SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sheekh Fatfooday in Dumarku ay garaaci karaan Ragooda Khamriga cabba.

Fatwo ay baahisay mid ka mid ah idaacadaha ka hawl gala waddanka Morocco ee Woqooyiga Afrika ayaa dhalisay doodo iyo hadal hayn badan, kadib markii Sheekh Caan ah oo lagu magacaabo Mukhtaar Muxsin oo dalkaasi laga yaqaanaa uu barnaamij dhinaca qoyska ah ka sii daayay Fatwo uu sheegay in ay bannaan tahay in haweenaydu garaaci-karto oo ay gacanta ula tagi-karto saygeeda ,haddii uu yahay mid sakhraan ah oo khamriga caba ,qoyskiisana ku soo laabta isaga oo cabsan.

Fatwadan la yaabka leh ayaa markii uu sheekhu baahiyey ,waxa loo turjumay luuqado badan oo ay ka mid yihiin Faransiis iyo Ingiriis ,kadibna waxa lagu baahiyey baraha xiriirka bulshada taasi oo keentay in dadku faallooyin iyo hadal hayn badan ka dhiibtaan.

Idaacaddii baahisay Fatwada Sheekhaasi haweenka ugu fasaxay in ay raggooda sakhraamiinta ah garaaci-karaan ,haddii ay raggu iyaga oo khamri soo cabay ay guryahooda ku soo laabtaan ,ayaa muddo bil ah kadib barnaamijkii Fatwadaasi ku jirtay waxa ay ka saareen degelka ay ku leeyihiin internetka, balse taasi ma noqon mid fatwadaasi xakamaysa, ee boqolaal shabakadood oo hore u qaatay fatwadaasi ayaa baahiyey ,walina ay ku jirtaa fatwada sheekhaasi ee muranka dhalisay.

Guddi u hadashay Waaxda Arrimaha qoyska iyo Bulshada ee dawladda Dalkaasi Marooko ,ayaa sheegtay in Fatwadaasi ay dhibaato ka dhex abuuri-karto qoysaska sidaa darteed ay ka xun yihiin in idaacaddu faafisay Fatwo noocan oo kale ah, oo qoysas badan waxyeelo u gaysan karta, gaar ahaan dhiirri gelinaysa haween badan oo raggoodu khamriga cabbaan, in ay gacanta ula tagaan oo garaacaan marka ay soo cabaan ee ay guryahooda ku soo laabtaan.

Warbixintu, waxaay leedahay Masuuliyiinta dawladda Morocco ayaa idaacaddii barnaamijkan baahisay ku amartay in ay barnaamijka ka saaraan website-kooda ,balse taasi waxba ma soo kordhin waxaana fatwadii oo la sii turjumay lagu baahiyey meel walba oo warbaahinta Online-ka ah.

Sidoo kale waxa Fatwadan uu soo saaray sheekha lagu magacaabo Mukhtaar Muxsin oo ah xoghayaha Daarul Iftaa ee Dalka Morocco ,baahisey warbaahinta dalka Masar oo aad uga hadashay taasi oo ay haween badan oo carab ahi gaar ahaan Masaari ahi ku diirsadeen, iyaga oo ku dhiirranaya in ay raggooda khamriga soo caba marka ay guryaha ku soo laabtaan garaacis kula dhaqaaqi doonaan, arrinkaasina yahay kan walaaca ku abuuraya kooxaha xuquuqal Insaanka u dhaqdhaqaaqa oo ka cabsi qaba in ay tani keento xaalad fawdo ah, iyo dagaal gacan ka hadal ah oo dhex mara haweenka iyo raggooda khamriga cabba.

Fatwooyinka muranka badan iyo doodaha dhaliya ayaa ku soo badanaya dalalka Carbeed, iyada oo dalka Masar dhawr jeer Fatwooyin ay culimada qaar sii daayeen ay keeneen ,doodo badan iyo hadal hayn in ay ka dhalatay, gaar ahaan Fatwooyin qaarkood aad loola yaabay oo aanay hore Culimada islaamka ahi u sheegin, waxaanay Fatwadan ugu dambaysay noqon kartaa mid iska hor keenta rag iyo haween badan oo wada jira, gaar ahaan ragga balwadda leh.

 

No comments:

Post a Comment