SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaa keena Toxobta Madaxa iyo Timaha?

Dandruff waxay basada ku samaysaa toxob badan oo badanaa la dareemo marka la shanlaysanayo.Unugyada maqaarkeenna waa la cusbooneysii mar waliba oo ay duqoobaan laakiin haddii cusbooneysiinta ay noqoto mid dhakhso ah waxay keeneysaa in la dareemo unugyo badan oo dhinta kadibne loo dareemo toxob ama jirif ahaan oo ka soo daadato basada.

Dandruff-ka waxuuu kaloo ku dhacaa dadka ka shaqeeyo meelo heerkulkooda sarreeyo taasoo keenta in unugyada basada ay dhakhso is badalaan.

Dandruff-ka waxaa kaloo loo yaqaannaa "SCURF" ama caafimaad ahaan "Pityriasis Capitis"

Waxaa kaloo jira cudur loo yaqaanno "Seborrheic Dermatitis" oo ah caabuq ku dhaca maqaarka basada, wuxuuna keenaa in toxob badan uu sameeyo.

Calaamadaha dandruff-ka waxaa ka mid ah toxob cad oo basada saarsaaran ama tinta ku dhegan, basada oo leh cuncucn iyo hanbab.

Xaaladaha dandruff-ka badankood uma baahna in dhakhtar loola tago inkastoo dadka cuncunka siyaadada dareemo oo xoqa basadooda u baahanyihiin in daawo ay raadsadaan.

Maxaa keeno Dandruff-ka?

Waxa si toos ah u keeno dandruff-ka lama garanayo laakiin waxaa la isku waafaqsanyahay in nadaafad xumi aysan lug ku laheen.

Waxyaabaha keeno in dandruff-ka ay bataan ama helis uga dhigo qofka waxaa ka mid ah:

 

Madaxa aan la shanleyn si joogto ah.

Dadka xasaasiyad u leh khamiirka.

Maqaarka oo qalalan (dadka saliidda aan isticmaalin)

Caabuqa basada

Isticmaal la'aanta shaambada

Cudurrada qaar sida: Parkinson's-ka, Faalijka iyo Kaasaliimka oo yar.

Xasaasiyad laga qaado waxyaabaha la marsado tinta

Fangaska sida Malassezia oo kale

Nafaqo yarida sida Zinc-ga, Fitamiin B iyo dufannada qaar.

Diiqada iyo niyad jabka (waxaa la ogaaday in xiriir uu ka naxeeyo)

HIV (11% dadka qabo AIDS-ka waxay leeyihiin dandruff)

Bidaarta cudurka ee "Alopecia"

Garashada Dandruff-ka?

U ma baahnid dhakhtar si aad u gaatid in aad qabto dandruff, haddii aad leedahay toxob cad oo basadaada ku samaysantay ayaa kugu filan.

Haddii aad u baahantahay in aad dhakhtar aaddo horay u soo qaad haddii ay jiraan waxyaabo cusub oo aad bilawday in aad timaha marsato.

Maxaa lagu daaweeyaa Dandruff-ka?

Laba shay ayaa muhiim ah in la ogaado marka aad iska daaweyneyso dandruff-ka:

1) da'daada iyo 2) heerka dandruff-kaaga.

Waxaa lagu daaweeyaa shaambooyin loogu tala galay ka hortagga iyo daaweynta dandruff-ka umana baahnid rijeeto si aad u soo gadato.

Waxaa kaloo jira shaambooyin ka hortaga dandruff-ka uu keeno fangaska.

Haddii shaambooyinka waxba iskaga garan weydo waa inaad la xiriirtaa dhakhtar si loo ogaado waxa keenay dandruff-kaaga.

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS

somdoc.com

No comments:

Post a Comment