SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Caruurtii ayaa iga gaajonaysa,waa in aan Suuqa Islii(Nayrobi) qof Somali ah kasoo qafaashaa!

Waa xilli waaberi ah, carruurtiina wey baahanyihiin. Hooyadood, Mama Mwikali waxaa la soo deristay xaalad adag maadaama aysan faraha ku hayn wax raashiin ah oo ay ilmaha dabka u saarto. Yar iyo weynba waxay ku dhawaaqayeen, "Mama ee tunataka chakula" (hooyooy cuntaan rabnaa). Odeyga Mwikali ay wada noolyihiin oo lagu magacaabo Kioko ayaa isla xilligaasi shaqo isu diyaarinayey. "Kioko ee", ayey ugu yeedhay Mwikali odeygeeda. "Ee" ayuu ugu jawaabay isna xaaskiisa. ‘Waamuka ata’ oo u dhiganta’maxaad ku bariday’ intay ku salaantay ayuu ugu jawaabay "niwaamka" (subax wanaagsan).

Mwikali waxay u sheegtay ninkeeda in ilmaha aan dab loo shidin oo ay baahanyihiin islamarkaana wax lacag ah oo ay cunto ugu soogaddo haynin. Wuxuu u sheegay Mwikali bal in ay digsi biyo ku shubto dabadeedna ay dabka saarto illeyn wuxuu soo indho indheynayaa xaafadda Eastleigh oo ay Soomaalida ku badantahay. Intuu si degdeg ah u labistay ayuu aaday saldhiggii booliska kana soo qaatay qori cabbeysan oo G3 ah. Asagoo ay la socdaan labo askari oo saaxiibbadiisa ah ayey xaafaddii Easteleigh dalaq yidhaahdeen.

Odey Xandulle oo deggan xaafadda Eastleigh, waaga ayaa asagana u baryey. Xaaskiisa Muxubbo oo saalaaddii subax ay wada tukadeen ayaa u sheegtay in caarruurtu gaajeysanyihiin. Wuxuu isna ku yidhi xaaskiisa, "bal digsi biyo ku shuboo dabka saar waxaan noo raadinayaa shaxaade". Halkii buu ka shiraacday, wuxuuna cagta saaray waddo gasho xaafadda Islii (Eastleigh) ee Soomaalida caan ku tahay magaalada Neyroobi. Wuxuu guriga kaga soo tegay xoogaa qaad ah oo uu xaleyto kasoo shaxaaday saaxiibbadiis. Qaadkuna kuma filleyn sigaarna maba uusan haaysan. Sida keliya maalinkaasi uu ku murqaami lahaa waa isagoo raadsada xoogaa shaxaad ah oo kale.

Kioko oo ay saaxibadiis la socdaan iyo odey Xandulle ayaa ku kulmay meel goolad ah. "Wee Waryaa simama" (waryaa istaag), ayaa la amray Odey Xandulle oo argagaxsan. "Balo, waar maxay ahaayeen waxu", intuu yidhi ayuu socodka joojiyay. "Lete kipande" (keen waraaqahaaga aqoonsiga) ayaa isla markiiba la amray. Kaar aqoonsi ah oo sharciyeysan intuu jebadda kala soo baxay ayuu u dhiibay Kioko. "Hii ni fake (kani waa faalso), twende station (inakeen saldhiga), nitakufunga" (waan ku xirayaa), ayaa lagu yidhi Odey Xanduulle oo ay xaajaddu ku xumaatay.

Nasiib wanaag, Odey Xandulle wuxuu meel dheer ka arkay Odey Magan Qadiid oo in muddo ah ay saaxiibbo ahaayeen. Wuu u dhawaaqay. Odey Xandulle intuu afka furtay buu ku qayliyay, "waar Magaanoow isoo gaadh". Wax yar kadib Magan Qadiid baa ka soo dul dhacay halkii lagu buuqsanaa. "Waar ina adeeroow 1,000 shilin idaymi dib ayaan kaa siinayaaye", ayuu Odey Xandulle ugu calaacalay saaxiibkiis Magan Qadiid. Magan Qadiid intuu jeebka gacanta gelshay ayuu kasoo saaray 1,000 kii shilin ee saaxiibkiis weydiistay.

Odey Xandulle wuxuu Kioko farta ka saaray 500 shilin sidii ayuuna xorriyaddiisa ku helay maalinkaasi. Asagoo aan dheg la qabto lahayn ayuu Odey Xandulle ku laabtay gurigiisii. 200 shilin buu u dhiibay xaaskiisi. Isla markiiba waxaa lasoo gaday raashiin. Carruurtii gaajeysneyd maalinkaasi waa ay dhergeen. Odey Xandulle 300 shilin ee u soo hadhay buu ku iibsaday xoogaa qaad ah iyo sigaarkii uu ku dhuuqi lahaa.

Askerigii Kioko ahaana wuxuu iska fasaxay saaxiibadiisi oo wuxuu markiiba aaday gurigiisa. Dherigii dabka la saaray markuu kasoo hayaamay gurigiisa ayaa la cabbeeyay oo loo helay raashiin ay quutaan carruurtiisa iyo xaaskiisa intaba. Guud ahaan Kioko wuxuu asagana xaaskiisa u dhiibay lacag dhan 200 shilin oo Kinyaati ah. Lacagtii kale ee usoo hadhay wuxuu la aaday goobaha khamriga nooca Chang’aa la yidhaahdo lagu cabbo. Odey Xandulle iyo askeri Kioko dhibkii waa ka haaday maalinkaasi oo waxaa u dambeeyay murqaan iyo damaashaad. Waa labo halac oo kaladaran.

Aadan Makiina

Adan.makina@gmail.com

No comments:

Post a Comment