SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaabeh: Kun Like haddii aan la ii saarin ,Dabaqan kasoo tuurayaa Ilmahayga!

Facebook iyo Like dadka qaar waxa ay la marayaan in ay nolosha caruurtooda ku cayaraan isla markaana ay dhaafsadaan 1000 like ama ka badan oo Sheer ah,taasi oo ah arimo baryahan danbe aad inoogu soo badanaaya.

Nin u dhashay dalka Aljeriya isla markaana ku jiro isaga iyo caruurtiisuba Guri Fooq ah oo ka kooban 15 dabaq ,ayaa waxa uu muddo aad u badan uu jeclaa Like iyo sheer in loo saaro sawirada uu had iyo goor soo dhigo bartiisa uu ku leeyahay facebook.

Ninkan oo ahaa dadka inta badan facebooka lagu ibtileeyey ,wakhtigiisa badankiisana ku qaata ,isla markaana aan bulshada usoo bandhigin wax faa'iido u leh ,ayaa waxa uu sameeyey , si dadka saxiibada kula ah facebooka uga helo Like iyo Sheer aad u farabadan ,arin khatar ah oo dhamaan dadkii oo dhan ka yaabisay.

Maalin malmaha ka mida,isaga oo markaasi jooga gurigii uu ku jiray,oo ka mida fooq wayn oo ka kooban 15 dabaq,deganna kan ugu sareeya,ayaa waxa uu gacanta soo qabtay Ilmar oo uu dhalay,kadibna Daaqada guriga ayuu kasoo laalaadiyey.

Gacantii uu Ilmaha yar ku hayey mooyaane ,Gacantii kalana Mobilkkiisa ayuu Live kasoo galay,waxa si lama filaana markiiba arintaasi uga qayliyey dadkii hoos maraayey dhismaha 15 Dabaq ka kooban, waxaanay ka codsadeen in aanu Ilmaha yar aanu meeshaasi kasoo tuurin.

Sidoo kale khatarta ay arintani leedahay, waxaa markiiba facebook Live-kii uu ahaa soo galay ,dad aad u farabadan ,oo iyaguna ka codsaday, in uu Ilmahayar aanu goobtaasi fog aanu kasoo tuurin.

Balse dadkii oo dhan maxay ayuu ugu jawaabay:

""Haddii aan 1000 like si dhakhso ah aan la iigu saarin ,ilmahan yar dhulka ayaan kusii daynayaa"",

Dadkii dhulka joogay iyo kuwii Live-ka la ahaaba ,waxa ay u sareen Kun Like iyo in ka badan ,taasoo ay uga jeedeen in ay ilmaha yar noloshiisa badbaadiyaan.

Arintaasi markii ay dhacday,waxaa markiiba si dhakhso ah gurigii u yimi ciidamada Boloiska ,waxaana la kaxeeyay ninkii,markii la waydiiyey sababta uu sidan u yeelay,waxa uu ku jawaabay?

""anigu Ilmahaygan yar ma'aanan dilayn ,balse waxa kaliya oo aan u baahnaa in 1000 like aan dadka ka helo,waxanan ka kelay Kun iyo in kabadan,waanay mahadsan yihiin"

Ninkii waxaa la taagay maxkamad,waxaana lagu xukumay xadhig gaadhaaya Laba sano, iyada oo lagu sababeeyey,masuuliyad darada uu ku dhaqmay iyo cabsida faraha badan ee uu galiyey Ilmahiisaa yaraa.

Hadaba arimaha facebooku maaha kuwo la sahlan karo,mushkiladuna waxa ay tahay inaga oo si khaldan u isticmaalayna,balse maaha facebook in uu yahay mid isagu khaladka watta.

W/Q: Khadar Ibarim Aar

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment