SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaable: Qof Soomaliya oo laga soo saaray Kellidiisa wax ka badan 700 oo dhagax.

Waxa aad moodaa Biyo la'aanta iyo darxumada ka jira dhulka Somalidu ay degto,in aynu noqonay ,sida ay qiyasayaan dhakhaatiir badan oo Dunida ku nooli,in Soomalidu ay tahay ,dadka ugu badan ee ka cawda xanuunada Kelyaha,taasi oo la garan karo waxa inoogu wacani in ay tahay Biyo la'aanta iyo Biyo xumada waligeed ina soo haysatay.

C/raxmaan oo ah Muwaaddin Soomaaliyeed, kana soo jeeda Magaalada Gaalkacyo, ayaa kelyahiisa laga soo saaray wax ka badan 700 oo dhagax ,sida ay sheegayaan dhakhaatiir u dhashay dalka Hindiya, oo qalliin ku sameeyay kilyaha C/Raxmaan oo ugu tagay Dalka Hindiya.

C/Raxmaan oo wax ka badan saddex Sanadood la xanuunsanay kelyaha, ayaa waxaa uu u tagay dhakhtar ku yaalla Gaalkacyo,waxaana loo sheegay in Kellidiisa bidix ay infekshan qaadday, sidaas darteedna aanay waxba u qaban Karin ,tasoo iyana ay u dheertahay Kelida Midig oo iyana xanuun ku haysay fara badan.

Bukaan socodkii waxa uu tagay dalka Hindiya,si uu isugu soo daaweeyo, waxaana saddex Maalmood ka hor lagu sameeyay Qalliin guuleystay oo labada Kelyood lagu sameeyay.

Surya Prakash oo ah Dhakhtaradda qalliinka ku sameeyay C/Raxmaan, ee Isbitaalka Virinchi Hospitals ,ayaa sheegtay in sideed bilood ka hor, Kellida bidix qalliin looga sameeyay uu ka qaaday caabuq, islamarkaana uu dhibaato kale u geystay.

Waxaa ay sheegtay inta aysan billaabin labada qalliinba, in ay dib u habeyn ku sameeyeen kelyaha oo dhagxaanta ku jiraan,markii ay caabuqa ka saareen kaddibna ay billaaabeen in mid mid ay ugu sameeyaan.

Waxaa ay sheegtay in hal dhagax oo 3 Sinti mitir ah laga soo saaray kellida bidix, sidoo kalena boqolaal dhagax oo yaryar laga soo saaray kellida Midigta ah.

Waxaa ay sheegtay in dhagxaanta qaar ay daxaleysteen oo ay gudaha ku dhaceen, intii ay howsha wadeen laakiin ay soo saareen dhagxaan ka badan 700 oo Dhagax.

Drs Surya Prakash, waxaa ay sheegtay in tirade dhagxaantu ay tahay ,tii ugu badneyd ee qof laga soo saaro oo ay indhaha ka qaaddo, intii ay dhakhtaradda ahayd,waxaana ay intaa ku dartay in inta ugu badan ee ay arki jirtay ay ku qiyaaseyso 150 ilaa 200 oo dhagax.

Dhakhaatiirta Isbitaalka ayey sheegtay in maadada kiimikaad ee ay ka sameysanyihiin dhagxaantan ay baadhayaan, sidoo kalena ay aaminsanyihiin in waxani aysan ahayn wax ku beermay C/raxmaan ee ay yihiin dhaxaltooyo.

Laakiin C/Raxmaan ayaa u sheegay dhakhaatiirta, in taariikhda qoyskiisa aysan waligood arag dhagax kelliyaha gala,arintanina ay tahay mid isaga ku bilaaban tay.

Xaaladda Caafimaad ee C/Raxmaan ayaa hadda ah mid ka soo reyneysa,Dhakhaatiirta qalliinka ku sameeyay C/raxmaan ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in Kelyaha C/Raxmaan oo nadiif ah ay mar kale shaqadooda dib u billaabaan.

No comments:

Post a Comment