SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gaarriyoow ma' iishoow, Uf qabiilkii aad tidhi, Hadduu adiga kuu uray ,Ragbaa jira ku uunsada.

Siyaasiyintu inta badan marka ay doorashada iyo tartanka madaxnimada ay galayaan,waxa ay aad u lulaan Farta, marka ay doorashadii ay u halgamayeen ay helaana waxa ay lumiyaan oo la waayaa kalsoonidii ay dadku ku qabeen.

Abwaan keenii waynaa ee Ibraahim sh.Saleeban(gadhle) IHN oo ahaa hal-abuur aan la heli karin , ayaa isagoo tilmaamaya kala duwanashaha qalbiga siyaasiga iyo waxa uu afka ka leeyahay ,waxa uu ku sifeeyay Warabahii yidhi "waxa aan rabaa in la iga badalo magaca Waraabe la iina baxsho magaca AAMIIN"ayaa tixdan Jiiftada ah ku yidhi:

Abaandulayaashii

Ina soo abaabulay

Shalay olalaheeniyo

Orta iyo cayaaraha.

Addin bay ku tumayeen

midna iimaybuu jiray

In amuurtu taa tahay

Aan idiin asteeyee

Ayaxii hadduu tagay

Ugxantii dillaacdaa

Ummadda umarkhaatiya

 

Waraabaa ayaan yidhi

Haddaad igu ogaydeen

Baadida islaamkiyo

Anoo aaran geel cuna

Iimaan la'aantii

istaaqfurula baan idhi

Aamiin baanan kala baxay

magacii Inkaarnaa

 

Isagoo ujeedo leh

Orgibaa ninbaa gawracay

Indhashuu usadhay laan

Waa amaanadaadee

Sii ilaali buu yidhi

 

markuu tegay islaankii

Inyar haddii uu maqan yahay

Agagaas dhurwaagii

Amba-qaad talaabada

Hadba soo ogaal durug

Eeg-eeg hilbaha dagan

Ursay jeenyihii hore

Wuxu yidhi udgoonaa

 

Amarrow markii xigay

Af balaadhan kala qaad

Carrab ooman soo saar

Awlalada ka leef-leef

Wuxu yidhi alleylehe

Oon xalaala baan helay

Aadbuu cantuugada

Adhaxda uga buuxsaday

Kolay araracdii tahay

Alamsay laf iyo jiidh

Inyar neefkii kama tegin

 

Duqa imashadiisii

Eedaysanihii bood

Oodiyo dhirtii jiidh

Ereybaase laga helay

Ku arooray maahmaah

Isagoo ordaayoo

Afar-qaadayuu yidhi

Waxaad igu ogaateen

Wixii aan ahaan jiray

 

Gaarriyoow ma' iishoow

Uf qabiilkii aad tidhi

Hadduu adiga kuu uray

Ragbaa jira ku uunsada

markuuse aarku soociyo

Haddaan eelo-weyntiyo

Aarankaygu iga didin

Waan ka aarsanlaa doqon

Intase aan afkaartiyo

Aragtidu midays nayn

nacas weyga adag yahay.

ALLA MAHAD LEH.

No comments:

Post a Comment