SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sweden waa wadanka ugu Diimaha neceb Aduunka!

Iftiinkacusub.com: Baadhitaan dheer oo lagu sameeyay dadka iyo Diimaha Aduunka ayaa waxaa lagu soo bandhigay in wadanka Sweden uu yahay kan dadkiisa ay ugu Diinta yaryihiin.Tobankii qof ee Swedish ah waxa la sheegay in Sideed ka midii ay yihiin dad aan Diinba haysan ama aan aamin sanayn in ay Diini jirto.

Dadka wadanka Sweden waxa ay tiro ahaan gaadheen 20/6/2017 saacadu markii ay ahayd 7:47 Subaxnimo dad tiradoodu ay gaadhayso Toban Milyan oo ruux.

Baadhitaankan oo laga sameeyay dhamaan wadamada caalamka isla markaana ay samaysay shirkada Gallup, ayaa lagu soo bandhigay in Sweden ay tahay wadanka ugu Diinta yar Dunida.

Wadanka Thailand ayaa noqday kan dadkiisa ay diinta aad ugu dheganyihiin. Sidoo kale waxaa kaalintaas Thailand la qaybsaday Morocco, Bangladesh iyo Georgia.

Waxaa kaloo warbixinta lagu sheegay in dadka xaadiraya Masaajida ama soo Islaamayaa ay wakhtiyadan danbe ay kor u kacaan, taaso markii la saadaaliyey la ogaaday in ay tahay dadka Muslimka ah oo wadanka aad ugu soo badanaaya.

Inkastoo dadka Swedhishka ahi aanay haysan 80% wax Diin ah,hadana waxa la aamin san yahay in haystaan qaarkood, caadooyin iyo dhaqamo isku jira oo kasoo farcamay Diimo badan oo Dunida laga isticmaalo.

Dadka Swedishka ah hadii aad la sheekaysato ,inta badan ma jecla in ay dadka kala doodaan ama kala hadlaan arimaha Diimaha,sababta oo ah waxaa ka dhaadhacsan in ay Diintu tahay arin ka khaas ah nolosha Bini-aadmiga oo aan wax door ah ku lahayn.

Wadankan Sweden in dadka Badankiisu aanu haysan wax Diin ah ,waxa aad ku garan kartaa habka loo aaso dadkooda Maytida ah ee ka dhinta,inta badan laba qaab ayuunbaa loo asaa Maydka,midi waa in la Gubo oo Laydh ama Korinto la qabadsiiyo maydka iyo kan kale oo ah in la xabaalo.

Hadii qofka dhimanayaa uu ku dardaarmo in Maydkiisa la Gubo, khasab waxaa ku ah dawlada iyo ehelkiisaba in la gubo kadibna Danbaska yar ee kasoo hadhay gubniinka,qofka ehelka u ah qofka dhintay waxa uu xaq u leeyahay in uu Danbaskaasi Guriga dhigto si uu ugu xasuusto iyo in uu Bad-waynta ku daro.

Iftiinkacusub.com

 

No comments:

Post a Comment