SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

MAANTA WAA BERRIDII AAN SHALAY KUU SHEEGAY !.

Wakhtiga ama samanka oo afsoomaaliga loo yaqaan 'Goor" waa mid aad muhiim ugu ah guud ahaaba Adanaha, horumarka uu shaqsi ama mujtamac kasta gaarona waxa uu ku xiran yahay hadba sida uu uga faa'iidaysto waqtiga.

Soomaalidu waa dad aad u hadal badan oo markay cabbirayaan fikirkooda ku aadan wax yaabaha la xiriira noloshooda, si aad ah ayay u xigmadeeyaan, haku sheegeen gabay, maahmaah ama oraahba.

Waxaan xusuustaa gabay caaqiibo leh oo ku saabsanaa waqtiga ama goorta oo uu tiriyay gabyaaga Soomaaliyeed ee caanka ah Xaaji Aadan Afqalooc, wuxuuna yiri



Seban tegay mid wali soo socdiyo saaka waxa jooga,

Saddexdaa siyood yaa xaal adduun lagu sifeeyaaye,

Soo noqod ma leh shalay wixii saadufoo tegaye,

Saadambeetiyo berrina waa su'aal maqane,

waxay taladu kuu suuban tahay subaxa aad joogto.

Xaajiga sida aan aragno ma hambaynin hadalka, waxa uuna qotomiyay falsafad qurux badan iyo sida ugu habboon ee waqtiga loo adeegsado, waxaanse jeclahay in aan isticmaalno waxa loo yaqaan "isburin ula kac ah" oo afka qalaadna lagu yiraado (deliberate contradiction) si ay noogu suuro gasho in aan si buuxda uga faa'iidaysanno gabayga, taas oo ah in aan dood la furano gabyaaga kuna bilaabayno su'aal aan ka keenno tuducda ah "Soo noqod maleh shalay wixii saadufoo tagay e".

 

"Xaaji Aadanow waxaa qabaa in shalay ay saamayn wayn ku leedahay maanta, miraha aan guranayno maanta sow maaha qaraarka qaldaadkii naga dhacay shalay iyo macaanka wixii noo hagaagay, sow markaan hirig galno ma dhahno, haddaan shalay sidaa yeelilahayn maanta sidaan naguma dhacdeen, shalay tagtay laakiin raadka ay maanta nagu leedahay waa hadba sidaan u dhaqannay, haddaan caqli iyo xigmad adeegsanno wanaag ayaan ka dhaxalnaa, haddaan si hamajinimo ah u dhaqannana shallay ayaan ka dhaxalnaa".

Waxaan tusaale u soo qaadan karaa sheekadii ninkii geeddiga ahaa iyo ninkii dadqalka ahaa, waatuu ninkii dadqalka ahaa u yimid ninkii miskiinka ahaa ee uu wiilka xalay ka qaaday kuna yiri isagoo u duurxulaya : "Ninyahow shalaad ila arrin xumayd,xalyna waad ila orod yarayd, maantana waad ila argti xuntahay", isagoo ka wada waa tan horee shalaad ila arrin xumayd markaan ku iri hadegin meesha dadqal bay leedahay, xalayna waad ila orad yarayd oo markaan wiilka kaa qaaday waad i soo gaari waysay, maantana waad ila aragti xuntahay oo anigii baa ku hortaagan waadna i garan la'dahay.

Talo xumadiisii shalay ayaa aayo xumidaa dhaxal siisay, waana sidaa markasta.

Waxaa marka halkaa ka cad in shalay ay maanta saamayn ku leedahay, taa darteed waa in aan laba mar ka fiirsanno waxaan samaynayno, iyo sida aan u dhaqmayno maanta oo ah shalayda berri, si aan uga badbaadno cabbidda sibirka aan shalay qooshanay, Sow kulama aha xaaji Aadanow ?

Waxaase hubanti ah in Xaaji Aadan intuu qoslo in uu i dhihi lahaa " Maandhow intaad sheegtay tuducda ugu dhambaysaan ku soo koobay, oo ahayd " Waxay taladu kuu suuban tahay subaxa aad joogto". Allay lehe waa run, maantaad talo haysaa ee ku dadaal in aad wax hagaajiso hadday tahay heerka shaqsiga ah ama hadday tahay mid ummadeed, si intaad nooshahay aysan uur kutaallo iyo caloolyow kuu halakayn,haddaad ka hulleesho dunidanna taas oo ah lama huraan in aan magacaaga loogu tuurin qashin qubka ama guddaafadda taariikhda.

Maantase waxaan aragnaa in uusan waqtiga wax qiimo ah noogu fadhiyin iyo ku sii socodka jidkii qalloocnaa ee shalay kaa oo na dhaxay siiyay dhibta maanta Soomaali la il daran tahay, qaladkii shalay naga dhacay intaan ku cibrad qaadan lahayn oon wax ka kororsan lahayn ayaan maanta mid kii hore ka daran faraha kula jirnaa, kaaga daranta waan ognahay oo taariikhdaa na bartay in ay fiicnaan lahayd in aan saxno qaladkii shalay oo uusan maanta mar labaad naga dhicin. mana heli karo dardaaran ka fiican tuducda Xaaji Aadan Afqalooc ee ahayd " Waxay taladu kuu suuban tahay subaxa aad joogto".

by Engineer Mohamed

No comments:

Post a Comment