar labaad ayey Uur-qaaday,dhibtii iyo culayskii faraha badnaa ee kasoo maray dhashii Ilmaahaasi danbe waxa ay noqdeen kuwo raad wayn oo dhibaato ah kaga taga cafimaadkeedii,hadana iyada oo ay sidaasi tahay waxaa noo dhashay Ilmahii labaad.

Waxaa marlabaad iyo markastaba dhakhaatiirta iyo dadka arimahan aqoonta u lahi ay nagula talinayeen in gabadhani ay dhasha joojiso oo aanay mardanbe Uur-qaadin,taasi oo loo arkaayey bad-baado nafteeda ah iyo tan qoyskaba.

Madamaa arintan joojinta dhasha ay xaaskaygu aad uga soo horjeedo,waxa aanu arinkan markale ula tagnay dhakhtar aanu isleenahay malaha waxa uu idin siin karaa talo middii u danbaysay oo ah caafimaadka xaaskayga aan jeclahay,balse waxa uu nagula taliyey talo aan waxba ka duwanayn middi ay nasiinayeen dhakhaatiirtii isaga ka horaysay taasi oo ah in xaaskayga laga joojiyo dhasha,isaga oo arintaasi nooga dhigay mid loo baahan yahay in dhakhso loo fuliyo.

Markii aanu aragnay in arinta dhakhtarkani ay tahay mid lama dhafaan ah, xaaskaygiina ay tahay mid wali diidan joojinta dhasha, kuna adkaysatay in aanay dhasha marnaba iska xidhaynin,ayaan anigu waxa aan si lama filaan ah dhakhtarkii u waydiiyey waxa uu xalku noqonaayo,waxaanu hadal kooban igu yidhi xaaskaagu waa in ay dhasha iska xidhaa ninoow!

Aniga oo ka fikiraaya cafimaadka xaaskayga aan jeclahay,aniga oo ogsoon hadii ay xaaskaygu mar sadaxaad ay Uur yeelato in ay la kulmayso cafimaaddarro aan hadhaw loomaaro helin karin sida ay dhakhaatiirtu ku taliyen,aniga jecel farxad ku wada noolaanshaha xaaskayga aan muddada usoo dhabar adaygaayey,aniga oo aan doonayn in xaaska aan jeclahay in ay Dunida silic iyo cafimaad daro ku noolaato,jeclayna in ay Qodaxi iga muddo, ayaan waxan si kadisa ah dhakhtarkii ugu idhi ""Dhakhtar haddii ay xaaskaygu diiday in ay dhasha iska joojiso cafimaadkeeda oo ku jira awadii,aniga ayaa dhasha iska joojinayaa si aanay xaaskaygu Uur-danbe u qaadin iiguna caafimaado markasta""

Intaasi markii aan idhi ayaa dhakhtarkii Kursigii uu fadhiyey uu dib uga fadhiistay,kadibna waxa uu aad u eegay xaaskaygii hadana aniga ayuu ilnaxariisle ugu fiiriyey ,waxa uu hadalkaygii ku noqday mid aanu filayn siduu ii sheegayna maaha arintan aan ku dhawaaqay mid uu hore usoo arkay.

Waxa uu damcay in uu dhakhtarkii aniga ila taliyo,isaga oo ileh "maya maya qofka la rabo in dhasha laga joojiyaa waa xaaskaaga maaha adiga" taasi lafteedu waxa ay ku noqotay xaaskii mid ay u aragto gurrac iyada uun loola danleeyahay.

Waxa aanu ka tagnay dhakhtarkii isaga oo ii gudbiyey aniga dad igala taliya go'aankan aan qaatay ee ah in aan anigu dhasha isaka xidho si aanay xaaskaygu Uur u qaadin caafimaadkeeduna uu taam u noqdo,in aanu caruur badan silic iyo darxumo xaaskaygu ku dhasho waxa aan ka doorbiday in aanu korsano labada Caruur ah ee uu Ilahay na siiyey.

Cidkasta iyo talobixiye kasta oo aan u tagaa waxa uu igula taliyaa in aanan anigu dhasha joojin,waxaa ka mida kalmadahii ay i lahayeen""dhasha haysta mudin waaba intaasi oo ay xaaskaagu kaa tagtaa,dhasha ha iska joojin waaba intaasi oo ay xaaskaagu kaa dhimataa,dhasha hayska joojin waaba intaasi oo aad xaaskale u bahataa, dhasha dhasha dhasha dhashada ayaa badatay.

Aakhirkii waxa ay noqotay in aniga iyo xaaskaygii aanu heshiis galno,kaasi oo dhigaaya in aanay waligeed iga tagi doonin ilayn waaniga noloshayda qaybtii ugu muhiim sanayn hawl-gab ku samaynayee iyada awadeed,waxaanu heshiisyada ku galnay goobo sharciya oo ay adag tahay sida looga baxaa,kadibna waxa ay ila saxeexday warqadahii.

Aayaamo kooban ka bacdina waxa aan tegay Dhakhtarka waxanan iska soo saaray oo aan dibada iska soo dhigay Qanjidhkii dhalmada Ilahay SW uu ugu talagalay ,waxanan noqotay Awr-la dhuufaanay oo kale,waxanan waxaas oo dhan u samaynaayey raali galinta iyo kalgacalka aan u qabo xaaskayga oo ay ii dheertahay daacad nimadu.

Wixii ka danbeeyey heshiiskaasi iyo dhaqan galkisii, anigu waxa aan dareemaayey farxad madamaa aan badbadiyey noloshi xaaskayga.

Wakhti aan sidaasiba u badnayn markii laga joogo heshiiskii aanu wada galnay aniga iyo xaaskaygu,kaasi oo ahaa midkii aan nolosheeda ku badbaadinaayey,ayaa waxa aan si lama filaan ah aan markasta ka dareemaa in xaaskaygii isbadal uu ku yimi,waxa ay i tidhaahdaa hadalo iyo kalmado markasta i damqaaya oo aanan ka filayn.

Waxa ay noqotay xaaskaygii aan noloshayda u burburiyey mid aan igala gaban hadalo iyo odhaahyo noloshayda duminaaya oo ay ka mid yihiin"" ANIGU UMA BAAHNI NIN AAN WAXBA DHALAYN OO SIDA AWRKA LA DHUFAANAY".

Runtii habeenkii aan hadalkaasi maqlay waxa uu igu ahaa noloshay hadalkii iigu qalafsanaa ee aan maqlo,waxa aan iswaydiiyey maxay ayay sidan kuu leedahay,waxa aan ku idhi"" in aan Awr dhufaan ah aan noqdo adiga ayaa igu kalifay,in aan Awr-dhufaan ah aan iska dhigo noloshaada ayaan ku badbaadinaayey,adiga ayaan kaa naxay markii ad adigu naftaada u nixi wayday,in aan Awr-dhufaan ah aan noqdo qoyskeena ayaan jeclaa in ay noloshiisu sii jirto.

Hadaladaasi iyo kuwa kale oo badani marka ay iga soo yeedhayaan ,waxa aan ahaa nin Ilmadu ay ka dhibcayso labadiisa Indhood ,xataa waxa ay awoodi wayday in ay Ilmada iga biiso ama ay igu tidhaahdo raali ahaw,taas iskaba daaye waxa ay kusii carigsatay in ay hadalba hadalka uu ka xun yahay ay ugu tidhaahdo ina badheedho in ay igu sheegto nin aan caqli iyo garaad toona aanu ku jirin,"been may sheegin hadii garaan iyo maskax aan leeyahay ma Qanjinadhayda dhalmada ayaan dibada isaga soo tuuri lahaa.

Haddii aan hore idiin odhan jiray aniga iyo xaaskayga, hadda waxa aan leeyahay aniga iyo cadawgii aan mooday nasteexayga,in muddo ah markii aanu nolol kadeed ah guriga isugu soo hoyanaynay ayaa waxa ay markii u danbeeyay inta ay Kursi iigu soo fadhiisatay igu tidhi""Anigu uma baahni nin aan dhalayn,waxa aan u baahnahay caruur intan ka badan in aan dhalo,adigana waxba kaama soo socdaan waanan ogahay in aad tahay nin madhalays ah , sidaa awadeed waxaan kaa codsanayaa in aad iska kay furto Warqadaydana isiiso.

Habeenkii arintaasi ay isoo bandhigtay waxa aan jeclaan lahaa in aan nolosha dhamaanteed waayo,sababtu maaha iminka in aan jeclahay oo aan la'aanteed noloshayda nacay,taas maaha,balse sababta aan sidaasu u leeyahay waxa ay tahay ,waxa aan xasuustay oo marnaba aan maskaxdayda ka bixin khaladkii aan galay ee aan noloshayda ku burburiyey.

Hadaba madamaa ay heshiis sharciya ay ila gashay xaq iiguma laha in aan fura waa marka loo eego wadamada aan joogna sharciga ka jira,balse hadana intaasi uun kumay joogina indhahayga oo shan ah ayay Albaabka ka baxday inta ay shandadeedii qaadatay iskana tagtay.

Khaladku waa aniga taas markasta waxaan idiin xasuusinayaa in aad ka tigtoonataan hadiiba ay jiraan Rag dhibkaygan oo kale uu haysto ,waxaanan kula talinayaa in aydaan qadaan talabadii aan qaaday ee aan noloshayda godka madaw Biyaha ugu shubay.

Waxa aan sameeyaa ma jirto,ma qabsan mana ashkatayn,ha moodina in jacayl iyo lexejeclo uu hada iga haya xaasha,balse nafsiyan ayaan u niyad jabay oo xataa waxa aan tahli kari waayey in aan indhaahdo walaleey ii joog.

Markii ay iga maqnayd dhawr bilool ,waxa aan ogaaday in ay Guursatay nin ,taasina waxa ay igu noqotay caqabad kale oo kusoo biirtay culayskii iyo warwarkii faraha badnaa ee i hayey.

Haddii aan ahay nin ay ku jiraan xubnahisii dhalmadu oo aanan ahayn sidii ay igu sheegaysay Awr-dhufaan ah, saw maanta maan guursadeen,guursadeen,guursadeen waxaan hadalkaasi ugu cel celinayaa waa hadaladii iyo talooyinkii ay dhakhaatiirtu isiinayeen ee ahaa,xubnahaaga talanka ha iska saarin waaba intaasi oo ay xaaskaagu kaa tagtaaye,hadase tagtay,la guursay,aniguna nin iyo nin la'aan ayaan qol cidla ah dhex jiifaa.

Inkastoo markii aan Xubnahayga qaaliga ah iska saarayey ay dhakhaatiirtu ii sheegeen in ay tahay arin sir ah oo aan dadwaynaha lala wadaagi karin,hadana taasi ma aysan noqon mid shaqaysaa oo iyada(cadawgii,naagtii,inkaartii) lafteedii ayaa waxa ay dariiq walba lasoo tagan tahay,ma waxa aan la joogaa nin aan dhalayn oo xubnahiisii taranka iska saaray ahna Awr-dhufaan ah.

Waxaa arimahaasi igu dhacay iiga sii darnaa, shakigii iyo waswaaskii igu beermay, heer waxa aan gaadhay laba qof oo kasta oo dariiqa maraayaba aan u maleeyo in ay aniga iga hadlayaan ama i xamanayaan iyaga oo leh""waan nacaskii xubnahiisa qaligaa naag aan jelayn sababteed u saaray".

Saaxiibayaal sheekadani waxa aynu ka faa'idaysanaynaa in markasta laga tigtoonaado waxyaabaha keeni kara in noloshaada mustaqbalka ay caqabad iyo dhibato ay ku noqdan,kadib marka aad samayso waxyaabo hadhaw keeni kara in isbadalkasta oo noloshaada ku yimaada in aanay kasoo kaban.

Aduunka waxkasta oo aad samayso ama aad noloshaada ku burburiso waxaa laga yabaa qaarkood in la holo.hadii xaaskaaga iyo qofka aad jeceshay aad Aduunyo iyo dhaqale ku baabiiso waxa laga yaa in aad hadhaw kasoo kabato ,waayo dhaqalahu waa wax la heli karo lana samayn karo, lakiin sida sheekadan ka muuqata maaha arimahan noocan ahi kuwo cid la jecel yahay lagu raali galiyo.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Iftiinkacusub.com

 

 

No comments:

Post a Comment