SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qooraayoow qoraalka aad qortaa yuu ku qiimo tirin.

Markaad rabto in aad Aragti siyasadeed aad cabirto, ama bulshada aad ku Dhex nooshay aad Doonayso in aad Rayi iyo fikir la wadaagto ,ilama haboona in aad sidii dhidar onkod kiciyey aad qalanka ama Makarafoonka uun la boodo,balse waxa haboon in aad waxbadan ka fiirsato.

Hadaba inta aadan Qaliinka Qadan ama Mikrafoonka aadan qabsan dushana aadan uga bixin, waxa kugu horeeyaa ee aad qabataa waa in uu noqdaa marka hore ,in aad qiimayn sugan ku samayso,baahida ay u qabta mawduuca aad rabto in aad ka hadasho Bulshadu ,adiga oo ku halqabsanaaya hadba cidda aad isleedahay dhibta aad ka hadlayso waxbay ka qaban kartaa.

haddii aan Intaa hadalkaygaa gogol dhig uga dhigo, waxaan doonyaa inaan maanta ka hadlo, dhibaadada inaga haysata dad badan oo baraha bulshada wax ku qora, gaar ahaan Facebook iyo saxafada gaarka loo leeyhay ee wararka soo tabisa.

Arimahan aan laba u kala qaado:

1. Horta Warbaahinta iyadu wararka soo daysa,waxaa looga baahan yahay in ay markasta ilaaliyaan anshaha ay saxaafadu leeyahay,iyada oo an ka eegayn kaliya dadka soo booqanayaa tirada ay leeyhiin iyo macashka yar ee ay ka helayaan.

Hadii aad soo daabacdo ama aad qorto war ama qoraal aanay bulshadu jeclaysan,ama khatar dadwaynaha iyo dalkaba ku ah,ma og tahay in ad khatar galinkarto wadanka ad joogto.

2. Facebook waa bar ay dad waynahu fariimaha isugu gudbiyaan,qofkastaana waxa uu xaq u leeyahay in uu fikirkiisa iyo araadiisa maskaxeed in uu kusoo gudbiyo,iyada oo qofkastaaba qoraalka iyo mawduuca uu markaasi soo dhigo laga dheehan karo aqoontiisa garashadiisu halka ay gaadhsiinan tahay ,taasi oo qofka qoraha ah u yeelaysay qiimo dheeraad ah,hadiise aad qoraalkaaga kusoo gudbiso waxyaabo bulshadu ay karahsato ama aanay raali ka ahayn,waxa uu adiga kugu keenayaa nusqaan iyo liidnimo.

Dhalin yaradu inta badan waxa ay wax ka qoraan, ariimaha siyaasadda, khaastan siyasada Somaliland,hadiiba bal aan waxyar ka taabto ama yar dul isaago qaabka iyo hanaanka wax looga qori karo xisbiyada Somaliland,oo ay wakhtigan xaadirka ah ay ku tartamayaan Sadaxda Xisbi qaran ee kala ah:

1.Xisbiga Kulmiye oo uu Musharaf ka yehey Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

2.Xisbiga Wadani oo uu Musharax ka yahay Anb.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro.

3.Xisbiga Ucid oo uu Musharaf ka yahay Eng Faysal Cali Waraabe.

Haddii aad markaasi tahay qof ku qanacsan sadaxdaasi Xisbi mid ka mid ah, aad doonaysana Xisbigaasi aad siyasadiisa aad ku qanacsan tahay in aad soo bandhigto waxyabaha uu kaga duwan yahay xisbiyada kale,waxaa haboon in aadan ceebayn iyo wax ka sheeg khaldan aadan kula duldhicin xisbiyada kale ee aadan siyasadooda ku qanacsanayn.

Hadii aad tahay qofsiyaasiyana waxa ay bulshada kaaga baahan tahay, in aad si bilaa turxaan ah aad bulshada iyo dadka aad codka ka doonayso aad ugu soo bandhigto barnaamijkaaga siyasadeed oo tafa-tiran dadkuna ay fahmi karaan.

In aad qof caydaa qiimo kuuma samaynayso,qiimo iyo qurux ay kaa riddo mooyaane .

Dhaliisha iyo wax ka sheega siyasadeed,waa in uu xaq-dhawr ku jiraa.

W/Q: Cawil Cabdilaahi Xayd( MR Afsarkaalle)

Finland.

No comments:

Post a Comment