SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Boolis Lagu Rakibay Qalab haddii ay Laaluush qataan Qabanaaya.

Dalka Vietnam oo dhibaato wayni ka taagan tahay, laaluush qaadashada iyo musuq maasuqa, isla markaana ay xukuumada talada dalkaas haysaa ku hawlan tahay sidii loo baabiin lahaa ee xididada loogu siibi lahaa, ayaa waxa amar culus oo aad u adag lagu soo rogay ciidamada nabad galyada waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaano.

Sida sharci cusub oo lagu soo rogay ciidamadaasi dhigayo, askari kasta oo shaqada ku jira looma ogolaan doono in uu qaato ama lagu arko, lacag ka badan laba dollar, waxa kale oo laga mamnuucay in ay qaadan karaan wakhtiga shaqada, telefoonada gacanta lagu qaato ee Mobilka iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin, sigaarka iyo khamriga.

Inta badan waxa jidadka dalkaas ka dhaca in ciidamada Taraafigu iska sii daayaan, wadayaal ku xad gudbay nidaamka waddo marista ee dalkaas, kuwaas oo laga yaabo in ay dhaafeen ishaarooyinka gaadiidka kala haga ama jidad khalad ah soo mareen, laakiin wadayaashaas oo dhami waxa ay og yihiin, in khalad kasta oo ay sameeyaan, dhawr dollar oo ay bixiyaan ka badbaadinayso.

Waxa kale oo sida dawlada dalkaasi sheegayso ku lumay lacagihii cashuuraha iyo ganaaxyada ee u soo hoyan lahaa wasaarada maaliyada, waxaanay fududaysay danbiyadu in ay ku sii bataan dalkaas, taas oo khasaaaraha shilalka gaadiidku gaadheen halkii ugu saraysay.

Ciidamadan laga mamnuucay mobilada, sigaarka, khamriga iyo lacagta ay jeebkooda ku qaadanayaan, ayaa si loola socdo, waxa dirayskooda lagu rakibay, aalado lagala socon karo oo haddii lacag ay qarsadaan ama khalad sameeyaan diiwaan galinaya.

Waxa kale oo lagu rakibay, qalab sheegaya mar kasta oo khalad laga galay nidaamka waddo marista uu qaban waayay, iyadoo la sheegay in qalabkaasi qiyaasi karo heerka khaladkaasi gaadhsiisan yahay iyo sababaha jiray, waxaanu qalabkaas loo sameeyay ka danbeeyay ka dib markii la arkay ciidamo inta ay laaluush qaateen ku qarsaday geedaha jidadka laga beero iyo kuwo wadayaasha gaadiidka kula balamaya in ay meel u dhigaan si ay hadhow uga qaataan.

Xigasho:wargayska saxaafi.

No comments:

Post a Comment