SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaableh, Qaybtii 2-aad :Adeer Kelli Midgaan Inantayda loo galin maayo!

Iftiinkacusub.com: Waxa aynu guda'galaynaa qaybtii labaad ee shakadii la magac baxday " Adeer Kelli Midgaan Inantayda loo galin maayo""! iyada oo ay inoo maraysay inantii oo ka xumaatay hadaladii gafka iyo quudhsiga lahaa ee uu Aabaheed ku yidhi wiilkii dhalinyarada ahaa ee ay is jeclaayeen.

Haddii aan idin xasuusiyo kalmada gafka iyo xumaanta ah ee uu Aabahu u quudhay ninkan dhalinyarada ah, waxa ay ahayd,""Adeer Kelli Midgaan Ilahay nama badin ,inantaydana loo gelin maayo ee raali ahaw""!

Hadalkaasi xumaanta leh markii uu maqlay wiilkii dhalin yarada ahaa,runtii waxa uu noqday mid cadho galiya, balse kumuu degdegin in uu si cadifadleh uga jawaabo, waxaanu dib labadiisa indhood ugu fiiriyey gabadhii uu jeclaa ,kadibna waxa uu arkay iyada oo Ilmadu ka qubanayso ,kana xun hadalada gafka iyo quudhsiga ah ee markasta uu Abaheed kula kacayaa ninkaasi ay is jecel yihiin .

Balse gafta iyo xumaanta hadalka odaygu inta uu leeg yahay markii uu damqay ninkii dhalinyarada ahaa ,waxa uu go'aan saday in uu wax ka yidhahdo, waxaanu ku yidhi Aabihii inanta dhalay:

"" Adeer waxa aan ahay nin Muslim ah oo Soomali ah,waxa aan ahay nin kugula soo koray magaladii aad degenayd,waxa aan ahay nin kula diir ah kulana jinsi ah,wax aynu ku kala duwanahay aniga iyo adigu ma jiro, waxa aan ogahay in aad wakhti badan iyo dhaqaale badan aad ku bixisay adeer sidii aad Inantaada Kalli iib ah aad ugu heli lahayd""

Isaga oo hadal kii sii wata waxa uu yidhi:

""Waxa kaloo jirta oo aan ka war hayaa in wakhtigii Inantaada aad Kellida u dalbaysay in aadan wax shuruud ah aadan ku xidhin, dadka Kellida looga iibinayo in ay Muslim noqdaan iyo in ay Gaal noqdaan,adiga oo waliba dhakhtarka u sheegay in Kelli kasta oo loo helo Gaal iyo Muslim,xaataa kuwa diinlaawaha ahna ha ahaatee".

"Haddaba sidaa awadeed ,aniga waxa aan ahay Muslim,walibana Soomali ah ,jecelna inantaada,magaalana ay kusoo wada koreen, Kellida iska daaye Wadnahayga ayaan u sarayaa haddii ay iiga baahato,waa maxay sabab aad Adeer aniga aad ii quudhsanaysaa,ilayn waadigan oggol Kellida qofka Gaalka ah ku jirtabee.

Intaasi markii uu wiilkii yidhi,ayaa gabadha lafteedu waxa ay ka adkaysan wayday gafka iyo afxumada uu Abaheed kula kacay ninkii ay jeclayd,kadibna waxa ay ku tidhi"" Aabo ma jecli in aan ku idhaahdo hadal ku cadho galinaaya ,hadana iyada oo sidaasa xaq ayaan u leeyahay in aan Ilahay dartii kuugu sheego waxa uu xaqqu yahay,Aabo wiilkan waan jeclahay isna waa uu i jecel yahay,Aabo Kellidiisu maaha Sun iyo Bakteeriyo ,maxaad iigu diidaysaa in uu ii saaro,adiga oo ila raba in jidhkayga daahirka ah lagu rakibo Kelli uu qof gaal ahi uu leeyahay.

Waxa kaloo ay iyada oo aad u xanaaqasan abaheed ku tidhi"" Aabo Kelli aan ahayn wiilkani Jidhkayga ma lagu rakibaayo,ku talagal in aan dhinto ayaa ka roon sida aad aabo wiilkan iyo anigaba noola dhaqmayso,Aakhirana dhib aya kaaga imanaysa".

Hadaladaasi aadka u kulul markii la is dhaafsaday,waxa hadana hadalkii dib ugu soo noqday Abahii isaga oo aan wax isbadala aanay ku samayn hadaladii ay kula hadleen Inantiisa iyo ninkan dhalinyarada ah ee jeceli,waxaanu isaga oo aad u cadhaysan inantii uu dhalayna farta ku fiiqaaya ku tiraabay hadalkan,"Intii Kelli Midgaan leeyahay ay kugu jiri lahayd,iyada oo aad iga dhimato ayaa ii dhaanta""!

Hadaladaasi aadka u kul kulul markii ay isdhaaf sadeen Aabihii inanta dhalay ,wiilkii iyo gabadhii , ayaa waxa hadalkii soo kala dhex galay dhakhtarkii oo isagu fahamsan mushkilada meesha jirtaa in ay tahay arimo qabiil iyo takoor ka jira Soomalida dhexdeeda , taasi oo ay in badan uga sheekeeyeen Inanka iyo gabadhu wakhti sii horaysay .

Dhakhtarkii oo yaaban ,isla markana hore u dareensanaa in aanu Abaha inanta dhalay marnaba aanu raali ka ahaan jirin booqashada wiilkan,waxbadana kala hadlay si gooni ah dhakhtarka in aanu wiilkani soo galin Isbitaalka ,hadana arkay in aanu Aabuhu ogolayn in wiilkan Kellidiisa loo galiyo Inantiisa,maqlayeyna gabadhii oo ku dhaaratay in Kelli aan tan wiilka ahayn in aan jidhkeeda lagu rakibi doonin,ayaa waxa uu damcay in uu arintii soo dhexgalo,waxaanu si gaar ah ula faqay Aabahii inanta dhalay waxaanu ku yidhi:

""Waxa aan in badan dareemayey, in aadan wiilkan ku niyad sanayn booqashada uu soo booqanaayo inanta aad dhashay ,hadana iyada oo sidaasi ah ,waxa meesha yalaa maaha wax fudud,waxaa lagaga baahan yahay in aad sidan wax ka badasho,ogolaatana in aynu wiilkan Kellidiisa aynu ku rakibno Inantaada,si ay nolosheedii dib ugu soo ceshato"".

Aabihii waxa uu dhakhtarkii ugu jawaabay:

"" Dhakhtar taladaadu ma xuma,balse waxa meeshan yalaa waxa uu yahay dhaqan soo jireen ah,kaasi oo haddii Kellida ninkan Midgaanka ah aan gabadhayda/inantayda ku rakibo nolosheeda ku noqon doona canbaar/xumaan aan waligeed ka go'in "".

Dhakhtarkii oo fahmi la waxyabahan jahligu ka muuqdo ee uu wali ku dhaganyahay Aabuhu,ayaa waxa uu ku yidhi marlabaad:

""anigu waxa aan ahay nin Muslim ah,waxan aad ka sheekaynaysaa halkayagan/wadankayagan aad ayay uga jiri jirtay wakhtiyo badan oo lasoo dhaafay, balse sidaasi oo ay tahay waa la'dabar jaray oo iminka u malayn maayo in ay jiraan wax sidaasi u wayni,adigana waxaan kaa codsanayaa in aad Ilahay ka cabsato ,walibana waxaan kugu boorinayaa ,Kellidan marka aynu gabadha u galinno ,wiilka iyo gabadha isu guuri oo geesinimo muuji dhaqalahaagana ugu dhis"".

Aabahii oo aad moodo in uu wali ku adkaysanaayo go'aankisii aadka u qalafsanaa,ayaa waxa uu dhakhtarkii ku yidhi""dhakhtar inta aynaan horta wakhti badan iskaga lumin arimahan *inankan yar* miyaynu ka warhaynaa horta in ay Kellidiisu noqonayso middi aynu u baahnayn iyo in kale""?

Dhakhtarkii oo markaasi isdareensiiyey in uu Aabihii waxoogaa soo dabcay ayaa waxa uu si lama filaan ah u yidhi""haa waa Kellidii ay inantu u baahnay"".

Aabihii oo markaasi shaki iyo waswaas galay ayaa waxa uu yidhi ""dhakhtar maxaad ku ogaatay in Kellida *inankan yar* ku jirtaa in ay tahay middi aynu u baahnayn""?

Dhakhtarkii oo markan is dareemay in ay siri ka fakatay ayaa waxa uu yidhi""waxa aanu wiilkan baadhnay wakhti hore,waxaanu ogaanay in Kellidiisu ay tahay mid sidii loo baahna u caafimaadqabta ahna mid ay qaadan karto Inantaadu"":

Aabihii oo markan aad dareemayso in uu xanaaqsan yahay ayaa waxa uu yidhi "" dhakhtar waxa aad moodaa adiga laftaadu in aad kasoo horjeedo sida uu sharciga dhakhtarku dhigaayo,waayo sidee ayaad u baadhi kartaa qof aanan anigu ogayn ama aanan raali ka ahayn""?

Dhakhtarkii isaga oo dejinaaya Aabihii aya waxa uu yidhi,"waxa jira sharci noo ogolaanaaya in qofka bukaanka ah markasta anaan kala tashan ehelkiisa,hadana waxa ay u muuqata in aan waxbadan lagaa tala galin doonin ,sida aad wax u waddo markii aanu aragnay ",kadibna waa uu ka dhaqaqay.

Hadal iyo dhamaan aakhirkii waxa ay arintii dhafiwayday ,in uu Aabihii dhamaanba uu diiday in uu Kellidii ninkii dhalinyarada ahaa lagu rakibo inantiisii uu dhalay,waxaanu sida dhaqanka liita ee ay Somalidu leedahay ku dooday in Kelli nin Gabooya ah aanu gabadhiisa ku xidhayn.

Akhriste arintii waxa ay noqotay mid runtii wax maaro ah loo waayey,waxa iska horyimi go'aano midkastaaba uu kan kale uu kasoo horjeedo,kuwaasi oo kala ah,Aabihii oo taagan go'aan ah in aan inantiisa Kellida wiilkaasi lagu xidhin,gabadhii oo iyaduna wacad ku martay in Kelli aan ahayn tan wiilka ay jeceshahay mooyaane aanay jidhkeeda mid kale lagu rakibi doonin xaataa hadii ay u dhimanayso.

Waxyabaha kale ee iyana dhibatadeeda leh waxaa ka mida,hadiiba wiilku uu Kellida u saari lahaa gabadha uu jecel yahay, isaga oo aan cidna kala tashan,waxa meesha imanaysa ya bixinaaya kharashaka iyo lacagta uu dhakhtarku hawsha ku qabanaayo, taasi oo ah mid ad u farabadan.

Sida ay dad badani yaqanaan, Dunida inta badan waxaa layidhaa Kellida iibkeeda iyo Lacagta uu qaadanaayo dhakhtarka hawsha qabanayaa ,waxaa qaalisan Gacanta iyo dhakhtarka qaliinka samaynayaa Lacagta uu qaadanaayo.

Hadaba madamaa uu Aabihii uu yahay midka isagu dhaqalaha bixinaaya,isla markaana aan la'aantii aanay waxba suura galaynin,saw la isma odhan karo waxaa haboon in talada iyo awaamiirta Aabaha la qaato haba qaldanaatee.

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu isaga laftiisu noqday mid culays iyo warwar dheeraad ah ku beerta arintan gabadhani,waxa uu hoos uga dhacay waxbarashadii,waxa uu noqday mid markasta ka fikira nolosha iyo aayaha danbe ee ay ku noolaan karto gabadha uu jecel yehey.

Hadaba habeen habeenada ka mida,ayaa waxaa Inantii kusoo kordhay xanuunkii,waxa uu xaalkeedu uu noqday in sida ugu dhakhsaha badan loo badbaadiyo,waxa arintii gabadha shir degdeg ah ka wada yeeshay dhamaan dhakhatiirtii Isbitaalka joogtay,aakhirkiina waxa laga soo saaray go'aan odhanaaya "waa in gabadhan sida ugu dhakhsaha badan Kellida looga saraa ninkan ay jeceshahay,iyada oo dhaqalaha iyo farsamada qaliinkana uu bixinaayo dhakhtarku,madamaa uu diiday Aabihii dhalay":

Go'aankaasi waxa uu noqday mid farax galiya wiilkii iyo gabadhii isjeclaa,waxaanu noqday mid si dhab ah uga cadhaysiiya Aabihii isagu macangaga ahaa ee aan marnaba u naxaynin Inanta uu dhalay.

Wiilkii iyo gabadhiiba waxaa loo sheegay xiliga qaliinka la galaayo,iyaguna waa ay ku farxeen wanay u diyar garoobeen,hasa heeshee Aabihii markii uu maqlay in dhakhtarkii uu fulinaayo go'aan kii kama danbaysta ahaa ,gabadhiina Kellida looga saaraayo Wiilkii uu diidanaa,ayaa waxa uu go'aan saday arimahan :

1.In uu ka toobad keene khaladkii iyo danbigii halista ahaa ee uu sameeyey.

2.In uu dhaqalaha iyo kharashka ku baxaaya Qalinkaa dhakhtarka uu bixiyo dhamaantiis.

3.In uu gabadhiisa/inantiisa u guuriyo ninkan ay jeceshahay ee uu hore ugu diidanaa, isla markaana uu u dhisi si niyad sami ah.

4.In uu Ilahay u toobad keeno gaftii iyo hadaladii ka dhacayna uu ka raali galiyo wiilkii uu Sodoga u noqon lahaa.

Aabihii waxa uu isugu yeedhay wiilkii iyo gabadhii waxaanu u sheegay in ay samaxaan,waxa kaloo uu ugu bushaareeyey in uu isu guurin doono waxkasta oo ay u baahdaan uu u samayn doono ,waxaanu si kalgacal iyo niyad sami ah madaxa uga dhunkaday wiilkii isaga oo ka dalbaday in uu iska cafiyo.

Aabihii waxa uu u yeedhay dhakhtarkii,waxaanu u sheegay in uu dhamaan kharashka iyo dhaqaalaha hawsha qalniinka ku baxaysa uu bixinaayo,inkastoo dhakhtarkii uu taas ka diiday,una sheegay aabaha in hawshaas Isbitaalku uu kafaalo qaatay, hadana Aabihii waxa uu ku adkaystay in uu Lacagta dhamaan isagu bixinaayo,arintasi oo markii danbe laga yeelay, hawshiina sidaasi ayaa lagu fuliyey.

Ilahay amarkii gabadhii markii Kellidii wiilkii ay jeclayn lagu rakibay ,waxa ay noqotay mid ku cafimadaa,jidhkeediina waxa uu noqday mid si dhakhso ah ula qabsada Kellida cusub ee aanu hore u aqoonin.

Muddo aan sidaasi u badnayn kadib ,ayaa gabadhii waxa ay kasoo baxday iyada oo caafimaadkeedu aad u wanaagsan yahay Isbitaalkii,waxyar ka bacdina Aabihii Wiilkii iyo gabdhii waxa uu isugu guuriyey dalkii ay joogeen,halkaasi oo ay iyaga oo isqaba labaduba ay waxbarasho ka bilaabeen.

Akhriste waxa aynu sheekada ka faa'idaysanaynaa laba arimood oo kala ah:

1. In uu xun yahay takoorka iyo quudhsigu,loona baahan yahay in waxkasta sida saxa ah lagu eego.lana joojiyo ama la yareeyo waxyaabaha keenaaya in Diinta Islaamka lagaga fogaado,dadka aynu walalaha nahayna aynaan ku samayn waxyaabo bini'aadminimada ka baxsan.

2.Dadka had iyo goor takoorka lagu hayo ,iyagana waxaa looga baahan yahay in ay nolosha kaalintooda ay ka qataan,oo aanay noqon kuwo ku niyad jaba cidhiidhiga la galiyey ,waxaana looga baahan yahay in ay halgan u galaan sidii ay bulshada ula sinmi lahayeen.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment