SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)

Abwaanku sida ka muuqata ama laga dhan-dhansanaayo Maansada, waxa uu ka hadlayaa sida ay muhiimada u leedahay in umadi marnaba aanay Ilaabin ama aanay hilmaamin dhacdooyinkii iyo wayahii
faraha badnaa ee ay soo martay,isla markaana  midkasta ay jirto wax ay ku dhaabadaysato oo astaan iyo garasho u ah.

Waxa kale oo uu Abwaanku Maansada ku xusayaa,sida ay u fiican tahay in markasda danta guud laga hormariyo danta gaar ka ah,waxaanad moodaa in uu Abwaanku si dhab ah u taabanaayo mushkiladaha iyo dantood-moognaanta haysata dalka iyo dadka ,kadib markii qofkastaaba uu tisii gaarka ahayd uu ka hor mariyey dantii guud ee ay ahayd in iyada si wadajir ah loo wada ilaashado.

Waxa uu Abwaanku ku bilaabay maansada:

Ayaamaha la tiriyee

Taxan ee kusoo mara

Taariikhda kuu qoran

Waxa loo tixgeliyaa

Dhacdo aan tirmayn'iyo

Xusuus kuugu taalloo

Jiilba jiil u tebiyoo

Tibaaxiyo warka u sida

Halgankiyo tiraabkii

Tirtirkii gumeysiga

Tacabkii adoogaa

Calan taagistiisii

U qotomiyey taallada

Waa tarikadiisii

Uu dhaxalka uga tegey

Dhaqan iyo tafiirtaa

Waa halkaad ka tarantee

Duntu kuugu taalleed

Ka tallaalantahay weli.

Magac taabbo qaadoo

Umad lagu tilmaansado

Waa sumadda kugu taal

Iyo lama tiraan adag

Oon kaa tegeyn abid

Taagan iyo timaadana

Ugu talogalkeeda leh.

Tukhaantukhada sebenkiyo

Tabalada Adduunkaad

Kaga tiirsanaataa

Tooggiyo dantaadiyo

Nolol tacabbir keedaad

Ku tilmaansataayoo

Tawfiiq Ilaah iyo

Xiska toyashadiisaad

Marinkiyo tubtiisii

Toos ugu hilowdaa

In laguu tilmaamiyo

In lagaaga taxaddiray

Toosin iyo tarbiyadayn

Waalidkay u taalliyo

Bulsho tababarkeedaad

Ku tuntuunsataayood

Alleylehe tidhaahdaa

Tafta hooyadii iyo

Kuwa tuurta lagu sido

Een weli tisqaad noqon

Intii aniga lay taray

Adiguna usii tebi.

Tiska oodda sii tiil

Dhacamaha usii taag

Hadba meesha laga tago

Weligaa ha taagnaan

Danta guud ha tolantee

Taada gaar badh uga tidic.

Tartan oo wax weyn taro

Tallaabada hore u dhigo

Tiigso aayatiin wacan

In la tebayo ugu toos

Taagtaada tamartaa

Marna hawsha haw tudhan

Tafaraaruq orodkiyo

Xilliyada tabaalada

Baahiyaa tarwadhanta leh

Waayuhu ku talaxtegey

Tuldo geela naaxiyo

Goolkiyo tabaadiga

Teenniyo lo'deennii

Tiro badane adhigii

Sayladaa la tubi jirey

Lagu tiirsanaayee

Taransigana lagu qabey

Waxtar duul tamadiyaan

Tirtiraan abaaruhu

Tayo beel dhaqaaluhu

Sicirbarar taraaree

Danyar jaqafada u tumo.

Uma taliyaheediyo

Matashiileheediyo

Uma tole isugu tago

Iyo weliba una tudhe

Ma gafuhu ka taajiro

Hanti-dhawr ka tiriyoo

Itus oo itaabsii

Ninka taano lagu tebo

U taxaabe jeelkiyo

Sharci kii la tiigsada

Noqo tawrigeediyo

Odhotkii dultaagnaa

Talada iyo waanada

Waxaan kaaga tegaya

Ummaddaadu waa tiir

Isku tolan tolweeyaan

Aan kala tegeynoo

Tawxiidka Eebbiyo

Diintaa isugu taal

Illamaa tin iyo cidhib

Jidh is tiirinaayiyo

Noloshaa isugu taxan.

Waxaa maansada tiriyey Abwaan:Yuusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)

No comments:

Post a Comment