SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso dhab ah oo dhacday: MIDGAHU Bakhti xooleed ayay cuneen waana lagu takooray,Maraykankana dad ayaa dad nool cunay sharafbaanay ku yeesheen!


Iftiinkacusub.com: Wakhtiyadan danbe dadka Soomalida ahi waxa ay aad ugu socdaalaan wadamada Yurub iyo Maraykan iwm ,wadamadaasi marka ay tagaan waxa ay ka codsadaan magangalyo siyasadeed,
iyaga oo looga baahan yahay in ay la yimadaan sabab cad oo magangalyo lagu siiyo.

Hadaba wakhtiyadii ugu horeeyey ee ay Soomalidu u socdaashay dalka Maraykanka,ayaa waxaa dhacday in wiil dhalinyara ahi uu damcay in uu dalka Maraykanka uu waydiisto magangalyo iyo in ay siyaan sharci uu wadanka ku deganaado.

Maraykanka sida dadka qaarkii ay ka warhayaan marka la isdhiibayo, waxa aad ku khasbadan tahay in lagu geeyo meel ama wax ay u yaqanaan Kaam-Xabsi oo qofkasta oo Maraykanka Gudahiisa ama Xuduudahiisa iska dhiiba la geeyo.

Hadaba intii aanu ninkan dhalinyarada ahi aanu tegin Xabsigaasi lagu hayo dadka magangalyo doonka ah, ayaa waxa uu raadsaday dad qarabadiisa ah oo ka caawiya kiiska uu doonaayo in uu isku dhibaayo ,intaasi markii uu soo diyaar saday ayaa waxa uu isgeeyey xarurtii la iska dhiibaayey ,kadibna waa la xareeyeye ama waa la xidhay sida Maraykanka u caadada ah.

Waxaa maalin maalmaha ka mida halkii uu ku xidhnaa ninkii dhalinyarada ahaa ee magangalyo-doonka ahaa tegay nin ay walaalo yihiin isaga,saxiibkii ,nin Looyar ah oo ay ugu talagaleen in uu u doodo ninkan dhalinyarada ah ee magangalyodoonka ah iyo nin kale oo ay u kaxaysteen Turjumaan.

Waxa la fadhiistay qolkii loogu talagalay in lagu qaadi kiiska ninkan dhalinyarada ah ee Xabsiga ku jira,waxa markaasi qolka ku diyaarsan dhamaan dadkii hawshan ku shaqada lahaa oo ay ka midyihiin,ninkii garsooraha ahaa ee kiiska qaadayeye,xeer ilaalintii Maraykanka oo ninkan xidhan mudduci ku ah una haysata in uu Wadanka sharci daro kusoo galay,walaalkii iyo Turjumaankii loo wadey,dadkaasi oo dhan ayaa fadhiya qolka.

Waxaa halmar lasoo galiyey qolkii ninkii dhalinyarada ahaa oo sida maxabiista Silsilido ku xidhan,waxa lasoo fadhiisiiyey halkii loogu talagalay,kadibna waxaa dacwadiisii bilaabay ninkii xeer ilaalinta ahaa ee Maraykanka oo ku dooday ,in ninkan dhalinyarada ahi uu yehey danbiile soo galay dal aanu sharci u haysan.

Wakhtiyar ka bacdi ayaa ninkii dhalinyarada ahaa waxa la waydiiyey sababta uu dalkan u yimi iyo dhibatada uu kasoo cararay waxa ay tahay ?

Waxa uu si lama filaan ah ugu jawaabay "anigu waxa aan ahay MIDGAAN" ninkii garsooraha ahaa ee kiiska baadhaayey ayaa waxa uu fahmi waayey waxa ay tahay Midgaan ama waxa uu uga jeedo.

Waxa layaab kale noqotay, ninkan dhalinyarada ahi waxa uun uu maqlay madamaa aanu u dhalan qabiilooyinka Gabooyaha ,waxa la isku dhiibaa qolo ama reer layidhaa Midgaan ,kadibna sharciga ayaa la isa siiyaa,balse Midgaan iyo waxa uu yahay ma aha nin fasiri kara.

Waxa jira nin goobta fadhiya oo ay soo kaxaysteen ninkan dhalinyarada ah ee dacwadu ku socoto qarabadiisu,kaasi oo loosoo kaxaystay in uu fasiro waxa uu yahay MIDGAAN,ninkii turjubaanka ahaa ee lasoo watay ayaa waxa uu guda galay in uu garsooraha kiiska haya u sharaxo ama uu fasiro waxa uu yahay Midgaan kadibna waxa uu yidhi:

""Xilli xiliyada ka mida ayaa dhulka Soomalida waxaa ka dhacday Abaar aad u ba'an ama Abaar aad u wayn,taasi oo dadka badan kIisii ay Gaajo iyo Biyo la'aan ay u wada dhinteen,kadibna qabiilada uu ninkani yahay markii ay arkeen in ay Abaartan ku dhimanayaan ayaa waxa ay cuneen Xoolahii iyo Adhigii ay lahayeen bakhtigiisii si ay uga nabad galaan in ay u dhintaan gaajo iyo cunto la'aan"".

Waxa kaloo uu ku daray isaga oo hadalkisii sii wata:

Markii ay dadkii cuneen Bakhtigii xoolaha,balse aanay kuwii kale ee markaasi la qabiilka ahaa aanay cunin,ayaa Ilahey waxa uu keenay Roob iyo raxmaad kadibna abaartii iyo gaajadii wa laga baxay, dhulkiina waxa uu isu badalay barwaaqo"".

Waxa uu kusoo khatimay hadalkii iyo fasirkii Midgaanka :

""Mirkii Abaartii laga baxay,ayaa dhamaan reerahii markii Abaarta lagu jiray aan Bakhtiga cunin waxa ay isugu yimadeen shir waxa aanay go'aan sadeen in reerahii xiligii abaarta bakhtiga cunay la takooro isla markana aan Hablaha laga guursan loola guurin ,shaqooyinka fiicfiicanna aan lasiin ama aan loo dhiibin,taasi ayaa waxa ay keentay in aakhirkiina loo bixiyo magaca MIDGAAN oo ah mid la isku caayo layskuna takooro"".

Markii ninkii turjumaanka ahaa uu faris aad u quruxbadan uu ku sameeyey magacii MIDGAAN,ayaa ninkii garsooraha ahaa ee Maraykanka ahaa inta uu kacay isaga oo madaxa ruxaaya ,ayaa waxa uu isaga iyo saxibadii go'aan kasoo gadheen kiiskii oo ay u arkayeen in uu yahay mid aad u layaab badan.

Waxa ay kusoo noqdeen qolkii ay dacwadu ka socotey, iyaga oo markaasi soo gaadhay go'aankii kama danbaysta ahaa,intii aanu go'aanka sheegin ninkii garsooraha ahaa,ayaa waxa uu ka sheekeeyey qisso aad u layaab badan oo ka dhacday dalka Maraykanka waxaanu yidhi :

"" Dalkan Maraykanka gaar ahaan gobolka Colorado magalada Denver ,waxaa jirtay diyaarad ka duushay, kadibna la waayey meel ay jaan iyo cidhib ay dhigtay,diyaaradaasi waxa ay ku dhacday dhulka Kaymaha ah,Diyaaradaasi ma aanay qarxin ,balse waxaa dhacday in dadkii Diyaarada saarnaa baahidii iyo gaajadii ay la kulmeen awadeed ay iyagu is-cunuun,markii baadhis lagu sameeyeyna taasi la xaqiiqsaday"".

Ninkii garsooraha ahaa isaga oo hadalkisii sii wata ayaa waxa uu yidhi:

"" Dadkii Diyaaradaasi raasnaa waxa kasoo hadhay oo kaliya Laba Nin ,markii labadaasi nin ay magalada soo galeen ee la aqoonsaday in ay yihiin dadkii Diyarada saarnaa,waxaa loo sameeyey Feesto iyo bandhigyo aad u cajiib ah ,waxaanay noqdeen dadka ugu badan ee Maraykan laga xusso, aadkana loo jecel yehey ""ayuu yidhi Garsoorahii.

Waxa uu hadalkii kusoo idleeyey :

""Afrikaanku waa dad xun,waayo markii ay baahida iyo gaajadu dhacday kuwii xoolaha Bakhtiga ah cunay sida Geela,Lo'da iyo Adhiga ,waa ay takooreen,Hablihiina waa ay u u diideen in ay guursadaan, *bal ka warama annaga (Maraykan)waxaa agtayada sharaf iyo karaamo ku leh ,kuwii Dadka nool cunay baahida markaasi jirtay awadeed"",kadibna waxa uu si sharaf iyo karaamo leh u siiyey ninkii dhalinyarada ahaa ee MIDGAANKA sheegtay sharcigii iyo dhalashadii dalka Maraykanka,waxaanu ku yidhi inta uu gacan qaaday kusoo dhawoow Maraykan waxa aad tihiin Halyeeyo.

Saxiibayaal qisadani waxa ay ku tusinaysaa nusqaanka iyo aqoon darada hadii aynu nahay Soomali inagu jirta marka laga eego takoorka iyo quudhsiga xoogan ee maanta ka jira dhulka ay Soomalidu degto dhamaantii.

Hadiiba ay jirto in magaca iyo kalmadda Midgaan ay ku baxday Bakhti xoolaad oo la cunay sida dadka qaar amin sanyihiin ,waxaa sheekadeenan ku jirta, dad iyaguna Gaajo iyo Haraad aawadii dad nool iyo kuwo bakhtiyaba cunay, hadana dunida looga yaqaano dadkii sharafta lahaa.

Hadaba waxaa iswaydiin leh ,hadiiba dadkii Gabooyaha ahaa iyagu Bakhtiga xoolaha cunay aynu takoornay noloshiina ku cidhiidhi galinay, kadib markii ay cuneen Bakhtiga xoolaha sida ay dadka qaarkii aamin sanyihiin ,bal ka warama hadii ay cuni lahayeen dadka nool,maxay ayaynu ku samayn lahayn ayay idinla tahay ,miyaanay kuu muuqan in aynu nolosha ku gubi lahayn ,kuna xabaali lahayn ,maantana qof aanu ka nooladeen.

Waxa aan sheekadan dhayastay isaga oo ka sheekaynaaya Shariif Maxamed.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment