SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waxaa Geeriyooday Caalimkii waynaa ee umada Soomaliyeed ay lahayd Shiikh Shariif Cabdinuur

Waxaa Geeriyooday Caalimkii waynaa ee umada Soomaliyeed ay lahayd Shiikh Shariif Cabdinuur oo la odhan karo waxa uu ahaa sheekh wakhtibadan iyo dadaal badan usoo huray sidii dadka Somaliyeed Diinta loo bari lahaa,ayaa maantay ku geeriyooday dalka Sucuudiga gaar ahaan magalada Baraykaysan ee MAKKA.

Sheekha ayaa la sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay dalka Sacuudiga oo uu wakhti aad u badan uu deganaa.

Sheekh ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa caalim weyn oo wax baray arday Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa culimada Somaliyeed kuwooda lagu tirin karo in ay bixin karaan Fadwada Diiniga ah.

Waxaa uu door weyn ku lahaa fidinta Diinta Islaamka iyo baahinta aqoonta iyo cilmiga, waxaa uu wax baray kumanaan arday oo kasoo aflaxay Kutubahii uu dhigi jiray sheekhu.

Waxa aan Ilahay uga baryaynaa in uu Janadiisa Fardawsa uu galiyo.

1 comment: