SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaableh: Madaxwaynahii ku dhawaaqay in uu Ilahay lasoo hadlay!

Iftiinkacusub.com: Waxa aynu Kudibaha iyo Diimaha ku haynaa in Ilahay SW uu la hadlo oo kaliya Rusushiisa ,Nabiyada iyo Malaa'igta,kuwaasi oo dhanna hanaanka iyo habka uu ula hadlay Ilahay SW waa mid aynu ku aragtay Kitaabkeena Quraanka ah.

Waxa aad moodaa in wakhtiyadan danbe ay Aduunka kusoo kordhayaan ,dadyaw iyagu aaminsan in uu Ilahay SW uu lasoo hadlay,taasi oo ay sida xaqiiqdu tahay ay isku khaldayaan Shaydaanka iyo Ilahay SW sharaf badnaaye.

Madaxwaynaha dalka Filibiin oo magaciisa layidhaahdo Rodrigo Duterte, oo tariikh ahaan waxbadan lagu xaman jiray in uu yahay Madaxda Dunida kuwooda ugu cayda iyo aflagadada badan,ayaa waxaa uu dadka ka dhaadhiciyey in uu Ilahay lasoo hadlay.

Madaxwaynahu waxa uu yidhi,waxa aan saarnaa Diyaarad,waxa aan safar shaqo ugu socday dalka Jabaan,dhamaan dadka Diyarada ila wada saarna waxa ay ahayeen kuwo ay hurdo wada qabatay ama seexdayba.

Madaxwaynahu waxa uu ku doodayaa in isaga oo aan diyaarada gudaheeda aan seexan in halmar uu maqlay dhawaaq iyo maqal aanu waligii arkin oo isaga lagula hadlaayo, iyada oo la leeyahay,"haddii aadan daynin cayda iyo aflagadooyinka,waxa aanu kula qalibi/ridi doonaa wakhtigan xaadirka ah Diyarada aad saaran tahay!

Muddo ka bacdi markii aan wadankaygii kusoo noqday, ayuu Madaxwaynahu ku doodayaa, in dadkii aqoonyahanka ahaa ee aan arintan waydiiyey ay ii sheegeen in cidda ila soo hadashay ay tahay Ilahay.

Madaxwaynaha dalkaasi Filibiin waxa uu ahaa tan iyo wakhtigii uu madaxnimada dalkaasi qabtay,nin aan inta badan ka fiirsan hadalada iyo kalmadaha cayda ah ee uu ku odhaanaayo Madaxda isaga dhiggiisa ah.

Tiraba madaxda iyo aqoonyahanka uu aflagadeeyey waxaa ka badan yihiin boqolaal,waxaana ka mid ahaa Madaxwaynahii hore ee Maraykanka Barak Obama iyo madaxkale oo dhamaantood ka tirsan dadka Dunida laga tixgaliyo.

Madaxwaynaha dalka Filibiin tan iyo markii uu sheegtay in uu lasoo Hadlay Ilahay,isla markaana uu ku andacooday in hanjabaada Ilahay uga timi ay tahay mid ku qotonta in Diyarada lala ridi doono hadii aanu daynin cayda iyo aflagadada,laga bilaabo wakhtigaasi ,waxa uu madaxwaynahu go'aan saday in uu edeb iyo akhlaaq yeesho ,cayda iyo gardaradana uu joojiyo ,laga bilaabo wakhtigaasina laguma maqal lagamina arag isaga oo cid aflagadaynaaya .

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment